Doorashada Turky.
Ka dib markii ay ku guul darreysteen xisbiyada ka jira dalka
Turkey in ay helaan aqlabiyadda codadkii la dhiibtay 7 june 2015 si hal xisbi usoo dhiso xukuumad, waxaa mar
kale maanta loo dareearay doorasho taas oo u muuqata mid ka adag tii hore .
Dhanka kale, caalamku isha ayuu ku hayaa doorashadaan gaar
ahaan dunida muslimiinta, waxaana jira dad badan oo taageersaan –aniguna aan ku jiro xisbiga “Cadaaladda iyo Horumarka”oo sanadihii
ugu danbeeyay soo xakumaayay Turky, waxaana rajo weyn laga qabaa in in ay mar kale hoggaanka Turky sii qabtaan
laakin go’aanka kama danbesyta ah waxa uu ku jiraa gacanta shacabka Turky
kuwaas oo dhihi kara waxaan rabnaa xisbi hebel.
Maxaa keenay in Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka “
sidaan ay u garab istaagaan dad badan oo
aan eheyn Turky? Ama si kale haddaan u dhigo su’aashaan, maxaa keenay anigu
inaan taageero xisbigaan?
Ma waxaa keenay taageeridda ay dowladda Turkey-gu noo
fidisay? Iyo booqashada uu Erdogan ku tegay Muqdisho? Maadaama Soomaalidu ay
dhahdo “Abaal nin kuu gala waa loo gudaa “
Ma waxaa keenay horumarka uu xisbigaani gaarsiiyay dalka Turkey?
Sidaa darteedna aan u taageeraayo
maadama dal muslin walaalaheen ah gaaray horumar. Maxay tahay sirta ka danbeysa
ee aan u taageeraayo xisbigaan?
Tilmaamo wanaagsan.
Xisbigaani waxa uu kulan saday tilmaamo badan kuwaas oo lagu
taageeri karo koox waliba oo ku sifowda haba ugu horreeyaan ammaanada iyo shaqa
wanaagga.
Waxaa ka mid ah sida wanaagsan ee ay wakhti kooban u
bedeleen dalka Turky gaarsiiyeenna meesha uu maanta joogo ee ah “tusaale”.
Waxaan ku taageeray garab istaagga ballaaran ee ay
masaakiinta la garab joogaan iyaga oo gudanaya waajib Bini-aadanimo iyo
walaaltinimo sida marar badan ay ka dhawaajiyeen madaxda Xisbigu,
waxaa ka mid
aha dadka ay caawiyeen Annaga oo ay noo qabteen wax aan la soo koobi Karin.
Waxaan ku taageeray xisbigaan siyaasadda aan eheyn laba wajiile
ee ay mar walba kula dhaqmaan dowladaha kale sida in ay mar walba garab
istaagaan dimuquraadiyadda iyo mabaadi’deeda ee aysan u sacbin qof waliba oo
xukunka qabsada taas oo micnaheedu tahay in aysan dantooda bis eeganin ee ay
ilaalinayaan mabaadi’ iyo nidaam sal dhiggiisu yahay xaqaada qaado dadka kalena
xaqooda ha helaan.
Waxaan ku taageeray xisbga “Cadaaladda iyo Horumarka” sida
wanaagsan ee ay u garab istaagan qaddiyada nagu wada weyn ee ah xoogga lagu
heysto dhulka Falastiin.https://www.youtube.com/watch?v=tw7oiNJnVrs.
Waxaan ku taageeray xisbigaan in dalka Turky noqday meel ay usoo cararaan dadka lagu dhibaateeyay dalkooda ee leh hoggaamiyaal siyaasiyiin ah iyo shacab kuwaas oo dalka Turkey ka helay soo dhaweyn qurux badan taas oo ka tarjumeysa micnaha weyn ee diinteenu xanbaarsan tahay ee ah is caawin iyo is garab istaag.
Waxaan ku taageeray xisbigaan in dalka Turky noqday meel ay usoo cararaan dadka lagu dhibaateeyay dalkooda ee leh hoggaamiyaal siyaasiyiin ah iyo shacab kuwaas oo dalka Turkey ka helay soo dhaweyn qurux badan taas oo ka tarjumeysa micnaha weyn ee diinteenu xanbaarsan tahay ee ah is caawin iyo is garab istaag.
13 sano oo Xisbigaan xukumaayay Turky sida saaxib iyo cadaw ba
ka marqaati keceen, Turky waxa ay ku tillaabsatay horumar dhan kasta ah ila
haddana yoolkii ay rabeen in ay gaarsiyeen waxaa ka dhimman oo sidaan iyo kasii
fiican ayey tibaaxayaan hoggaamiyaashu in ay Turku gaari doonto 2020-ka.
Shacabka Turky nasiib ayey leeyihiin maadama ay heleen
hoggaamiyaal nuucaan ah annagana ilaah ha noo keeno hoggaamiyaal wanaagsan oo
dalka iyo dadka ka samata bixiya dhibkaan haleelay .
Soo jeedin:
Xisbigaani waxa uu tusaale wanaasgan u ayahy axsaabta
dooneysa in ay dalkooda hormariyaan iyo in wax kasta la sameey karo marka la
helo hoggaan wanaasgan.
Soomaali ahaan, waxaan u baahanahy sidaan qabo xisbigaan oo
kale iyo inaan ka gudubno siyaasad carruureedka iyo tuugnimda ee ku kooban hadal, wax dhicid iyo is daba marin.
Waxaan u baahanahay xisbi la yimaada farriin cad, yool iyo
barnaamij dabboolaya baahida shacabkeena.
Waxaan u baahanahay xisbi fahmi kara baahida dadkeena meesha loo maro iyo sida loo xalliyana yaqaana.
Waxaas oo dhan micnaheedu
ma aha ah in Xisbiga "Cadaaladda iyo Horumarka" ay yihiin ma khaladamayaal , waa khaldamaan waana saxaan laakin
waa dad mar waliba wanaagoodu ka ballaaran yahay xumaanta ka dhacda taasna waxaa daliil u ah
meesha ay gaarsiiyeen Turky, sida ay dadkoodu u jecel yihiin ee muddo 13 sano ay u dooranayeen iyo miisaanka ay ku leeyihiin caalamka .
Sida ay u leeyihiin taageero fara badan ayey u leeyihiin mucaarad
taasna waxaa ku dhisan nolosha waayo lagama yaabo in 100% lagu taagero mana
dhicin waligeed mana dhici doonto inta dhiman.
Waxaan u rajeynaya shacaka Turkey in ay doortaan xisbiga ay
u arkaan mid wanaasgan iyo horumar dheeraad ah
.
Salaamad,




No comments:
Post a Comment