Mas'uulku marka uusan leheen damiir ka celiya tillaabada xun
sidoo kalena uusan jirin qaanuun uu ka cabsanaayo waxa uu sameeynayaa wixii
maskaxdiisa kusoo dhaca bilaa xisaab.
Bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan nasiib u yeelanay inaan
daawano maalin waliba riwaayad aan leheen dhammaad jilayaalna ay ka yihiin
siyaasiyiin isku sheeg aan danta dalka iyo dadka ka talineyn.
Haddii aan wax garad loo helin arrinta Soomaalida waxaa
muuqata in mustaqbalkeenu mugdi ku dhammaan doono.
Kkalad waa dhacaa laakin waa in la helaa dad saxa, sidoo
kale waxaa duma dowlado laakin dad ayaa u istaaga oo dhista mid kasii awood
badan tii hore.
Maanta, waxaan u baahanahay inaan dhahno kuwa wada fowdada,
masumaasuqa iyo u adeegista shisheeyaha naga joojiya waan kusoo daalnay waxna
kama faa’iidine.
In maanta dad naga mid ah doonayaan in ay awood wax ku maquuniyaan
oo dagaal ka dhaco meel ka mid ah dalkeena waxa ay muujinee in aan cashir laga
qaadin sanadihii tegay.
Fadlan aan dhahno naga joojiya dhibka.
In maalin waliba aan lambar kow ka ahaano wax is daba
marinta iyo masumaasuqa kadibna aan dhaho madax wanaagsan ayaa na hoggaamisa is
qaban meyso ee aan kuwa sida khaldan u adeegsanaya hantida shacabka dhahno joojiya wax is daba marinta “ Ha is oran
cidi kuma arkeysee afka buuxso”
In madaxdeenu waliba kuwii laga sugaayay in ay keenaan sidii
sharci iyo kala danbeyn loogu noola lahaa dalka ay iyagu isku dhax feeraan ama isku
uleeyaan guryihii umadda, waxa ay daliil u tahay in ay madax noo yihiin
kuwa aan u qalmin xilalkaas.
Waa inaan runta u sheegnaa oo dhahnaa Looma dhisin aqalladaan in la isku dhax feero
ee waxaa loo dhisay in shacabkaas loogu shaqeeyo, waxaana fadhiisanaaya kuraastaas dad ilaalinaaya sharafteena iyo karaamadeena. kuwa si khaladan u adeegsanaaya
xilkii loo dhiibay waxaan geeyneynaa booska ay
qalmaan.
Adduunka haddii la waayo dad -haba yaraadaane- saxa wixii
khaldama ma jireyso nolol wanaagsan oo lagu farxo.
Maanta waxaan joogna xilligii aan dhihi leheyn maya
xumaan haa wanaag, haddii aan manata dhihin goorma ayaan dhihi doonaa?
“Nabigu csw si ilbaxsan ayuu ugu sheegay ninkii ku
xaaja guay masjida inaan loogu tala gelin masjidka waxaas ee howl ka weyn loogu
tala galay.”
Waa wada oganahay in ay jiraan madax badan oo aan u qalmin
in ay booskaas ku fadhiistaan laakin si ilbaxsan ayaan u xalli karnaa
arrimahaas iyo kuwa kale oo badan haddii aan adeegsano maskax furan dad
muslixiin ahna is xilqaamaan.
Waan salaamaya mas'uul kasta oo ilaaliya sharafta dadkeena
kana soo baxa howshii loo igmaday meel kasta uu ka joogo dalkeyga.
Markaan kaligeey dhaho Fadlan xumaanta ha la jooji ama qof kali dhaho waxaa laga yaaba in
lawada maqli waayo laakin haddii aan si
koox ah u dhahno waa hubaal waa la maqlaya sidaa darteed howsha xumaan joojinta
haka billaabato meel kasta dhallin yaraduna qeyb libaax haka qaataan indha
allah dhawaan waan gaari doona meel wanaagsan.
Dad waliba tillaabada uu qaado xumaan iyo wanaag baal
ayey ugu taal .