Friday, April 7, 2017

Ururada islaamiga (Dhib iyo Dheef).

Markii khilaafada islaamiga dhacday  sannaddii 1924, waxaa muslimiinta ku dhacay jah-wareer  fara badan . Dadka aqoonta leh waa sii ogaayeen  inay khilaafadu miicno beeshay waayo muddo ba waxay eheed mid daciif ah oo aan ka tarjumeyn magaca khilaafanimo.
Markii khilaafadu meesha ka baxday, dhulka muslimiintu waxa uu ahaa mid la sii kala qaybsaday oo meel walba ba waxaa qayb ahaan u helay dowladdihii Yurub ee xilligaa caalamaka hor kacaayay.
kala daadsanaantaas, waxaa ka damqaday culumaa u diin iyo wax garad badan  kadibna u fikiray sidii mar kale loo  soo celin lahaa midnimadii muslimiinta . Culumada si wayn isu xil qaantay, waxaa ka mid ahaa Imaam Xasan Al-Bannaa oo dhidibada u taagay urur waynaha loo yaqaan Ikhwaan Al- Muslimiin oo Masar lagu aas-aasay 1928.

Maxaa keenay  Ururuda islaamiga?

Sababa badan ayaa jira, waxaana ka mid ah:
1/ In dadku aysan ku kadsoomin dhal- dhalaalka adduunka,  laguna boorriyo  qalbi furnaanta iyo niyad wanaagga .
2/ In dadka la baro diinta islaamka, lagana ilaaliyo shirkiga iyo khuraafadka.
3/ In Muslimiintu helaan qaab ay isagu xiran yihiin maadama ay luntay khilaafadii islaamka.
4/ In mar kale la soo celiyo nidaam midaysan oo muslimiintu leeyihiin.
5/ In lala jhaado cadawga .
6/ In dadku ka bad baado duullaanka maskaxda ee reer galbeedku habeen yo maalin wadaan.
Markaad si fiican u eegto jamaacaadka  islaamiga, waxaad dareeme in koox kasta ka tarjumayso meesha lagu aas-aasay. Tusaala ahaan jamaacada lagu aas-aasay meel shirkigu ka badan yahay hadafkeedu waa inay dadka ka baraarujiso in lagu dhaco shirki. Jmaacada meel cadaw haysta joogtana,  waxaa u yool ah jihaad.

Dhibka laga dhaxlay uruada qaar.

Waxaa jira dhibaatoyin fara badan oo aan la qarin Karin ilaa haddana haysata muslimiinta oo laga dhaxlay qaar ka mid ah jamaacaadka sida:
1/ In jamaacaadka qaar aysan ogolayn kala aragti duwanaan, qofkii ka hor yimaadana ay u arkaan gaal.
2/ in mararka qaar ay ka qayb qaateen dagaallo  sokeeye kuwaas oo lagu halaagsamay.
3/ inay qaab aan nidam sanayn kula dagaalameen dowlado  awood badan kadibna muslimiin badan ku khasaareen.
4/ in ay si khaldan u adeegsadaan mararka qaar diinta islaamka kuna argagixiyaan dad aan wax ba galabsan.
5/ in mararka qaar ay xalaashadaan nafta iyo maalka qof muslim ah.
6/ inay abuureen jawi naxariis la’aan  ah  iyo khilaafaad joogta ah oo dhax yaal muslimiinta.
7/ Inay marin habaabiyeen dhallin yaro da’ yar,   aqoon gaaban oo wax badan ogayn .

Dheefta Ururada islaamiga ah.

Waxaan la dafiri Karin in ururada qaar dheef badan laga helay, wax badan oo wanaag ahna u qabteen muslimiinta, waxaana ka mid ah:
1/ Inay si wanaagsan dadka u bareen diinta .
2/ inay ka qayb qaateen nidaaminta iyo sidii loo heli lahaa maamul wanaagsan.
3/ inay ka qayb qaaten xuraynta wadamada qaar iyo la dagaalanka gumaystaha.
4/ Inay si xigmadaysan u faafiyeen diinta islaamka una gaarsiyeen dad aan muslimiin eheyn.
5/ Inay gacan libaax ka qaateen caawinaadda dadka baahan iyo gargaarkooda.
6/ Inay si cajiib ah uga qayb qaateen dhinaca wax barashada dhidibadana u taageen goobo fara badan oo maaddi iyo diin ba lagu barato.
7/ Inay magac iyo maamuus ku dhax leeyihiin ganacsiga kala duwan ee ka  jira wadaada msulmiinta .
8 Inay u istaageen islaaxinta iyo heshiisinta khilaafaad badan oo ka dhax jiray dowlado ama dad meel wada deggan oo wada muslimiin ah.
9/ Inay soo saareen jiil leh aqoon ballaaran una diyaarsan inay anfacaan dadkooda iyo diintooda.

Jamaacaadka qaarkood waa dhib miiran laakin waxaa jira kooxo laga helo dheef badan xitaa haddii ay wax ka khaldamaan la sixi karo.
Ururada islaamigu, waxay soo mareen xilli dahabi ah oo aad loogu riyaaqsanaa taagerro  fara badan daba socdeen laakin xilligaan hoos ayay u dhaceen waana laga xiisa dhigay.
Dadku sidii hore ma ahan oo wax ayay barteen teeda kale waxay ogaadeen oo goob jog u ahaayen dhibaatada jamaacaadka qaarkood sameeyeen taasina waxay keentay in ugu yaraan dadku ka istaagaan ku biiridda ururadaas.
Jamaacaadka laftoodu xiisihi badnaa waa ka dhacay oo maanta Soomaaliya -tusaala haan- kama jiro tartankii sagaashameeyadii oo kale. Ma arakaysid xarumo iyo masaajiddo badan oo ay gacanta ku hayaan ururo. Ma arakaysid doodihii iyo is ku jawaab celintii qaabka darneed dadka caamadu ku jah- wareerayeen .  
Ma arakaysid dhallin yaro badan  u caabboon kuna faanaysa ka mid ahaanshaha  koox gaar ah xitaa kuwa ku jira ururada ayaa mararka qaar inkira .
Ugu danbayan uma arko in laga mid ahaado ama la aa- aaso jamaaco ama urur  islaamiya dhibaato haddii yoolkeeda iyo hab dhaqankeeda la waafajiyo islaamka sidoo kale na ay ka hor immaanin maslaxada guud ee dad muslimiin ah oo meel deggan.
Muhiimaddu waa in la fahmaa xilliga an ku jirno si fiicanna loo barta diinteena  qiimaha badan lagana tarjumo dhaqnkeeda suubban. Waa in wanaagga la faafiyo xaqana la sheego laakin aan la noqon dad maslaxad gaar ah wata oo cadaw ku ah muslimiin kale ama gaalo u arka dad tilmaamihii islaanimada laga helaayo.
Waxaan jelcaa lahaa inaan arko ururada islaamiga ah oo si qalbi furan u wada doodaaya una wada nool ee aan is gaalaysiinin sidoo  kale na is ku kaashada danta guud .
Mu’miniintu waa walaalo, mu’minkukuna waxa uu tiir u yahay  mu’minka kale, lamana kala maarmo. Haddii la is kaashado awood ayaa la yeelanaya,  haddii la kala tagana daciif ayaa la noqonayaa.


Wabillaahi Towfiiq.