Friday, June 17, 2016

Naxariistii Nabiga csw :

12. Meydka.
Shaki kuma jiro in nabigu aad ugu naxariisa jiray meydka iyo reerkiisa.
Waxaa la arki jiray isaga oo indhihiisa ilmo ka daadaneyso sidoo kale na waxaa badan ducooyinka aan ka dhaxalnay nabiga ee ku saabsan meydka iyo cidda laga geeriyoodo.
Naxariistii nabiga csw, waxaa ka mid ah inuu dhihi jiray "Meydkiina u qabta shahaadada” taas oo muujineysa naxariis dheeri ah iyo inuu la rabo khaatuma wanaagsan.
Nabigu aad ayuu niyadda ugu deji jiray qof ka sakaaraadaya ama ku jira xaalad aad u adag oo laga yaabo inuu u geeriyoodo. Sida uu Anas rc warinaayo, nabiga csw ayaa u tegay wiil aad u xanuunsanaaya markaas ayuu ku yiri “ Maxaad dareemeysa” wuxuu yiri wiilkii “ wallaahi Ilaah ayaan wanaag ka rajeynaya danbiyadeydana waan ka baqayaa” markaas ayaa nabigu si deggan u yiri “ Qof labadaan arrimood isuma raacaan haddii ay dhacdana Ilaah waa siiya wuxuu rajeynaayo waana ka badbaadiya wuxuu ka baqaayo”
Nabigu aad ayuu uga murugoo jiray geerida qof, waxaana la arki jiray illin ka socota indhihiisa markaas ayaa dadku dhihi jireen xitaa Rasuulkii Allow adiga maa ilmeynaya?
Markaas ayuu dhihi jiray “ Ishu waa ilmeyneysaa, qalbiguna waa murugoonaya laakin waxaan dhaheynaa wixii Rabbi raali ka yahay oo kaliya ….”
Nabigu wuxuu ku dadali jiray inuu ku dukado janaaso raacana meydka marka loo qaadayo qabriga isaga oo arrintaan ku baraarijinaaya muslimiintana wuxuu noo sheegay in ay xaq tahay inaad ku dukaato oo raacdo meydka walaalkaaga muslinka ah .
Intaas kuma koobneen naxariistii nabiga csw ee marka la duugo ka dib ayuu u ducey jira meydka oo ilaah uga baryi jiray denbi dhaaf iyo naxariis.
Naariistii nabiga waxaa ka mid ah inuu ku dukan jiray qof la duugay mararka qaarna wuxuu u dukan jiray qof meel fog ku geeriyooday sida boqorkii Xabashida xilliga xukumi jiray oo geeriyooday markuu islaamay ka dib.
Naxariista nabiga csw kuma koobneen dadka u dhaw ama uu yaqaan oo kaliya ee waxay eheed mid ballaaran oo gaarta dhammaan dadka ha u dhawadan ama ha ka dheeraadaan, ha ahaado faqiir ama taajir, ha yaraado ama ha weynaado, haween iyo rag tuu doono ha ahaado.
Waa taas naxariistii nabigeena ee qof kastoow ku dayo rasuulkaaga scw una naxariiso dadka .
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ……

No comments:

Post a Comment