Wednesday, June 29, 2016

Naxariistii Nabiga csw

22.Xayawaanka
Naxariisti nabiga csw kuma koobneen dadka ee waxay eheed mid xitaa gaarsiisan xayawaanka.
Markasta nabigu wuxuu dhihi jiray ha loo naxariisto xaywaanka, kuwa aad u adeegsanaysaan gaadiid ahaana ha dul saarina wax ka badan awooddooda kana war qab xaalkooda.
Nabigu csw wuxuu noo sheegay nin aad u oomana ee ceell yimid ka dibna ka cabay biyo markii uu oon baxayna arkay Ey harraadsan markaas ayuu ceelkii ku laabtay oo biyo uu cabbo Eygi uga keenay una mahad celiay Rabbigiis, ilaahna waa u denbi dhaafay.
Xayawaan aad u naxariisato ayaa ilaah kuugu denbi dhaafaya
Sidoo kale nabigu wuxu noo sheegay haweeney Naar ku gashay bisad ay meel ku xirtay ka dibna bisaddi dhimatay .
Waxaad dareemi kartaa heerka ay gaarsiisan tahay naxariista diintaan iyo nabi Muxamed csw ay la doonayaaan dunida.
Xayawaanku waa sidaada oo kale wuxuuna u baahan yahay naxariis iyo u turid .
Ha is dhihin waa xaywaan ee ku xad gudub.
Xitaa markaad dooneyso inaad qalato xoolaha, waxaa loo baahan yahay inaad si naxariis ah u qasho ee aadan silcin . waa inaad marka hore istcimaasha middi si fiican wax loogu qali karo sido kale waa inaadan xoolaha hortooda middida ku afaysan ama aadan isku hor qalin .
Ilaah ayaa noo banneeyay inaan cunno oo qalano xoolaha laakin waa inaan si il-baxsan uga faa’ideysano nimcadaas .
"Haddaad u naxariisato xayawaanka aad qalanyso ama aad dhaqanayso, Ilaah ayaa kuu naxariisa doona maalinta Qiyaamo”.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.

Monday, June 27, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

21. Dadka dagaalka lagu soo qabto.
Marka dagaal dhaco, waxaa caadi ah in dad la kala qabsado hadaba sidii nabigu dadkaas ula dhaqmi jiray?
Dagaalkii Badar, markuu dhacay muslimiintu guul wayn ayay gaareen oo ay dad badan ku soo qabsadeen, maadama aysan wali soo degin xukun ama waxa laga yeelaayo dadka dagaalka lagu qabto nabigu csw wuxuu kala tashaday asaxaabtiisa, waxaana loo sheegay laba ra’yi oo kala duwan oo ahaa in la dilo dadkaan maadama ay ahaayen kuwa dagaal la galay muslimiinta ama in laga qaato madax fusrasho.
Nabigu csw wuxuu qaatay kan ahaa madax furashada taas oo laga dareemi karo naxariistii nabiga csw iyo inuusan u oomanayn inuu dad dilo.Xitaa dadka waxaa loo eegayay xaaladooda oo wax aysan awoodin keen lama dhahayn qof waliba wuxuu awoodo ayuu isku madax furtay. Kuwa aan haysanin waxay isku madax furtaan laakin yaqaana qoraal iyo akhrin waxay isku madax furanayeen aqoontooda oo dad ka mid ah muslimiinta ayay barayeen qoraalka iyo akhrisa.

Nabi Muxamed csw ma ahayn mid ku xad gudba markuu ka guul gaaro cadawgiisa laakin wuxuu aha mid u naxariista mar walba .
Markii Maka la furtay ee islaamu xoogaystay ayuu nabugu ku yiri reer Maka "maxay idin la tahay inaan idinku sameeynaayo maanta ?"
Waxay dhaheen "wanaag oo waxad tahay walaal wanaasgan oo uu dhalay walaal wanasgan" .
Nabigu csw wuxuu yiri “iska baxa, xor ayad tihiine”
Dadkii magaaladiisa ka soo qixiyay ee intaas oo dagaal la galay ee dhibkii badnaa soo mariyay ayuu maanta iska fasaxay isagoo wax cadawtooyo ah kula dhaqmin ama aarsi ah .
Waa taas naxariistii nabi Muxamed csw, waa taaas naxariista laga rabo ummadda nabi Muxamed scw.
Ilaah ha noo wada naxariisto.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Sunday, June 26, 2016

Naxariistii Nabiga csw :

20. Dadka lagu dilo dagaalka.
Mararka qaar, waxaa dagaal dhax maraya muslimiinta iyo gaalda, waxaa ka dhalanaaya dagaalkaas dhimasho. Dhaawac iyo in dad iyo goobo la kala qabsado.
Hadaba siduu ula dhaqmi jiray nabigu csw dadka laga dilo gaalada?
Naxariista nabiga csw waxaa ka mid ahaa inuu ixtiraami jiay maydka gaalada una naxariisa jiray wuxua amri jiray inaan si xun oo dulmi ah loola dhaqmin maydka ee dadkii lahaa la siiyo ama la duugo.
Nabigu csw wuxuu reebay in la jar jaro ama lagu sii xad gudbo qofka markuu dhinto ka dib.
In kasta oo saxaabda qaar loola dhaqmay maydkooda qaab ka baxsan Bini-Aadanimada hadana nabigu csw kuma aarsan ficil la mid ah ama u dhigma.
Markasta wuxuu kula dardaami jiray asaxaabta inaan xad gudb la samayn.

Waxa ka dhacaaya melaha qaar ee dadku ku xad gudbayaan maydka ama la jar-jaraayo ama dariiqyada lagu jiid jiidaayo ma ahan wax waafaqsan diinta islaamka iyo karaamada aadanaha.
Waa la is daagali karaa inta dagaalka lagu jirana waa la is dilaya laakin qof dhintay ma ahan in lasii mayd dilo kumana jirto Bini-Aadanimada.
Ku dayo nabigaaga oo xitaa haddii aad jihaad galayso raac dariiqi nabiga csw hana gudbin xadkaaga ilaah ma jeclo dadka gudba xadka loo jideeyay.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Saturday, June 25, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

19. Haweenka iyo carruurta gaalada
Nabi Muxamed scw wuxuu kula dardaarmi jiray inaan la dilin shacabka aan wax ba galabsan inta lagu jiro dagaalka.
Dabcan xlligaas ma jirin duqayn iyo hub waaweyn oo la isku adeegsado laakin sidaas ay tahay wuxu kula dardarmi jiray asaxaabtiisa inaan la dilin shacabka gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Xitaa carruurta yar yare e dagaalka soo raaca lama dili jirin lamana dhibaatey jirin.
Billawgii dagaalkii Badar, waxay saxaabadu soo qabteen laba wiil oo u adeegayay Quraysh markaas ayay su’aala dhowr ah waydiiyeen iyaga oo garaacay markii ay ka shakiyeen in ay been sheegayaan.

Nabiga csw ayaa ku yiri asaxaabtiisa markii ay run idiin shegen waad garaacdeen markii ay been idiin sheegeena waad iska dhaafteen.
Ka dib nabigu si deggan ayuu u waraysaty oo naxariisi ku jirto mana ula dhaqmin si xun mana xiran iyada oo dagaalku billaabo rabo ama ay akhbaar u gay karaan cadawga.
Markasta carruurta si gaar ah ayuu ugu naxariisa jiray nabigu xitaa haddii lagu jiro dagaal.
Maalin kale nabigu csw wuxuu arkay haweeney dagaalka lagu dilay markaas ayuu inkiray oo ku dhahay asaxaabta yaan la dilin haweenka iyo caruurta.
Mar kale na wxuu ku yiri asaxaabtiisa yaan la dilin haweenka iyo qofka megan galyo dalbada.
Maanta u fiirso dagaalada ka dhacaaya dunida ee aan la ilaalin xuquuqda dadka shacabka imisa haween ayaa la dilaa maalin kasta oo imisa carruur ah ayaa la dila lana dhaawaca har iyo habeen.
Waxaan joogna xilli ay dadka xoogga lihi helaan xuquuqdooda iyo kasii badan kuwa masaakiinta iyo beri magaydadana ay xaqoodi iyo karaamdoodi waayen.
Maalin kasta waxaa lagu cel celiyaa xuquuqda haweenka iyo carruurta ama aadanaha laakin waa film la jilaayo iyo indha sarcaad lagu hayo dunida.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Friday, June 24, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

18. Qofka soo islaama iyada oo dagaalku socdo.
Islaamu waa diin naxariis, nabigeenuna waa nabi naxariis, waxaana ka fahmi karnaa naxariistaas innaga oo ku laabana siiradii nabiga csw si qota dheerna u akhrina.
Bal qisadaan akhri adoo mahadsan.
Iyada oo dagaal dhax maraayo msulimiinta iyo gaalada ayaa nin ka mid ahaa gaalada kuna jiray dagaalka yiri "islaamka ayaan soo galay" iyada oo la dili rabo laakin saxaabigii hor taaganaa ayaan ka iskaa dhaafin ee dilay.
Arrinki ayaa nabiga loo sheegay, waxana loo wacay saxaabigii oo la waydiiya maxaad u dishay ninka maadaama uu qiray towxiidka.
Markaas ayuu yiri “ dhab kama ahayn ee markuu arkay inuusan bad baadayn ayuu ashahaatay ”
Nabiga ayaa ku yiri "ma qalbigiisa ayad jeexday oo ogaatay dhab iyo been wuxuu ula jeedo, maxaad sameyne haddii Laa ilaaha Illa- laahu kuu timaado maalinta Qiyaamo”Saxaabigii ayaa yiri "nabi Allow, ii weydii Ilaah denbi dhaaf, nabiguna csw wuxuu ku celcelinayay oraahdii hore ee eheed “maxaad sameyne haddii Laa ilaaha Illa -Laalahu kuu timaado maalinta Qiyaamo”.

Ninka la dilay wuxu ahaa nin dagaal ku jiray waliba aha nin dhibaato badan u gaystay islaamka iyo saxaabada xitaa wuxuu dlay dad laakin hadana saas ay tahay nabigu csw wuu ka xumaaday in la dilay markuu ashahaatay ka dib waayo ujeedka jihaadku ma ahan in qof la dilo oo kaliya laakin waa arrin ka allaaran .
Maanta muslimiintu imisa meel ayay isku dagaalayaan ?
Maxay ugu dhaqmi la’yihiin diintaaan naxariista badan?
Imisa maalinta Qiyaamo u imaan doonta Laa ilaaha Illa- laahu waayo waxay dileen dad badan oo msuilmiin ah qaar baa la dilay iyaga oo ashahaadanaaya, qaar ayaa la dilay iyaga oo salaad ku jira ama Quraan akhrinaaya qaar kale na iyaga oo meel kale jooga.
Diintaan naxariista badan waxaa ku dhaqmi kara dad bartay oo fahmay laakin qof danihiisa gaar ah wata ama ujeedo kale leh waa adaga tahay inuu diintaan qabsado caalamkana ugu adeego .
Ilaah ha noo wada naxariisto.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
waa noo socotaa ..

Thursday, June 23, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

17. Dadka dhibka u gaysta nabiga.
Nabi Muxamed scw xitaa dadka dhibka u gaysta waa iska cafin jiray, waana u naxariisa jiray isagoo awooda inuu ka aarsado .
Nabiga csw oo hoos jiifa geed ayaa waxaa u yimid nin markaas ayuu soo qabsaday seeftii nabiga oo ku yiri "yaa iga kaacelinaaya maanta?"
Nabigu csw wuxuu ku yiri "Ilaah weyn".
Seeftii ayaa ka dhacday ninkii nabiga ayaana qabsaday oo ku yiri markiisa "yaa iga kaa celinaaya hadda ?
Ninkii wuxu yiri "noqo mid khayr qaba ah".
Nabigu wuxuu yiri "ma qiree ilaah kaliya inuu jiro ?"
Ninkii wuxuu yiri "maya, laakin waxaan kuu ballan qaadaya inaanan kula dagaalin mar kale soona raacin dad kula daagaalaya".
Nabiguna csw wuu iska fasaxay.
Ninkii markuu u tagay dadkiisi wuxuu ku yiri "waxaan ka imid ninka ugu khayrka badan agtiisa" .
Nin isku dayay inuu dilo ayuu cafiyay xitaa markuu diiday inuu islaaamo muu ku qasbin diinta mana dilin mana xirin ee waa iska fasaxay!.
Bal waa kaas ee maanta ha la cafiyo qof isku dayay inuu dilo madax waynaha dalka ama qof mas’uul ah.
Waa kaas nabigii naxariista ee na loo soo diray.
Mar kale, Yahuud ayaa ku tiri nabiga "Asaamu calaykum" oo ka dhigan dhimo iyagoo u ekeesinaya "Asalaamu calaykum" markaas ayaa hooayden Caa’isha -ilaah ha ka raali noqdee- oo ag joogtay nabiga fahantay uguna jawaabatay adinka dhinata, nacaladna ha idnu dhacdo.
Maxaad is leedahay nabigu wuu sameeynaya ? ma yahuud ayuu leeyahy maxaad I habaareysaan? Ma Caa’isha ayuu uga mahad celinaya sidii ay u difaacday ? mise ?
Nabigu csw wuxu ku yiri Caa’isha "is ka daa sidaa ha dhihin e Ilaah wuxuu jecelyahay naxarista, hadalada nuucaan ahna is ka dhaaf oo ha dhihin".
Yaa salaam, waa cajiib wallaahi. Nabigu csw wuuxu na barayaa inaan afkeena ka ilaalino hadalada xun xitaa haddii dadku nagu dhahaan inaan ka aammusno oo sidooda oo kale aanan noqonin.
Markasta nabigu csw wuxuu ahaa mid naxariis badan una naxarista dhamaan koonka.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.

Wednesday, June 22, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

16. Dadka diin kale haysta.
Dadka kaa diin duwan maahan inaad u qaado cadawtooyo caadifad ah markaad wax nacayso Ilaah dartiis ayaad u nacee, maraad jeclaaneysana sido kale.
Qofka kaa diin duwan laakin aan ku gaysanin wax dhibaata ah wuxuu kaa mduan yahay wanaajin iyo ixtiraam. Bal eeg nabigu siduu ula dhaqi jiray dadka nuucaas ah.
Waxaa xanuunsaday wiil Yahuudi ahaa una adeegi jiray nabiga csw markaas ayaa rasuulku csw booqday, wuxuu fadhiistay madaxa wiilka agtiisa markaas ayuu ku yiri “ islaam”
Wiilkii waa islaamay nabiguna wuxu ka soo tegay asigoo dhahaaya “ waa ilaah mahdiis wuxuu ka badbaaday naarta”.
Wuxu booqanaayo waa wiil Yahuudi ah oo xanuunsaan markaas ayuu kula dardaarmaya inuu islaamo si uu uga badbaadiyo naarta. Bal eeg naxariista heerkaas ah iyo duruusta ku jirta oo la rabo in ay muslimiintu ka faa’ideystaan mar kasta.
Asmaa bintu abii Bakar ayaa hooyadeed oo gaalad ah soo booqatay markaas ayey Asma nabiga waydiisay in ay xariirineyso iyo in kale hooyadood oo aan muslimad ahayn, nabigu csw wuxuu yiri "xariiri”
Waa taas naxariista nabigeena csw waa taas saamaxadda diinta islaamka .
Dad badan ayaa maanta ku celcelinaaya diinta islaamka waa diin dagaal laakin waxay ka indha la’yihiin saamaxaada ay xanbaarsan tahay qaarkood waxay ka tahay aqoon la’aan qaarna ula kac iyo xaasdiniomo .
Intaad awooddaan dadka kale diinta islaamka ugu yeera si wanasgana ula dahqma oo wanaaga diinta islaamka haka arkaano dhaqankiina xitaa haddii ay soo islaami waayaan xoog kuma lihidiin diintuna ma ahan wax la isku qasbo e waa qanaaco iyo ka raali ahaansho.
Qof aan kugu xad gudbin, haku xad gudbin xitaa haddii xad gudubkiisu yahay mid loo dulqaado karo loona samri karo u samra oo ku dayda nabigeena Muxamada csw.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa..

Monday, June 20, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

15. Dadka aan Muslimiin ahayn.
Ma waxay kula tahay in naxariista nabigu ku koobneed Muslimiinta oo kaliya? Haddii aad sidaas aaminsan tahay xaalku waa ka duwan yahay. 
Nabi Muxamed scw wuxuu ahaa nabi u naxariista dadka oo idil, naxariistiisa waxay isagu jirtay inuu u duceeyo qof aan muslim ahayn si Ilaah u soo hanuuniyo, inuu kula dhaqmo dadka aan islaamka soo gelin dhaqan wanaagsan iyo qaabab kale oo badan.

Maalin ayaa Janaaso la soo marsiiyay waddada markaas ayaa nabigu istaagay oo laga dareemay is bedel, markaas ayaa lagu yiri “ Nabi Allow waa Yahuud” markaas ayuu ugu jawaaabay "oo naf ma ahan miyaa ?
Bal eeg naxriista heerkaas ah . Adigu cadaw qof kuma ihid joogta ah laakin waxaad cadaw ku tahay qofkii kula dagaala ama kugu soo xad gudbo.
Waakan nabigeena csw uu baraayo saxaabda in haddii xitaa qof ka diin duwan geeriyoodo ay tahay inaad ula dhaqanto Bini-Aadanimo ee aadan xadka ka bixin. Naf waliba Ilaah ayaa abuuray karaamana siiyay, hanuunkana Ilaah ayaa haaya ee adigu karaamadaas haku xad gudbin naxariis iyo wanaagna ha la ga helo .
Markii islaamku billaaw ahaa ee xitaa ay adkeed in si muuqata islaamka loo faafiyo ayuu nabigu Ilaah ka baryay inuu soo hanuuniyo laba nin mdkood oo xilligaa ahaa labada nin ee ugu cadawsanaa islmakaa iyo muslimiinta ee kala ahaa Abii Jahal iyo Cumar Bin khaddaab oo xilliga gaal ahaa.
Hadafka uu Rasuulku lahaa oo waa in dadku ka badbaadaan dhibaatada Aakhiro, adduunkana ku wada noolaadan nabad, naxariis iyo wanaag.
Adigu iska soo qaad ma u duceey lahayd qof cadaw kuu ah ama kaa diin duwan?
Maanta waxaan joogna in dadkii Muslimiinta ahaa is habaaraan ama is dilaan iyagii ayaa isku naxariis la’ sidee dad kale ugu naxariisanayaan?.
Waxaa laga fogaaday fahankii islaamka markaas ayaan galnay mugdi iyo dhbaato badan.
Ilaahow nagu hanuuni dariiqa toosan nagana dhigna kuwa ku dhaqma diinta islaamka.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Naxariistii Nabiga csw:

14. Maalinta Qiyaamo.
Naxariista nabigeena csw kuma koobna adduunyada oo kaliya ee xitaa waa mid ay heli doonaan dadku maalinta Qiyaamo.
Yaa nooga baahi badan naxariis maalintaas dadka oo idil yaaban yihiin, maalin xitaa Malaa’iktu ku jirto digri iyaga oo aan denbi gelin, maalin adag oo dhib badan.
Maalin xisaab jiri doono, maalin qof waliba doonaayo naxariis iyo badbaado.
Rasuulkeena scw wuxuu leeyahy “ Nabi kasta wuxuu lahaay duco laga ajiibaayo waana soo hormarsaday laakin anigu waxan u dib dhigtay maalinta Qiyaamo si aan ugu shafeeca qaado umaddayda…..”

Kawran naxariista nuucaas ah ma jira qof heerkaas ay gaaraty naariistiisa?
Waa naxariis u gaar ah nabigeena csw markastana wuxu ka fikiraya wanaagga ummadda iyo sidii ay khayr u heli lahaayeen.
Inuu koonka u naxariisto ayaa loo soo diray isga oo kawaramaaya mid ka mid ah ujeedooyinka loo soo dirayna wuxuu yiri "anigu naxariis baan ahay….”
Ilaah hanaga dhigo kuwa isagu naxariista adduunyada si aan u helno maalinta Qiyaamo naxariista Ilaah.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela .
Waa noo socotaa..

Saturday, June 18, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

13. Umadda Muslimiinta .
Nabi Muxamed scw wuxuu ahaa mid aad ugu naxariista umaddiisa xitaa marka cibaadada la joogo aad ayuu ugu naxariis jiray . Hooyadeen Caa’isha rc oo nooga warramaysa nabiga,waxay dhahday "nabigu wuxuu ka tegi jiraya wax yaabaha qaar isaga oo ka cabsanaaya in umadda lagu faral yeelo”
Waxa uu ka tegaayo nabigu waa waxa ka soo horay waajibadka ee qofka sameeyana laga ajir siinaayo qofkii ka tagna aan loo qoreyn denbi.
Mar kale nabiga oo ka hadlaaya inuusan umaddiisa la rabin dhibaato wuxu yiri “ Umadda waxaan amari lahaa in la cadeysto markasta oo la weesa qaadanaayo laakin dhibaato lama rabo”
Nabigu aad ayuu u jeclaa cadayga laakin inuu umadda uu amro in ay cadeystaan in badan wuxuu u arkay in ay dhibaato ku noqonayso markaas ayuu ka dhaafay naxariis darteed.
Naxariistii nabiga csw waxaa ka mid ah inuu uga sii digi jiray dhibaatooyinka soo socda isaga oo umaddiisa la doonaya khayr .
Nabigu wuxuu nooga digay waxaa ka mid ah dibaatooyinka badan ee aan xilligaan ku jirno sida kala tagga iyo loolaanka joogtada ah ee aan micno ku dhisanayn, waxa kale oo ka mid ah inaan ka baxno diinta oo noqono gaalo ka dibna aan dhaxdeena is dagaalno.
Bal eeg naxariistaas cajiib ah xitaa isaga oo aan nala joogin ayuu nooga baqaya dhibaato .
Naxariistii nabiga ee cajiibka ahayd waxaa ka mid ah inuu nabigu kor u qaadi jiray gacmihiisa ka dibna dhihi jiray "Ilaahow umaddayda, Ilaahow umaddayda”
Naxariistii nabiga ee umaddiisa ma ahan waxa la soo koobi karo laakin Ilaah waxaan ka baryeyna inuu naga dhigo kuwa qaata dardaarankii nabiga iyo dariiqisi wanaagsanaa.

Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa…

Friday, June 17, 2016

Naxariistii Nabiga csw :

12. Meydka.
Shaki kuma jiro in nabigu aad ugu naxariisa jiray meydka iyo reerkiisa.
Waxaa la arki jiray isaga oo indhihiisa ilmo ka daadaneyso sidoo kale na waxaa badan ducooyinka aan ka dhaxalnay nabiga ee ku saabsan meydka iyo cidda laga geeriyoodo.
Naxariistii nabiga csw, waxaa ka mid ah inuu dhihi jiray "Meydkiina u qabta shahaadada” taas oo muujineysa naxariis dheeri ah iyo inuu la rabo khaatuma wanaagsan.
Nabigu aad ayuu niyadda ugu deji jiray qof ka sakaaraadaya ama ku jira xaalad aad u adag oo laga yaabo inuu u geeriyoodo. Sida uu Anas rc warinaayo, nabiga csw ayaa u tegay wiil aad u xanuunsanaaya markaas ayuu ku yiri “ Maxaad dareemeysa” wuxuu yiri wiilkii “ wallaahi Ilaah ayaan wanaag ka rajeynaya danbiyadeydana waan ka baqayaa” markaas ayaa nabigu si deggan u yiri “ Qof labadaan arrimood isuma raacaan haddii ay dhacdana Ilaah waa siiya wuxuu rajeynaayo waana ka badbaadiya wuxuu ka baqaayo”
Nabigu aad ayuu uga murugoo jiray geerida qof, waxaana la arki jiray illin ka socota indhihiisa markaas ayaa dadku dhihi jireen xitaa Rasuulkii Allow adiga maa ilmeynaya?
Markaas ayuu dhihi jiray “ Ishu waa ilmeyneysaa, qalbiguna waa murugoonaya laakin waxaan dhaheynaa wixii Rabbi raali ka yahay oo kaliya ….”
Nabigu wuxuu ku dadali jiray inuu ku dukado janaaso raacana meydka marka loo qaadayo qabriga isaga oo arrintaan ku baraarijinaaya muslimiintana wuxuu noo sheegay in ay xaq tahay inaad ku dukaato oo raacdo meydka walaalkaaga muslinka ah .
Intaas kuma koobneen naxariistii nabiga csw ee marka la duugo ka dib ayuu u ducey jira meydka oo ilaah uga baryi jiray denbi dhaaf iyo naxariis.
Naariistii nabiga waxaa ka mid ah inuu ku dukan jiray qof la duugay mararka qaarna wuxuu u dukan jiray qof meel fog ku geeriyooday sida boqorkii Xabashida xilliga xukumi jiray oo geeriyooday markuu islaamay ka dib.
Naxariista nabiga csw kuma koobneen dadka u dhaw ama uu yaqaan oo kaliya ee waxay eheed mid ballaaran oo gaarta dhammaan dadka ha u dhawadan ama ha ka dheeraadaan, ha ahaado faqiir ama taajir, ha yaraado ama ha weynaado, haween iyo rag tuu doono ha ahaado.
Waa taas naxariistii nabigeena ee qof kastoow ku dayo rasuulkaaga scw una naxariiso dadka .
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ……

Thursday, June 16, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

11. Jihaadka.
Jihaadku wuxuu ka mid yahay cibaadooyinka waaweyn ee ilaah ka rabo umadda muslimiinta, waxaana lagu helaa abaal marin qiima badan oo ah jannada Ilaah.
Waayadaan danbe, Jihaadkii waa laga tegay markaas ayaa laba dhibaato umaddeena qabsatay. Marka hore in la waayo wax dulmiga ka hor istaaga dadkeena iyo dalkeena maadama aysan jirin awood difaaceysa oo u taagan in ay xuquuqdooda u ilaaliso.
Marka labaad na waxaa soo baxay kooxa aan fahan ballaaran u lahayn diinta oo si khaldan u istiicmaala Jihaadka heer ay gaareen in ay dilaan qof musilim ah kadibna dhahaan waxaan ku jirnaa Jihaad.
Nabigu csw, wuxuu ahaa mid aad ugu naxariista muslimiinta marka ay ku jiraan Jihaadka, waxaana ka mid ah naxariistiisi inuusan u ogolaa jirin qof aan awooddin ama dhaawac ah ama aad u yar dagaalka xitaa hadduu dalbado.
Sidoo kale naxariista nabigu csw waxay gaari jirtay meesha duulan lagu qaado ama lagula dagaalamo gaalda isaga oo dhahaaaya asaxaabtiisa yaan la gubin beer, yaan la dumin meel ay ku cibaadeystaan, yaan la dilin sheekha gaalada, duqayda, haweenka iyo carruurta sidoo kale yaan la goyn geed.
Bal eeg naxariista nuucaas ah ila hadda ma jirto naxariis garatay heerkaas xitaa xuquuqul insaanka ay dowladuhu qorteen heerkaan ma gaarin wali iyaga oo sheeganaaya il-baxnimo iyo aqoon .
Naxariistii nabiga csw, waxaa ka mid ah qisadaan cajiibka ah.Furashadii Maka, waxay ku beegneed Ramadaan waana soonnaayeen asaxaabtu markaas ayaa loo sheegay nabiga in ay aad u daaleen oo soonku ku adkaatay markaas ayaa nabigu csw soonki furay oo biya cabay si ay asaxaabadu isaga afuraan maadama ay kari waayeen soonka . Ilaah nama dul saarin wax aanan awoodin .

Sidoo kale nabigu csw wuxuu kormeeri jiray oo la socan jiray xaalka dadka ku dhaawacama inta lagu jiro Jihaadka xitaa isaga ayaa ka qayb qaadan jiray caawintooda . Hadddi qof geeriyoodana aad ayuu uga murugoo jiray soona booqan jiray reerki qofkaas.
Naxariista nabiga waxay gaartay inuu la ilmeeyo marka asaxaabtiisa qaar ka mid ah ama qof geeri ku timaado sida qisadaan soo socota ka muuqata.
Nabiga oo uga warramaaya asaxaabtiisa meesha uu maraayo xaalka dagaalkii Mu’tah ayaa ku yiri “ Calanka waxaa qaaday Zayd waana geeriyooday, hadana waxaa qaaday Jacfar asna waa geeriyooday mar kale waxaa qaaday Cabdullahi Bin Rawaaxa asna wa geeriyooday isagoo indhihiisa suubanaha csw ilmo ka daadaneyso…..” Bal eeg siduu dareenkiisu ula dhaqaaqay shuhadadaas.
Waa taas naxariista laga rabo hoggaamiyaha umadda. waa taas naxariista laga rabo culumada maanta dadka barta diinta, waa taas naxariista laga rabo qof walba oo muslin ah.
Xitaa markuu nabigu saxaabi u wakiisho inuu dagaal la galo gaalda wuxu kula dardaarmi jiray Alla ka cabsi iyo inuusan xad gudub ku sameyn dad weynaha uu la kulmo iyo goobta uu tago.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa….

Naxariistii Nabiga csw:

10 .Xajka.
Ilaah xajka wuxuu ku waajibay dadka muslimiinta ah hal mar cimrigooda oo idil taas oo ah naxariis xagga Rabbi ka timid, haddii la dhihi lahaa waa sanad walba aad ayey ugu adkaa leheed dadka sidoo kale, waxa laga rabaa oo kaliya qofkii awooda ee ma dul saarna qof aan awood u lahayn.
Naxariistaas Rabbi, waxa daba taala mid kale oo ah naxariistii nabiga csw.
Maalin ayuu nabigu u istaagay inuu dadka hadal u jeediyo markaas ayuu yiri “dadoow, waxa la idinku waajibiyay inaad xajisaan ee xajiya, markaas ayaa nin yiri Nabi Allow ma sanad walbaan xajinaa isaga oo ku celcelinayaa ilaa seddex jeer, nabiguna uma jawaabin. Kadib ayuu nabigu yiri haddii aan haa dhihi lahaa waa la idin ku waajibi lahaa ee waxaan idin kaga tago iska dhaafa, dadkii idin ka horreeyay ayaa ku halaagsamay su’aalaha badan iyo khilaafaadka nabiyadoode …..”

Naxariista nabiga csw ma ahan mid la soo koobi karo .
Naxariistii nabiga csw ee arrimaha xajka waxa ka mid ah inuu u ogolaaday dadka daciifka ama duqeyda ah in ay Muzdaliqa kasii baxaan ka hor salaadda subax si ay u garaan jamaraatka intuusan buuxsamin ama cariiri noqon.
Mar walba nabigu wuxuu ahaa mid u naxariista ummadiisa iyo koonka oo idil.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela..
Waa noo socotaa….

Tuesday, June 14, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

9. Cibaadada.
Naxariistii nabi Muxmed scw kuma koobneen la dhaqanka dadka ee xitaa wuxuu ahaa mid qaab naxariis ah ugu sheega cibaadda laga rabo.
Marka lagaha hadlaayo soonka, nabigu wuxuu aha mid umaddiisa aad ugu naxariista sidaa darteed, wxuu kula dardaarmi jiray in ay suxuurtaan waliba wakhti danbe sidoo kale na ay afurka soo dedejiyaan ee aysan sugin wakhti badan haddii qorraxdo dhacdo.
Wuxuu dhihi jiray nabigu csw "khayr ayaad ku jirtaan intaad afurka dedejineysaan”.
Diintu waa naxariis sidaa darteed ayaa nabigu umadda si fudud oo naxariis ah u gaarsii jiray waxa laga rabo iyo waajibaadka saaran.
Xitaa nabigu wuxuu diidi jiray in qofku soon joogta ah galo oo sannadka oo idl soonnaado .
Xitaa marka la dukanaayo nabigu wuxuu dardaarmay in suurado yar yar lagu dukado ee aan dadka lagu kor dhameyn suurado dhaadher, maxaa yeelay dadka waxaa ku jiri kara qof da' ah, qof xanuunsan ama qof dan leh uu meel u socda.
Cibaadadu waa mid miisaaman oo dadku ka soo bixi karaan ee ma ahan culeys iyo dhibaato “ Ilaah wuxu nala doonaya fudeyd ee na lama doonaayo culeys”
Saxaabiga weyn ee Salmaan Al-faarisiye- ilaah ha ka raali noqdee- ayaa arkay Abuu-Dardaa rc oo maalintii soon ku jira habeenkiina salaad u taagan, markaas ayuu ku yiri “ Ilaah xaq ayuu kugu leeyahy, reerkaaguna xaq ayay kugu leeyihiin, naftaaduna xaq ayey kugu leedahay ee mid kasta xaqiisa sii”
Markuu nabigu csw maqlay arrinkaas ayuu yiri “ run ayu sheegay Salmaan”.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela
Waa noo socotaa….

Monday, June 13, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

8. Dadka Denbiga gala .
Siduu nabigu csw noo sheegay "Aadanaha waa khaldamaa, waxaana ugu khayr badan kuwa ilaah u soo laabta ee towbad keena".
Wax lala yaabo maaha inuu qof denbaabo laakin waxaa dhibaato ah inuu ka soo laaban waayo . Aan wada eegno siduu nabigu ugu naxariisa jiray dadka nuucaas ah.

Nin ayaa u yimid nabiga csw dhahaaya “ waan halaagsamay”
Suubanuhu scw wuxuu weydiiyay waxa ku dhacay? Wuxuu yiri "waxaan u tegay xaaskeyga anigoo sooman".
Nabigu wuxuu yiri ma helee qof aad xoreyso? wuxu yiri maya. Mar kale, wuxuu yiri ma soomi kartaa laba bil oo xiriir ah? Wuxu yiri maya. Wuux kale uu weydiiyay inuu quudin karo oo raashin sii karo miskiin muddo lixdan maalin ah, hadana wuxuu yiri ma awoodo.
Markii xooga la joogay ayaa la keenay timir, markaas ayaa nabigu yiri aaway ninkii wax weydinaayay ?
Ninkii ayaa yiri waa ikan, wuxuu yiri qaado timirtaan ee sadaqeyso. Ninkii ayaa yiri oo ma qof iga faqiirsan ayaa jirta Rasuulkii Allow?. Nabigu waa qoslay oo ku yiri "reerkaaga u geey".
Ninkii denbiga weyn galay ee maalin soon ah xaaskiisa u tegay ayaa ugu danbeyn la siiyay timir uu reerkiisa u geeyo waa taas naxariista nabi Muxamed, waa kaas dareenka dhabta ah ee la rabo in lagula dhaqmo dadka qirtay in ay denbi galeen ee doonaya naxariis iyo denbi dhaaf Alle.
Dad badan oo naga mid ah ninkaas oo kale waa u xanaaqi lahaayen sida in la yiri dadku yeysan denbi gelin.
Waligaa ha nicin qof laakin khaladka iyo xumaanta nac.
Nabi Muxamed scw muusan u xanaaqin ee wuxuu u sheegay dariiqyada kala duwan ee laga rabo qofka denbigaas oo kale gala laakin ninkii denbiga galay waa awoodi waayay dhammaan wixii loo sheegay xitaa markii danbe ee la siiyay wax uu sadaqeysto asaa qaatay waayo waa u baahanaa .
waa taas diinteena naxariista badan, waana mid ka mid tusaalooyinka aan dunida ka dhicin ee laga dareemi karo naxariistii nabiga csw.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa…

Sunday, June 12, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

7. Dadka aan aqooonta lahayn.
Aadanuhu waa kala duwan yahay qaar baa wax barta qaar kalena waxay ku mashquulsan yihiin arrima kale oo aan wax barasho ahayn gaar ahaan dadka jooga miyiga iyo meelaha ka fog magaalada.
Inkasta oo dadka miyiga ku nool yaqaanaan sida loo dhaqdo xoolaha, beerashada iyo howla kale oo noloshooda la xariira hadana waxaa ku yar aqoantooda la xariirta culuumta kala duwan ee dunida laga barto.
Sidoo kale, waxaa jira dad magaalada jooga oo iyaguna jaahiliin ah lagana yaabo in sababa kala duwan ay keenaan inaysan wax baran.
Hadaba dadka nuucaas ah, waa dad u bahaan naxariis gaar ah, waxaa laga yaaba waxay sameynayaan in aqoon darro u geyso ee aysan ka ahayn wax ku dheel.
Nabigu dadka nuucaas ah marka ay khaldamaan si gooni ah ayuu ula dhaqmi jiray isagoo ka dhaadhici jiray waxa jira iyo waxa looga baahan yahay.

Maalin ayaa nin reer miyi ah soo galay masjidka ka dibna kaadi is kala dhax fadhiistay, markii ay saxaabadu arkayn ayey ku billaabeen in ay canaantaan laakin naxariis badanihii rasuulkeena scw ayaa ku dhahay "iska dhaafa ha dhameystee". Markuu dhameystay ayuu nabigu csw si deggan u yiri “ masaajidda looma dhisin in lagu kaadiyo ee waxaa loogu tala galay in Ilaah lagu xuso, lagu dukado laguna akhriyo Quraanka “. Ninkii si deggan ayuu u fahmay arrinkaas, waana u riyaaqay. Bal eeg, naxariistaas cajiibka ah iyo sida xikmadda leh ee nabigu u gaarsiiyay farriinta saxda ah.
Ma ahan in qofka lagala dul dhaco ciqaab ama fursad loo arko in qofku khaldamo ka dibna lagu boobsiyo ciqaab iyada oo la heli karo xal ka wanaagsan oo xikamdeysan.
Dabacan khaladaadku waa kala nuuc, waana kala culus yihiin qaar ayaana muteysan kara ciqaab adag laakin waxaan uga jeedna wax yaabaha si aqoon darra ah ama u tala gal aan u dhicin ee qofku heli karo cudur daar.
Maanta baahida ugu weyn ee aan u baahanahay, waa inaan muujinna naxariista baaxadda weyn ee ay diinteenu xanbaarsan tahay.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa…

Saturday, June 11, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

6. Dadka dhibaatadu soo gaarto .
Dadka dhibaateysan, waxaa looga jeeda qofka xanuunsan ama laga xanuunsan yahay ama laga geeriyooday .
Dadka nuucaan ah, waxay nabiga csw ka heli jireen naxariis gaar ah iyo bishaaro ay ku farxaan ama ugu yaraan ka yareysa murugada saaran.
Nabi Muxamed scw, waxa uu ahaa mid booqda qofka xanuunsan ama reerka laga dhinto isaga oo na baraaya xaqa uu qofku ku leeyahay walaalkiis muslinka ahna wuxuu yiri, waa lix waxaana ka mid ah inaad booqato walaalka xanuunsan ama aad raacdo janaasadiisa.
Cusmaan Bin Cafaan- ilaah ha ka raali noqdee- wuxuu yiri “ waxaan la joognay nabiga wakhti kasta, wuxuu aha mid booqda qofka xanuunsan sidoo kale na raaca janaasada dagaalkana nala gala”
Nabigu wuxuu ahaa mid markasta ka war haya xaaladda ay ku sugan yihiin asaxaabtiisa iyo bulshada muslinka ah .
Umul-Calaa, waxay tiri “ waxaa isoo booqday nabiga aniga oo xanuunsan markaas ayuu I yiri " bishaareyso xanuunku wuxuu tira denbiga.. “
Markuu booqdo nabigu qof xanuunsan waa u duceey jiray ilaahna u baryi jiray inuu siiyo caafimaad .
Marka dagaal la galo ee qaar ka mid ah asaxaabtiisa dhaawacmaan, wuxuu ku dadaali jiray sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada ee ma ahayn qof hilmaama dadkii naftooda u huray difaacidda diinta Alle.
Qofka xanuunsan, wuxuu u baahan yahay dareen gaar iyo naxariis dheeri nabiguna wuxuu ahaa mar walba qof u naxariista dadka xanuunsan isaga oo howl adag iyo maamulidda musliminta dul saaran tahay ayuu hadana ka war qabi jiray dadka xanuunsan ama dhaawacan kuna dadaali jiray inuu ku booqdo guryahooda.
Bal qiyaas Rassuulkii Alle oo kugu soo booqanaaya gurigaada, maxaad dareemi leheed?
Waxaa ka mid ah naxariisti nabiga csw siduu ugu naxariisa jiray reerka laga dhintay.
Markii saxaabiga weyn ee Jacfar rc geeriyooday, nabiguu wuuxu yiri “ Reer jacfar ha loo sameeyo raasshin ama cunta ay cunaan, arrin weyn ayaa mashquulisaye”
Naxariista nuucaas ah bal eeg, wuxuu dardaarmaya nabigu in loo adeego reerkaas laga geeriyooday inta xaalkoodu degaayo laakin maanta cagsi ayaan sameynaa oo reerkii laga geeriyooday ayaa wax laga soo cunaa oo mashquulki haystay loogu daraa mashquul iyo culueys kale.
Nabigu wuuxu aha mid qalbiga u dejiya reerka laga geeriyooday barana sida laga rabo inuu sameyo qofka muslinka ee laga geeriyooday, wuxuu u dardaarmi jiray sida Ilaah ka raali yahay iyo in ay markasta ilaah ku xirnadaan oo aysan dariiqa toosan ka leexanin.
Mararka qaar wuuxu ahaa mid u bishaareya reerka una sheega qof geeriyooday iyo wuux Alle agtisa kala kulmay taas oo dareenka reerka bedeleysa.

Jaabir Bin Cabdullaahi rc wuxuu yiri “ markii la dilay aabbahey, waan ooyay dadku waxay lahaayen ha ooyin laakin nabigu imuusaan lahayen hadana eedadey ayaa bilaawaday in ay ooyso markaas ayuu nabigu yiri "ooy ama ha ooyin malaa'ikti ayaa ku hoosineysa garbaheeda oo xagga sare u qaadeysa”.
Sidee qalbiga reerkaas dareemaya marka ay maqlaan bishaarda nuucaas ah?
Waa naxariis iyo dareen qaali ah oo ka yimid qof qaali ah.
Nabigu csw wuxu ahaa mid u naxariista mar walba dadka nuucaan ah xitaa qof caadi isaga murugeysan ama dareemaya cariiri xagga nolosha ah niyadda ayuu u deji jiray kulana daradaarmi jiray wanaag iyo khayr.
Dadka dhibateysan in dhibaato kale loogu sii daro maaha ee wa in laga dhimaa dhibaatada lana caawiya waa taas sunnada nabiga iyo naxariista loo baahan yahay ee aan ku dadaalno walaalayaal.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ….
Si Kale ma u dhaqannaa, saan ku daalnaye ?

Markaan ka gudubno qabyaaladda ma jirto awood fara gelin nagu soo samey karta ama noo yeeri karta wax aanan rabin.
Fara gelinta shisheeye, waxa ay ka dhalataa kala daadsanaanta iyo qaab xumada dhaxdeena ka jirta.
Markaan helno hoggaan u daacad ah una adeega dadkiisa iyo dalkiisa kuna tashanaaya awoodda shacabkiisa uma baahnin caawinaad nagula dulleysto.
Markaan nqono dowlad isku filan oo sharaf leh dhallinteenu kuma dhimanayaan badaha iyo saxaraha caalamka qaxootina uma noqonayaan dowlado kale ee karaamo ayey ugu noolaanayaan dalkooda laakin in la gaaro heerkaas, waxaa ka horreeya howl la wada qabto hoggaan, aqoonyahan, rag iyo dumar iyo dhammaan muwaadiniinta oo is xilqaama.
Carabta meela badan ayaan isaga egnahay, waxaana ka mid ah kala qob-qobnaanta iyo midnimo la'aanta.
Intaan nabi Muxamed scw la soo dirin, waxay ahaayen kuwa u kala qeybsan heyb heyb hoose oo is dagaala kuna jira isu faanid aan dhaafsaneyn qaryadooda, xita meysan awoodin in ay iska difaacan hadddii cadaw ku soo duulo.
Markii nabigu yimid ee aay heleen hoggaan wanagsan kana xoroobeen qurunkii qabyaaladda, waxay noqdeen dowlad magac iyo maamus ku leh caalamaka taas oo saameyn ku yeelatay caalamki xilligaa -inkasta oo markii danbe dad aan carab ahayn ay soo galeen dowaladdaas kana qeyb qaateen howshii ballaarneed ee diinta islaamka lagu faafinaayay - laakin ugu danbeyn meesheedi ayey ku laabatay waayo waxaa meesha ka baxay hoggaankii saxda ahaa iyo manhajkii wanaagsana ee dadka hagaayay.
Maanta Carabtu ma awooddo in ay difaacato dhulkeeda qaar waa la dumiyay qaarna gumeysi ayey ku jiraan kuwa nabadda heystana farta loogu yeera oo ma lahan ikhtiyaar iyo sharaf weyn.
Bal is weydii, maxaa maanta ka maqan Carab ma lacag? maya wallaahi. Ma tiro iyo dhul? maya Wallaahi. Maxaa ka maqaon toloow?
Sideena oo kale, waxaa ka maqan is ku duubni, hoggaan wanaagsan iyo manhaj sax ah.
Waa wax laga xishoodo inaan maanta ka hadalno qabyaalaad iyo wax la mid ah iyada oo 1400 oo sanno ka hor nabigenu nagu yiri "ka taga waa qurune".
Maanta oo kale, waxay eheed inaan ka qeyb qaadano tartanka loogu jiro cilmiga iyo hoggaaminta caalamka, waxa ay eheed inaan ka qeyb qaadano hagaajinta iyo qurxinta dhulkaan Ilaah noo sakhiray. Waxay eheed inaan ka qeyb qaadnao in Bini-Aadamku ku noolaado karaamadi Ilaah siiyay iyo sharaf.
Waayx eheed inaan caalamka tusno diintaan quruxada badan ee Ilaah noogu deeqay iyo naxariisteeda .
Waxa iigu cajiibka badnaa hadal uu yiri ninka u tartamaaya madaxtinimada Mareykanka ee lagu magcaabo Donald Trump uu ku lahaa " Mey muslmiintu ka soomaan dilka dadka sida ay uga soomanyihiin raashinka iyo cuntada"
Soo xasuuso xadiiskii nabiga csw ee ahaa" inuusan Ilaah dan ka lahyn in laga soomo cabis iyo cunto,haddaan laga tegin hadalka beenta ah"
Hadal been ah iyo xamasho ayaa la diiday bal qiyaas in dad la dilo ama la xado ama la xoogo.
Ciraaq waa isku dileynaa, Suuriya waa isku gubeynaa, Soomaaliya waa isku halaageyna, Yemen ka sii daran iyo meela kale oo badan
Ameerika, wiil asalkiisa ka yimid Afrika ayaa siddeed sanno xukumaayay maanta haweeney ayaa u sharraxan hoggaanka dowalddaas weyn ee caalamka ugu tunka weyn, ma kula tahay in meeshaas gaari lahaayen haddii ay qabyaalad iyo qurunkeeda ku mashquuli lahaayen?
Aan is ku laabano oo xaalka sidaan wax ka bedelno walaalayaal.

Friday, June 10, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

5. Shaqaalaha.
Naxariista nabi Muxamed scw ma ahayn mid ku kooban haweenka iyo carruurta ee waxay ahayd mid ka ballaaran oo gaarsiisan koonka oo idil.
Naxariisti nabi Muxamed scw, waxaa ka mid ah siduu ugu naxariisa jiray shaqaalaha ama dadka u adeega sidoo kale wuxuu dadka muslimiinta uga tegay dardaaran ah in loo naxariisto shaqaalaha .
Shaqaaluhu ma ahan qof kaa duwan waa sidaada oo kale, wxuu leeyahy xuquuq waajibaadna waa saaran yahay sidaa darteed ma ahan in shaqaalaha loola dhaqmo qaab xun.
Diinteenu waa diin kaamil ah dadka oo idilna siineysa xuquuqdooda iyo waxa ay mudan yihiin.
Suubanaha oo asaxaabta iyo umadda oo idil la dardaarmaya, wuxuu leeyahay “ Walaalihiin ayaa shaqaalo idin noqday ama ilaah idin kaga dhigay, qofkii uu walaalkaas la joogo waxa uu cunaayo wax ha ka siiyo, dharka uu xiranaayo wax ha ka siiyo, wax aysan awoodn ha u dirina, haddaad u dirtaana ku caawiya”
Yaa salaam bal eeg naxariista nuucaan ah, kawarama haddii aan ku dhaqmi lahayn, dabcan waa ka duwanaa lahayn sidaan hadda nahay.
Hooyadeen Caa’isha- ilaah ha ka raali noqdee- oo nooga sheekeyneysa noloshii nabi Muxamed scw, waxey tiri “ Nabigu waligiis gacan uma qaadin oo wax ma gaarsiinin haween iyo shaqaale ama adeege”.
Saxaabiga weyn ee Anas Bin Maalik -Ilah ha ka raali noqdee- oo ahaa adeegihii nabi Muxamed mudda dheer ayaa nooga warramaya sidii uu nabigu ula dhaqmi jiray, wuxuuna yiri .
( Rasuulka Ilaah, wuxuu ahaa qofka ugu dabci wanaagsan dadka. Maalin ayuu meel ii dirsaday, aniga oo usii socda ayaan arkay carruur mel ku ciyaareysa ka dibna waan is ka dhax galay, muddo ka dib ayaan arkay nabiga oo qoorta I haya oo qoslaaya, markaas ayuu igu yiri "Anasoow meshaan kuu diray orod oo aad” Wallahi, waxaan u adeegaayay nabiga todobo ama sagaal sanno waligiis ima dhihin waxaan sameeyay maxaad u sameysay ama waxaan ka tegay maxaad uga tagtay.
Saxaabadu nabiga ayey ka arkayeen siduu ula dhaqmaayo shaqaalaha iyaguna waa ku daya jireen sidaa darteed innagu waxaan heysanaa dhaxal isagu jira dardaarankii nabiga oo ah in la wanaajiyo shaqaalaha iyo qisooyin la xariira sidii uu nabigu ula dhaqmi jiray dadka u shaqeeya sidaa darteed waxaa nagala rabaa inaan raacno oo ku dhaqano dhaxalkaas quruxda badan.
Shaqaaluhu waa aadne sidaada oo kale naxariis iyo wanaag ayey u baahan yihiin waliba ajir ayaad ka helee markaad wanaajiso.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa....

Thursday, June 9, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

4. Fuqarada.
Nabi Muxamed scw, wuxuu sii jiray dadka aan wax ba heysanin wixii uu awoodo, asaxaabtiisa iyo umaddana wuxuu kula dardaarmi jiray in ay u naxaristaan dadka fuqarada ah waxna siiyaan, waana ka duecysan jiray faqriga oo dhihi jiray " Ilaahow adaan kaa magan galay gaalnimo iyo faqri"
Sadaqada iyo sakadu waxa ay ka qeyb qaataan dhisamaha iyo xalka bulshada ee dhanka dhaqaalaha.
Si naxariis badan oo wanaagsan ayuu nabigu ula dhaqmi jiray dadka oo idil hadana dadka fuqarada ah si gaar ayuu ugu sii naxariisa jiray. Tusaale, Zaahir Bin Xaraam, wuxuu aha saxaabi deggan baadiya faqirna ahaa laakin yimaada magaalada. Markuu magaalada yimaado wuxuu soo booqan jiray nabiga csw aad ayuuna u jeclaa.
Maalin ayuu Zaahir yimid isaga oo raadinaaya nabiga ka dibna waxaa la yiri ma joogo nabi muxamed.
Markii uu nabiga yimid ayaa loo sheegay immaanshihii Zaahir kadib ayuu raadiyay oo helay isaga oo jooga suuqa, markaas ayuu gadaal uga yimid oo isku duubay isgoo si kaftan ah u dhahaaya "yaa iga iibsanaaya addoonka?"
Zaahir, waxa uu la yaabanayahay qofka sidan isagu duubay ka dibna wuxuu is ku dayay inuu ogaado qofka ugu danbeyn wuxuu fahamay inuu yahay nabi Mumaxed, markaas ayuu yiri "waa igu daale nabi Allow, wax iga kaa gatana heli meysid waayo raqiis ayaan ahay". Markaas ayaa nabigu ku yiri "laakin ilaah agtiisa qaali ayaad ka tahay".

Sidaa ayuu nabigu ula kaftami jiray, ulana dhaqmi jiray fuqarada . naxariisto ma ah oo kaliya inaad wax siiso ee hadalka iyo la dhaqanka wanaagsan xitaa waa naxariis. Markaad wax siineyso qof si qurxan u sii oo haku gallad sheegan ama haku dulleysanin wax siintaada.
Nabigu, wuxuu si gooni ah u dejiyay qaar ka mid ah saxaabada masaajidka kuwaas oo ahaa fuqaro kuna kormeeri jiray noloshooda kadibna waxa uu ku baraarujin jiray dadka wax heysta in ay wax ku sadaqeystaan. Waxaa laga wariyay nabigu inuu yiri “ waxa ugu wanasgan acmaahsa waxa ka mid ah inaad walaalka mu’minka ah ka farxiso, asturto oo dhar siiso, dherjiso asoo gaajeysan ama daboosho baahidiisa”
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela ee Ilaah ha naga dhigo kuwa isku naxariista.
Waa noo socotaa ...

Wednesday, June 8, 2016

Naxariistii Nabiga csw.

3. Haweenka.
Sida uu nabigu ugu naxariisa jiray haweenka waa baab kale oo baaxad weyn, taasna waxaa daliil u ah inuusan nabigu waligiis haween gacan u qaadin ama u geysanin wax dhiba.
Waxa uu si hoose iyo si sare ba u dhihi jiray “Waxaan idin kula dardaarama inaad haweenka wanaajisaan “ oo haweenka xaqooda iyo waxa ay idinka mudan yihiin siiisaan sidoo kale na aad kula dhaqantaan qaab wanaagsan oo naxariis xanbaarsan.
Nabigu csw wuxuu noo sheegay in qofka reerkiisa wanaajiya uu yahay mid wanaagsan. Wanaagga aad u sameyneyso reerkaagana waxaa ka mid ah inaad u naxariisto xaaskaaga, caawiso walaasha intaas ka horna aad baari u noqoto hooyada macaan.
Quraanka kariimka marka uu ka hadlaayo xitaa kala taga labada qof, waxa uu tilmaamay in wanaag lagu kala tago. Ninku ma aha inuu si xun ula dhaqmo xitaa haddii uu furaayo ama ay kala tegayaan haweneyda. Mar walba wanaag iyo naxariis ayaa loo baahan yahay.
Maalin ayaa Abuubakar (R.c) arkay gabadhiisa, umuna Caa’isha, xaaskii nabiga –ilaah ha ka raali noqdee- o si sare ula hadleysa nabiga csw, markaas ayuu damcay inuu dharbaaxo isaga oo dhahaaya sidaan ha ula hadlin nabiga, isla markiiba nabiga ayaa ka xigsaday oo ka difaacay inuu wax gaarsiiyo.
Markuu baxay Abuubakar ayuu nabigu ku yiri Caa’isha “ ma aragtay sidaan ninka kaaga celiyay”
Alla naxariis badana oo dareen cajiibsanaa.
Nabigu wuxuu ahaa xitaa mid ku caawiya xaasaskiisa howsha guriga isaga oo ah nabi maamulka iyo hoggaamintii bulshada oo idilna ay dul saaran tahay hadana saas ay tahay ma eheyn mid ka mashquula la shekeysiga iyo caawinta reerkiisa.
Wuxuu ahaa suubanuhu mid la ciyaara xaasaskiisa mararka qaarna, wuxuu la geli jiray tartan orod ah markaas ayuu marna guuleysan jiray marna laga guuleysan jiray . Alla noloshu macaana markaan ku dayano rasuulkeena Muxamda scw.
Ma eheyn nabigu mid ku qeyliya haweenka ama canaan joogta ah la dul jooga ee waxa uu ahaa mid u dhimriya oo xitaa waxa yar yare ee ka dhaca aan dheg jalaq u siinin .
Duruus fara badan ayaa noogu sugan, maantana baahi weyn ayaana u qabnaa naxariista nuucaas ah .
Ilaah hanaga dhigo kuwa u naxariista haweenka iyo dadka oo idil.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa.

Tuesday, June 7, 2016

Naxariistii Nabiga csw


2. Carruurta :

Anas Bin Maalik -ilaah ha ka raali noqdee- ayaa yiri “ Waligey maan arag qof uga naxaris badan carruurta nabi Muxamed”
Waa dhab oo ma jiro qof ka naxariis badan nabi Muxmad, ha ahaato carruur loo naxariisto ama wax kale e.
Nabigu csw, wuxuu ahaa mid aad ugu naxariista carruurta dadkana ku baraarujiya in ay u naxariistaan carruurtooda iyo kuwa kale.

Maalin ayuu nabigu dhunkaday Xasan Bin Cali, markaas ayaa nin ag joogay ku yiri “ Ma waxaaad dhunkataan carruurta, aniga toban carruur ah ayaa ii joogta mana dhunkado”.
Makaas ayaa suubanuhu yiri “ qof aan naxariisan looma naxariisto”.
Inaad carruurtaada mac siiso ama dhunkato ayaaba ah naxariis.
Carruurta ao loo naxariisto, waxa ay mustaqbalka keenta in iyagu u naxariistaan dadka iyo carruurtooda mustaqbalka  .


Mararka qaar xitaa waxa uu dukan jiray isaga oo xanbaarsan carruurta uu awoowa u ahaa taas oo ku tusineysa meesha ay ka joogaan carruurtu.

Mar kale isga oo salaad dushinaaya ayuu maqlay cunug yar oo oynaaya markaas ayuu salaaddii fududeeyay.
Nabigu uma dulqaada Karin ooyinta carruurta mana jecleyn in laga ooysiiyo .

Naxariistii nabiga ee carruurta, waxaa ka ka mid ahaa inuusan u diri jirin carruurta wax aysan awoodin xitaa haddii ay iyagu dalbadaan ama codsadaan. Tusaale ahaan, dagaalkii Uxud, waxaa nabiga u yimid carruur dooneysa in ay ka qeyb qaatan dagaalka markaas ayuu ka diiday oo dib u celiyay.

Naxariistu waa shey qaali ah oo qiima badan laakin nabi Muxamad waxa uu ahaa naxariis badane aan lagula tartami Karin sida uu ugu naxariisto carruurta iwm.

Xadiis cajiib ah ayuu ku leeyahay nabigu “ Nagama mid aha qofkii aan u naxaariisan keena yar ….”.

Ilaah ha noo naxaristo hana nagu hanuuniyo inaan carruurta iyo dadka kale ba u naxariisano.




Waa noo socotaa… 

Monday, June 6, 2016

London iyo Muqdisho:

London iyo Muqdisho:

London in ay magac iyo maamuus ku yeelato dunida kana tilmaanaato caasimadaha kale, dad ayaa u huray maskax, maal iyo naf.
Hiil iyo hoo wixii la awooday ayaa lala garab istaagay magaaladaas dabadeedna waxa ay yeelatay magac dunida ka tilmaaman dhan waliba dhaqaalo, aqoon, il-baxnimo iwm.
London iyadu isma toosin ee dadkeeda ayaa heerkaan gaarsiiyay, haddii ammaan loo tirinaayana dadkeeda ayaa mudan ammaan iyo ku dayasho.

Muqdisho waxaa magac tiray qeyb ka mid ah dadkeeda intii kalana waa ku daawatay ee kama qaban dhibaatadi loo geystay caasimadda. Doon la wada saaran yahay ama waa lagu wada badbaada ama waa lagu wada maashooda.
Maanta Muqdisho waxa ay tusaale u tahay xumaan iyo dhibaato heer la gaarsiiyay in qofkii raba inuu dadkiisa uga digo dhibaato dhaho “ma Muqdisho oo kale ayaad nala rabtaan!”.
Muqdisho eed ma lahan ee dadkeeda ayaa denbiga oo idil dusha saaranaya, haddii wax la ciqaabayana iyagaa mudan maanta ciqaab adag.

Xaalku maanta waxa uu maraya in loo dabaal dego guusha uu Sadiiq Khaan gaaray ee ah inuu noqdo duqa magaalada London. Wuu noqon karaa waayo waa muwaaadin waajib saaran yahay xaqna u leh waxa ay mudan yihiin muwaadiniinta kale.
Hadda la soco, Sadiiq waa Muslim! Oo yaa eegaya Muslim iyo gaal, nin iyo naag meeshu waa London waxaana guusha helaya qofkii la yimaada barnaamij u cunatamaaya muwaadiniinta iyo howl wanaagsan.
Isaga oo abtirsanaaya wuxuu yiri “ Magaceygu wa Sadiiq, waxaana ahay muslim waana ku faanaya, waxaan ahay muwaadan British ah oo reer London ah, asal ahaan waxaan gala Pakistaan”

Muqdisho iska dhaaf qof ka yimid gobal kale ee kii/tii ku dhashay/tay ayaa xuquuq ku la’ oo la la leeyahy waxaad tahay qaxooti waxna kama lihid halkaan .
Saaxibkey Maxamed Xaaji oo la yaabay heerka ay kala joogaan London iyo Muqdisho ayaa yiri “Sadiiq Khaan London aa Mayor looga dhigay, Siidow Awees ne Xamar wax kuma lihid aa la taagan yahay!”

Muqdisho reer ayey u oodan tahay oo Hargeysa waa la mid nabadda uun bey dhaanta.
Bosaaso qolo ayey ku oodan tahay oo Baydhabo waa la mid.
Jabuuti nin ayey u oodan tahay Jigjigana cadaw ayey u oodan tahay.
Ilaah waxa uu ku leeyahay Quraanka kariima “ Ilaah ma bedelo dad ilaa ay iyagu la yimaadan is bedel”
Xaalka aan ku jirno ma ahan mid lagu jiri karo lagana aamusi karo waayo waa kuwaas dhallintii Muqdisho, Hargeysa, Bosaaso Jigjiga iyo Jabuuti ay ku dhimanayaan badaha adduunka.
Goorma ayaad dadkeygoow garashadiina bedeli doontaan?
Miyaanan xaq u leheen inaan u noolaano sida dadka fiyoow u noolyihiin oo kale?
Xaalkeenu waxa uu marayaa sidii abwaanku yiri “ Bal qoyskeena soo hara ha xukumo qabuuraha”.

Wabillaahi Towfiiq.     8 May 2016

Naxariisti Nabiga csw:

1- Dadka Da’da ah.
Nabigu csw, waxa uu ahaa mid naxariis badan una naxariista koonka waxa jooga oo idil dad, xayawaan, dhirta iyo wax yaabaha kale oo idil.
Nabigu dadka da’da ah aad ayuu ugu naxariisa jiray si gaar ahna waa u daryeeli jiray, isaga oo ka dardaarmayana wuxuu yiri “ Naga ma mid aha qofkii aan u naxariisanin qofkeena yar karaameyna ama weyneynin oo qadarinin keena weyn (Da’ ah).
Maalintii Maka la furtay, ayaa Abuubakar aabbiihi u keenay nabiga csw si uu hortiisa ugu islaamo.
Nabigu markuu arkay duqnida ka muuqata Abuubakar aabbihii ayuu ku yiri “ Maxaad u dhibtay duqa ha iska joogo gurigiisa, anigaa u tegi lahaaye”
Bal eeg naxariistaas, waa madax weynihii umadda waa nabigii Ilaah, waa hoggaamiyihii, markaas ayuu leeyahay anaa ugu tegi lahaa aqalkiisa!
Heerkaas iyo kasii dheer ayey gaartay naxariista nabigeyna suuban nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate.
Maalin kale, waxaa u yimid nin doonaya inuu ballan kula galo nabiga Hijro, markaas ayuu ku yiri “waxaan u imid inaan kugula ballamo Hijro oo Ilaah dartiis u hijroodo, waxaana ka soo tegay labadeyda waalid oo oynaaya”.
Markaas ayuu naxariis badanihii ku yiri “ u laabo oo uga qosli sidaad uga ooysiisay”
In loo naxariisto waalidka iyo dadka da’da ah, waxa ay meel wanaagsan uga jiraan dhaqanka wanaagsan ee diinteena in badan ayaana qisooyin ka sheekeynaaya ku soo arooreen nusuus fara badan.
Ilaah hanaga dhigo kuwa u naxariista dadka una baari noqda waalidkood.

Waa noo socotaa….