Erdoğan ma nagu jira?.
Ummad waliba oo horumata
waxaa sabab u ah hoggaamiye daacad ah kaas oo geed gabaan iyo mid dheerba u
kora siduu u samata bixin lahaa shacabkiisa.
Dal waliba oo manta
horumaay ama kasii hor xurnima gaaray waxa ay leeyihiin geesiyaal sooyaalkooda ku
xusan oo mar waliba la xasuusto.
Biya dhaca
maqaalkeygaan waxa aan uga jeeda ama ciwaan ahaan isku weydiiyay “Ma nagu jira Erdoğan oo kale ?
Jawaabta yaan ku deg degin.
Maxaan u doortay Erdoğan?
Marka koowaad inuu
yahay hoggaamiye wax weyn ka bedelay dalkiisa saameyn culusna maanta ku leh
caalaamka.
Marka labaadna inuu
yahay nin ay ku weyn tahay bini aadanimada walibana aad uga dhiidhiya dulmiga shareeran
iyo midkaan shareerneyn ee lagu hayo masakiinta gaar ahaan wadamada
Muslimiinta.
Intaas waxaa sii dheer
anaga Soomaali ahaan wanaaga badan uu noo qabtay.
Ka hor Erdoğan madax badan ayaa soo martay Turky laakin
waxa ay ku guul darreysteen ama wax la taaban karo ka keeni waayen dhibaato badan
oo dalkaas heysatay.
Erdoğan markuu talada
Turky qabtay wax waliba si dhaqsi ah
ayey isku bedeleen oo waxaa shaqeynayay makiinad aan laga helin madax badan oo loo yaqaan “Daacadnimo” koox diyaarsan oo
howl karayaal ahna waa garab taagnaayen.
Si dhaqsi ah ayey wax kasta
isku bedeleen ha ahaadan Dhaqaale, Siyaasad,
Ciidan ama qeybaha kala duwan ee adeega bulshada.
Dalka Turkey oo deyn
iyo gacan hoorsi ku noola ayaa ka
reystay dhibaatadaas maantana sidaan aragno isku bedelay dal u taagan har iyo
habeen caawinta dadka dhibaateysan.
Is bedel kaas isagama
imaan si kedis ah ee waxa uu ahaa mid qorsheysan oo si weyn looga soo baaran
degay.
Erdoğan oo mar la weydiiyay sida ay ku dheceen waxaas oo idil
waxa uu ku jawaabay” wax ma xadno, habeena ma jiifan aniga oo og in ay taalo
xafiiskeyga warqad u baahan saxiix”
Erdoğan waxa uu
R/wasaare noqday 2003, dalkuna waxaa ahaa xilligaas mid hooseeya marka laga eego
dhinac waliba laakin isaga iyo xisbigiisa waxa ay u istaageen habeen iyo maalin
sida Turky loo dhaqaaji lahaa, waana ku gullesteen tusaala ahaan:
Dhanka dhaqaalaha
dalka Turkey 2002 waxa uu ku jiray lambarka 26-aad hadana waa dalka 16
–aad ee Adduunka marka loo eego Europe-na waa 6-aad, sanadda 2023-na waxaa u
qorsheysan in ay gaaran lambarka 10-aad addunaka dhanka dhaqaalaha.
Dakhli-dhaxdhaxaadka muwaadinka dalkaas 2002 waxa uu ahaa 2880$, haddana waa
10990, mustaqabalka 2023-na waxaa ay
rabaan inuu noqdo 30000$. Heerka horumarka dalka 2002 waxa uu taagana -9.8%,
halka 2007-dii ay gaareen 9% iyaga oo
galay dalka 2aad ee addunka. Dhoofinta 2002 waxa kasoo geli jirtay 30 billion
oo dollar, hadana waa 130 billion, 2023 waxa ay rabaan in uu kasoo xaroodo adduun gaaraaya 500
billion oo dollar . Maal -gashiga
shisheeyaha ee tooska waxa uu ahaa inta
u dhaxeysay ( 1982-2002) lacag gaareysa 1.2 billion halka (2002-2007) ay
gaartay 57 billion oo dollar sidoo kali( 2007-2012) waxa ay gaaraty 114 billion
oo dollar.
Muwaadinka Turkey-ga
ah waxa uu 2002 ku aadi karay visa la'aan 48 dal, hadana 67 dal, halka 2023 ay
u qorsheynsatahay inuu ku aado dalal gaaraya 197. Turkey kama hormarin
dhankaas oo kaliya ee ciidanka dalkaasna
aad ayaa looga shaqeeyay gaar ahaan qalabka ay adeegsadaan ayaga oo awooda 8aad
ka ah maanta adduunka, waxa ayna ku guuleysteen in ay sameystaan diyaarado kala
nuuc ah iyo dayax gamceed ciidamdeed.
Intaas kuma ekaan ee
10 sano gudahood ayuu ku dhisay 125 jaamacadood oo cusub, 189 school iyo 510
isbitaal . Intaas waa iga tusaalo
Hadaba ma nagala heli
karaa Hogaamiye sida m/weyne Erdoğan oo kale dalkiisa iyo dadkiisa gaarsiiya horumar
mise maalin waliba waxa aan isku heysaneynaa xukuumadaan bedel iyo dana gaar ah ?
Erdoğan ma nagu jira?
Anaga Soomaali ahaan
maanta dhibaatadeyna wa badan tahay waliba kuma sii jirto marka laga hadlo
madaxda, waayo dhanka hoggaanka waxaa ka muuqda habacsanaan badan sidaa darteed
ayaan u baahanahay hoggaamiye leh tilmaamo wanaagsan sida (Aragti toosan, Dhega nogol, Saameyn leh,
Dhiiri gelin , Fahmaya dadka uu talinaayo, ku wanaagsan xiriirada kala duwan,
Geesi ah, Maamulid wanaagsan, Qorshe iyo hal-abuur leh, La tashada dadka.
Cadaalada dhowra walibana Go’aan leh).
Dadka aqoon dheer u
leh Erdoğan waa ay ku tilmaameen kuwaan iyo kuwa kali inuu leeayahay hadaba aan
idin ku celiyo su’aashiye Kuwa hadda taliya maka faa’iideysan doonaan m/weynaha Turky ee
Soomaaliya maanta u ah saaxibka rummaad?
Kuwa mucaaradka ahi se
diyaar ma u yihiin in ay is bedel dhaama kuwaan la yimaaadan mise howshu waa
ana I geey madax tooyada mise Hoggaamiye kali ayaan sugnaa ?.
Waan hubaa in Erdoğan oo
kale nagu jiro ee da’diisa ayaanan garaneyn .



No comments:
Post a Comment