Sunday, January 24, 2016

Kaligii Talis.

Kaligiis talisku, waa isku maan.

Sooyaalka iyo hab dhaqanka kaligiis taliska ( Muslim+gaal) markaad eegto, waxaad u maleyne in ay hal nin yihiin sida uu qaabkoodu isagu eg yahay awgeed.
Ma jiro dastuur ama qaanuun celiya ama ay ixtiraamaan .
Waxa ay aaminsan yihiin inuusan jirin qof kale oo hoggaamiye noqon kara ama dal xukumi kara oo iyaga bedela.
Dowladda dhan, waxa ay u heystaan wax ay si gaar ah u leeyihin.
Lama xisaabi karo lamana bedeli karo in ay dhintaan mooye ama mid kale oo ka xoog badani ka xoogo kursiga.
Haddii ay dad ka tagaan, dal kama tagaan oo waa sii dumiyaan.
Waxa ay leeyihiin koox u alalaasta oo isagu jira culumo, aqoon yahan, fannaanin iyo war baahin.
Awood mooye xeelad ma yaqanaan.

Bal u fiirso kuwaan soo socda:
Fircoon, waxa uu yiri " Masar iyo wabiyadeeda anaa is ka leh"
Boqorkii Faransiiska Louis XIV, waxa uu yiri" Anaa dowlad ah, dowladuna waa aniga"
Qadaafi, waxa uu ku yiri shacabkii uu xukumaayay in ka badan 30 sano "Yaa tihiin"!!!.
Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu yiri " Mucaarad i bedelaya ma ogolaan doono" kk oo ma waxaad dooneysaa mucaarad kuu alalaasa Geelloow?
 Dalkaas yar ha dumin hana marin dariiqi Siyaad Barre, Qadaafi iyo Bishaar ee si nabad gelya ah xilka isaga wareeji dadka ka soo bixi kara mas'uuliyadaas adigu wakhtigaagi waad qaadataye.

Cadaw

Cadaw.

Ninkii i qarxiya waa ii cadaw
Ninkii is qarxiya waa ii cadaw
Kii yiri is qarxina waa ii cadaw
kan ku farxaana waa ii cadaw

Ninkii i idilaa waa ii cadaw
kan i dhaawacana waa ii cadaw
Ninkii i qixiyaa waa ii cadaw
Qaran dumiskuna waa ii cadaw

Ninkii i dhacaa waa ii cadaw
kan i xadaana waa ii cadaw
Daba dhilifku waa ii cadaw
Munaafaquna waa ii cadaw

Kaligiis talisku waa ii cadaw
Hoggaan xume waa ii cadaw
kan na kala jaraaya waa ii cadaw
Calan badanuhu waa ii cadaw
Qabiiliste waa ii cadaw
Dad tagoore waa ii cadaw


Nabad diide waa ii cadaw
Dulmiloow waa ii cadaw
Dilaaguna waa ii cadaw


Dumar dooxe waa ii cadaw
Dhallaan dile waa ii cadaw
Dal dumiyuhu waa ii cadaw
Damiir laawuhuna waa ii cadaw


Cadawgu waa ii cadaw.