Wednesday, February 10, 2016

Dalkiina yaa u Dad ah?!!!

Dalkiina yaa u dad ah?
Waxaan is kala soo baxnay albaabka Jaamacadda nasiib wanaag se is ku dariiq ayaan noqonay oo wakhti aan ku sii sheekeysano ayaan helnay.
Is barasho gaaban ayuu iigu sheegay magaciisa, inuu u dhashay Nigeria iyo kulliyadda uu dhigto anna intaas oo kale ayaan u sheegay.
Markii aan u sheegay inaan ahay Soomaali ayuu I weydiiyay su’aal aan la yaabay laakin markii danbe aan gartay oo eheed “Ma Yurub ayaad u socota mise Ameerika”?
Waxaan ku iri midna uma socdo oo markaan dhameysto tacliinta, waxaan u laabanaya dalkeyga ee maxaad ku keentay weydiinta nuucaan ah aniga oo garabka ka taabanaaya.
Waa qoslay oo yiri wallaahi saaxib markasta oo aan arday Soomaali ah la sheekeysto wuxuu ii sheega inuu u socdo ama mustaqbalka aadayo Yurub ama Ameerika xitaa qaar badan oo aan aqaanay ama isku kulliyad eheyn hadda waxa ay joogaan Ameerika sidaas darteed ayaan kuu weydiiyay su’aasha .
Waa sax saaxib, arrinkaas oo waxa jira dad badan oo aan rabin in ay ku laabtaan dalka dhibaatda jirta awgeed ayaan ku iri laakin su’aal micno weyn leh ayuu I weydiiyay oo eheed “ Haddii dhallin yaradii iyo aqoon yahanadii ay dalkii ku laabanin yaa dalka dhiibaatada ka saaraya? Dalkiina yaa u dad ah?
Waxaan ka dib u sheegay in ay jiraan aqoon yahanda qaar iyo dad kale oo qeybaha kala duwan ah in ay dalka ku soo laabtaan taasina ay wax badan dalka iyo dadka u tartay laakin dhanka kale waa jiraan sidaad aragtay dad iyaguna qurbaha sii aadaya laakin iyaguna waa soo laaban doonaan insha Allah ayaan ugu gaba gabeeyay .
Sheekada aniga iyo ardaygaas na dhax martay waa mid dareen leh waayo dal dadkiisi ka sii socdo waa adag tahay inuu hagaago waliba dhallintii wax baratay.
Calanka Soomaaliya

Wiil  dhammeyay jaamacad laakin hadda aaday Ameerika ayaan maalin ku iri “ waa fiicnaa leheed inaad dalki ku laabato waayo waxaa tahay laf dhabar, waxaad ku jirtaa dhallin yarada loo baahan yahay ee wax u bartay dalka iyo dadka”?
Waxa uu yiri isaga oo aad dareemeyso inuu ka quustay hagaagidda dalkeena “ war meeshaas ma hagaageyso ee naga dhaaf bilaaya gashay oo kuwa naga aqoon badan ayaa hadda hagaaji la’” .
Mar waliba dad yar oo go’aan qaata, dadaal bandanna muujiyay ayaa wax qabta guulna keena  ka dibna inta badan ayaa ku soo biirta. Waan hubaa inuu dalkeenu hagaagi doono inta wanaagga waddana Ilaah ha la garab galo.

Dalkeena innagaa u dad ah.

No comments:

Post a Comment