Wednesday, June 8, 2016

Naxariistii Nabiga csw.

3. Haweenka.
Sida uu nabigu ugu naxariisa jiray haweenka waa baab kale oo baaxad weyn, taasna waxaa daliil u ah inuusan nabigu waligiis haween gacan u qaadin ama u geysanin wax dhiba.
Waxa uu si hoose iyo si sare ba u dhihi jiray “Waxaan idin kula dardaarama inaad haweenka wanaajisaan “ oo haweenka xaqooda iyo waxa ay idinka mudan yihiin siiisaan sidoo kale na aad kula dhaqantaan qaab wanaagsan oo naxariis xanbaarsan.
Nabigu csw wuxuu noo sheegay in qofka reerkiisa wanaajiya uu yahay mid wanaagsan. Wanaagga aad u sameyneyso reerkaagana waxaa ka mid ah inaad u naxariisto xaaskaaga, caawiso walaasha intaas ka horna aad baari u noqoto hooyada macaan.
Quraanka kariimka marka uu ka hadlaayo xitaa kala taga labada qof, waxa uu tilmaamay in wanaag lagu kala tago. Ninku ma aha inuu si xun ula dhaqmo xitaa haddii uu furaayo ama ay kala tegayaan haweneyda. Mar walba wanaag iyo naxariis ayaa loo baahan yahay.
Maalin ayaa Abuubakar (R.c) arkay gabadhiisa, umuna Caa’isha, xaaskii nabiga –ilaah ha ka raali noqdee- o si sare ula hadleysa nabiga csw, markaas ayuu damcay inuu dharbaaxo isaga oo dhahaaya sidaan ha ula hadlin nabiga, isla markiiba nabiga ayaa ka xigsaday oo ka difaacay inuu wax gaarsiiyo.
Markuu baxay Abuubakar ayuu nabigu ku yiri Caa’isha “ ma aragtay sidaan ninka kaaga celiyay”
Alla naxariis badana oo dareen cajiibsanaa.
Nabigu wuxuu ahaa xitaa mid ku caawiya xaasaskiisa howsha guriga isaga oo ah nabi maamulka iyo hoggaamintii bulshada oo idilna ay dul saaran tahay hadana saas ay tahay ma eheyn mid ka mashquula la shekeysiga iyo caawinta reerkiisa.
Wuxuu ahaa suubanuhu mid la ciyaara xaasaskiisa mararka qaarna, wuxuu la geli jiray tartan orod ah markaas ayuu marna guuleysan jiray marna laga guuleysan jiray . Alla noloshu macaana markaan ku dayano rasuulkeena Muxamda scw.
Ma eheyn nabigu mid ku qeyliya haweenka ama canaan joogta ah la dul jooga ee waxa uu ahaa mid u dhimriya oo xitaa waxa yar yare ee ka dhaca aan dheg jalaq u siinin .
Duruus fara badan ayaa noogu sugan, maantana baahi weyn ayaana u qabnaa naxariista nuucaas ah .
Ilaah hanaga dhigo kuwa u naxariista haweenka iyo dadka oo idil.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa.

No comments:

Post a Comment