Wednesday, July 27, 2016

Waddani.

Dadkayga waa jeclahay 
Dalkayga waa jeclahay

Dadku is ku mid ma aha, qaarkood si dabiici ah ayay wanaagga u qaataan kuwa kale na dadaal iyo xasuusin badan ka dib ayay dariiqa toosan ku soo dhacaan . 
Dal jaceylku waa lagama maar maan sida darteed ayay qasab u tahay in la helo goobo iyo dad ka qayb qaata sidii dadka loo jeclay sii lahaa qalbigoodana loogu abuuri lahaa jaceylka dadkooda iyo dalkooda.
-Waalidka.
Waalidku waa tiirka koowaad ee qayb libaax ah ka qaadan kara hagidda bulshada waayo wuxuu soo saara carruur. Haddii carruurtaas ay waalidkood ka helaan wixii looga baahna waxaa fududaanaya in la helo bulsho wax tar leh.
Waalidku waa inuu carrurtiisa uga sheekeeya dal jaceylka sidoo kale na baraa qiimaha iyo sooyalka waddanka.
-Dugisga.
Goobaha wax laga barto waxay soo saari karaan arday tayo leh oo dalkooda jecel haddii manhaj iyo macallimiin wanaagsan loo helo.
Haddii uu ardaygu helo maaddo dhameys tiran oo ku saabsan dalkiisa waxaa ku dhalanaya dal jaceyl iyo inuu sii raadiyo wax yaabo kale oo la xariira dalkiisa.
Marka ugu fudud ee qofka wax lagu hagi karo waa marka uu yar yahay sida darteed waxaa lagama maarmaan ah in dugsiyadu u diyaar garoobaan in ay ka soo baxaan waajibka kaga aadan dadkooda diyaariyaana carruur jecel dalkooda iyo dadkooda.
-Goobaha cibaadada.
Masaajidku wuxuu kaalin wayn ka qaata sida bulshada loo hago, waa meesha kaliya ay qasab tahay in qofka muslimka ahi tago maalintii dhowr jeer -haddii aysan jirin wax ka baajinaaya- sidoo kale maalinta jimcaha waxa isagu yimaada dad fara badan sidaa darteed waxaa la awooda in laga faa'iidaysto fursaddaas oo cashirrada ka baxaaya lagu daro waddaniyadda .
Sidoo kale, waxaa jira mowlacyo ama goobo lagu barto diinta islaamka goobahaas waxaa yimaada dhallin yaro badan kuwaas iyaguna ay qasab tahay in ay helaan sooyaalka dalkooda sida darteed waa in waddaadada goobahaas maamula ay xisaabta ku darsadaan, cashirro la xariira dalka iyo dadkana baraan dhallin yaradaas .
Waddaniydu ma ahan wax ko kooban koox gaar waa arrin laga rabo dhammaan bulsadha sida dartetd waa in meel kasta dadka lagu baro laguna baraarujiyo .
-War-baahinta .
Bulshadu maanta si wayn ayay ugu xiran tahay war-baahinta sidaa darteed waa in laga faa'iidaysta oo lagu daraa banraamijyada ka baxa war-baahinta kuwa ka sheekeynaya waddaniyada . Waa in war-baahintu qayb libaax ka qaadata dhisidda dadka si dadkaasi ay dalkooda u dhistaan.
Qofku markuu ogyahy qiimaha waxa uu haysto wuxuu u huraya wax kasta uu awoodo .
Haddii aan la helin dad jecel dalkooda waa adag tahay si loo helo dowlad wanaasgan loona hormaro waayo ma jiro qof u adeegaya wax uusan jecelayn.
Waxaa iyaduna muhiim ah in la qabto muxaadarooyin, doodo iyo kulamo la xariira waddaniyadda .
Wabillaahi Towfiiq.

Sunday, July 17, 2016

Maxaan ka baranaynaa Af-genbigii dhicisoobay ee Turkiya ?

1- In shacabku yahay awoodda ugu wayn ee dal yeelan karo . Haddii ay dadku doonayaan nolol karaam ah, waa in ay huraan wax badan xitaa naftooda . 
2-Wacyiga shacabka Turkiya ee gaarsiisan meel sare. uma aysan sacbin tuugadii sameysay af-genbiga ee waxay la safteen xukuumaddi sharciga ahayd iyo nidaamka toosan.
3- Il-baxnimada axsaabta Turkiya kuwaas oo muujiyay wax lagu daydo diidayna Af-genbi iyo fowdo ka dhacda dalka.
4- Heer kasta oo aad gaarto ha is dhihin, wax kaa hor imaan kara malahan hana is dhigin, ha shaki badnaan hana aamin xumaan mar walba caqabad ayaa jirta. Waa kaas maanta la isku dayay Af-genbi wixii qarsoon ayaana ka sii badan.
5- Dunida kama dhammaadan dadka dib u socdka ah iyo kuwa wajiyada badan, kuwa maanta Af-genbi ka sameeyaana Turkiya toloow maxay doonaayan? Dhanka kale waxaa akhlaaq xuma ah in dad maalin kasta ku cel-celin jiray dimuquraadiyad iyo in shacabka la siiyo awood ay xalay u alalaasen wixii ka dhacay Turkiya. Wax kasta oo afka laga sheego run maaaha .
6- Shacabka soomaaliyeed oo xalay muujiyay inuu yahay shacab loo geli karo abaal hadduu awood yeeshana abaalkaas gudi kara. si weyn ayay uga soo hor jesteeen argagixisimadii xalay Turki ka dhacday. Sidaan arkay dadku laba nuuc ayay ahaayen . kuwa caadifad iyo in Turkigu na caawiyay u taageerayay waana ku saxnaayeen waayo lama noqdo abaal laawe iyo kuwa wacyi iyo fahan uga soo horjeeday af-genbiga taageerayna dimuquraadiyada iyo nidaam wanaagga .
Shacabka Soomaaliyeed wax badan ayuu awooda ee ha isticmaalo awooddiisa.
 7- Turkiya hore mooye gadaal uma laaban doonto saadaaasha muuqata.
8- Dadka af-genbiyadu wareeriyeen waxay wax ka baran karaan shacabka Turkiya iyo siduu u diiday in Ciidan xukumo . Shucuubta hurdaysa ee hilmaansan awooddooda waxay u tahay xasuusin iyo in ay wax bedli karaan haddii ay ka kacaan.
9- Axsaabta ka jirta waddama badan gaar ahaan keena waxay wax ka baran karaan kuwa Turkiya iyo sida ay u fahmeen siyaasadda. Ma ahan inaad madxada ku tumato markii masiibo qaran dhacdo xilligaas oo kale waxaa loo baahan yahay in la is garab istaago oo la is caawiyo lana wajaho dhibaatada iyada oo la wada jiro .
10- Xisbiga dalkaas xukuma ee Hormarinta iyo Caddaaladu waa xisbi awood ballaaran ku leh gudaha dalkaas laakin waxaa muuqata inuu noqday xisbi saameyn iyo taageero xad dhaaf ah ku leh dunida daafaheeda gar ahaan goobaha masaakiinta iyo shucuubta dulmani ku nool yihiin.
11- Markii Af-genbigu dhacay durbadiiba dadku waa soo baxeen iyaga oo mudaaharaadaya. Waxaa cajiib ah waxay wateen calanka dalkaas lama soo qaadan sawirro madax weyne ama r/wassaare waayo qaddiyadu ma ahan qof ama koox waa qaddiyad dal iyo dad .
12- Haddii masiibo dhacdo ha noqon qofka ugu horreeya ee is dhiiba ama quusta waayo maadama aad wali noosahahay wax ayaad bedeli kartaa natiijaduna cid lama dhalan. Dadaalaa wuu gaara.
13- Madaxdii dalkooda iyo dakooda u shaqaysa gaar siisana meel wanaasan waxay heli doonaan sharaf iyo karaamo magacooduna wuxuu geli doona sooyaalka haddi ay wax dhacaana waxaa difaaci doona dadkooda sida Turki ka dhacday xalay.

Intaas ayaa ii soo baxday.