Been badanaa!!
Xilliyadii dowladihii ku meel gaarka ahaa ee dalkeena soo maray,
waxaa caadi iska eheed in lagala kulmo howl yaraan, masuqmaasuq, madax maalin
walba isku la jirta qoorta, nidaam iyo
cadaalad la’aan iyo dalki oo sii gelaya mugdi.
Si kastaba ha ahaate, waa laga baxay
KMG, waxaana la doortay Madax weye Xasan Shiikh Maxamuud .
Dad badan ayaa rajo muujiyay maadama
la doortay nin aqoon yahan ah sidoo kalena wata qorshe iyo dad garab taagan oo
xilligaas u muuqday in ay ka soo bixi karaan waxa loo igmado.
Nasiib darro, xaalku waxa uu noqday “Kud
ka guur oo Qanjo u guur” intii dowladihii KMG ahaa lahaayen oo qaab
darro ahaa waxa ay ku darsatay dowladdaan uu Xasan hoggaamiyo BEEN
maalin walba dhegaha dadka lagu afuufayo iyada oo loo adeegsanaayo war baahinta
Qaranka iyo midda gaarka loo leeyahay.
Maxaa ku kallifayaa madax heerkaas
la eg in ay been sheegaan, kaliya wixii
awoodooda ah ma qabtaano?
Beenta dad weynaha lagu waday ilaa
2012 markii la doortay madax weyne Xasan wey badneed laakin waxaa ugu caansana
kuwaan soo socda:
1/ 6-dii Tiir.
Xasan Shiikh, waxa uu baarlamaanka
ka hor sheegay inuu wato qorshe ama ugu yaraan lix tiir si loo helo ama loo soo celiyo dowlad
wanaagi naga wada lumay. Waxa ay eheed farxad in la helo muwaadin wata
barnaamij iyo qorshe lagu gaarayo wanaag laakin nasiib darro waxa uu ahaa hadal
oo kaliya .Maanta lixdii tiir midna kama suurta gelin.
Waxaa ka mid ahaa in dowladda uu
hoggaaminaayo Xasan xasili doonto dalka, nidaam iyo kala danbeyn la gaari doono
sidoo kalena la dhisi doono ciidan qaran oo dalkooda difaaca. Maxaan ka heynaa
intaas xitaa ugu yaraan tillaabo ma la qaaday?
Sidoo kale, waxaa ka mid ahaa soo nooleynta dhaqaalaha dalka. Waaba la sii dumiyay sidaan qabo.
Nabadeynta iyo dibu heshiisiinta
ayaa ku jiray lixda tiir. Maxaa la heshiiya madax weynaha iyo r/wasaarayaashiisi
ayaaba maalin waliba dhibkooda loo taagna,
baarlamaankana riwaayad ayaa laga daawan jiray maalmahaas .
Midnimada iyo wada jirka
Soomaaliyeed xitaa waa ku jirtay lixda
qodob . Maanta waxa loo fadhiya Muqdisho shir looga hadlaayo arrimaha
Soomaaliya iyo hiigsiga 2016 laakin sida la filaayayba waxaa ka maqan maamul
goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, dabcan sida muuqata waxaa lagu guul darreystay
in si wada jir ah loola shaqeeyo maamulada dalka ka jira waayo maalin walba
waxaan maqalna xariirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo sii xumaanya. Waxaan ognahay oo goob jog usoo eheyn qaabkii
qaldana ee ay ku dhismeen maamulada Jubbaland iyo koofur galbeed ee aaha qaab gacmo
maroorsi ah iyada oo loo wada jeedo ayaa nin waliba xoog ku yiri “Anaa
madax weyne ka ah meeshaan” sababtana waad dareemi kartaa waayo ma jiro
sharci iyo dowlad u istaagtay in si wanaasgan wax loo dhiso.
2/ Tira koobkii
dad weynaha .
Wasaaradda Qorsheynta iyo is-kaashiga
caalamiga waxa ay sanadkaan so saartay
waxa ay ku tilmaantay saadaalin ay ka sameysay tirada dad weynaha, waxa ayna
soo bandhigtay in muwaadiniinta Soomaaliyed gaarayaan 12,316,895 (Laba iyo Toban Milyan, Saddex
Boqol & Lix iyo Toban Kun, Sideed Boqol & Sagaashan & Shan Qof). . Isla
markiiba waxaa dhashay su’aalo badan iyo shakiyo muujinaaya sida howshaan loo
qabtay . waxaa sii xoojiyay shakigaas in madaxdii howalahaan soo bandhigtay si
cad uga war bixin weysay qaabka ay u sameeyeen tira kobkaan maadama dalka aysan
ka wada talin . Horaa loo yir “Beeni
raad ma lahane” waxaa durbadiiba soo if baxay been abuurka ay dowladdu
adeegsatay. Soomaaliland oo arrinkaas ka hadashay waxa ay sheegtay in tira
koobka ay dowladda Soomaaliya sheegatay yahay been abuur aan loo soo ganban .
Dhanka kale, Puntland ayaa iyana ku
tilmaanatay tira koobkaas waxa aan sax eheyn .
Taas waxaa ka sii daran markii guddomiyaha
gobolka Banaadir yiri “ kuwa tira
koobkaas samaaeyay riyo maalmeed ayey ku jiraan”. Xitaa haddii ay riyo
maalmeed kui jiri lahayen waxaa la heli
lahaa dad fasira laakin tani waa been lamana fasiri karo. Qoraa Soomaaliyeed ayaa yiri “ Tira
koobkaan ma Qiyaas baa mise Qisaas”
Haddii Gal-mudug dhisnaa leheed
dabcan waa beeni leheed.!
Dhameystirka Dastuurka, M/weyne Xasan waxaa uu ballan qaaday dhameystirka
dastuurka ila hadda wax dhameystiran lama
hayo waddadii lagu dhameystiraayayna laguma socdo.
Nidaamka xisbiyada, waxa uu ka mid ahaa
qorsha ay dowladdu ballan qaaday iyana waa beenowday waayo diyaar looma ah nidaam wanaagsan in al helo lana gaaro in xisbiyo
ku loolamaan talada dalka.
3/ Doorshada 2016. Hiigsiga 2016
iyo in ay doorasho dhacdo waxa ay ahaayen
waxa ug badan ee ku dhaca dhegaha dad weynaha tan iyo markii la doortay Xasan. Dhowr
jeer oo la weydiiyay madaxda ugu sarreysa
dowladda waxa ay ballan qaadeen in ay dhici doonto doorasho xor ah 2016.
Shalay labada gole ee xukuumadda iyo baarlamaankuba waxa ay ku
dhawaaqeen in aysan dhici Karin doorasho
2016.
Sidee ku dhece loo maba istaagin e ?.
Side dadku ugu kalsoonaan karaan
madax maalin walba been la taagan fagaaraha?
Haddii si hufan loo shaqey lahaa
dhowrkii sano ee micno la’aanta ku lumay waa la qaban karay qorshihii Xasan
baarlamaanka ka hor dhahay. Waa la awoodi karay ugu yaraan in dhismaha ciidanka
wax laga qabto sidoo kalena arrimaha dastuurka iyo garsoorka waa la sameey
karay. Waxaaa iyana hubaal ah in haddii hoggaan wanaagsani joogi lahaa xilligaan
aan u diyaar garoobi leheyn doorasho xalaal ah iyada oo xisbiyo ay loolamayaan
laakin nasiib darro waa nala siray.
Nabi Muxamad csw, waxaa la weydiiyay “ Mu’minku been ma
sheegaa”. Waxa uu ku jawaabay maya!
Inaan qarnigaan 21aad ka cabano been
intaas la eg -oo aan eheyn hal ama labo- waa masiibo nagu habsatay laakin
waxaan rajeynayaa in dadkeena manata ka dib ka kici doono hurdada oo ay danaha
dalkooda iyo dadkooda u istaagi doonaan madaxda nuucaan ahna ka tashan doonaan.
Beeni raad ma leh.
Maxamed Macallin Axmed (Baari).