Marka laga hadlo is beddel, dadka intiisa badan waxay u qataan is beddel siyaasadeed oo kaliya sida in madax wayne la beddelo oo la la keeno mid cusub, waana ka daalnay taas sidaan filaayo natiija wanaagsana kama gaarin. Hada ba maxaa khaldan?
Maxaa yeelay, waxaan u baahanahay is beddel intaas ka ballaaran.
Waxaan u baahanahay in aqoon yahankeeno is beddelo kana waynaado inuu daba dhilif ama warqad haaye u noqdo danbiile qaran isaga oo ku qanacsan waxa yar ee jeebka loo gelinaayo .
Waxaan u baahanahay in wadaadadu is beddelaan kana tillaabsadan in ay sannad kasta is ku qabsadaan mowaliid waa la dhigi karaa iyo lama dhigi karo keenaan waxa xal u ah umaddaan islaamka ah maadama ay barteen diinta islaamka.
Waxaan u baahanhay in siyaasiyiintu is beddelaan oo ka waynadaan in ay ka qayliyaan TV-yada maalmaha doorashada soo dhawdahay oo kaliya una gudbaan in ay la hadlaan dadkooda xilli doorasho iyo xilli kale ba kana dhaadhiciyaan siyaasadooda iyo barnaamijka ay wataan.
Siyaasi la arko maalmaha doorashada oo kaliya, waxa uu rabo waa dareemi kartaa.
Waxaan u baahanay in fannaaniinta iyo abwaanadu ka wayndaan in ay u heesaan qof mansab iyo maal leh ee ay u gubaan in ay u heesaan dan guud iyo waxa anfacaaya dadka iyo dalka .
Waxaan u baahanahay in dhallin yaradu aysan ka quusan kuf-kufka badan iyo caqabadaha hor taagan dowladnimadeena una istaagaan in ay kaalintooda ka soo baxaan waayo waxaad ka jiiftay cid kuu qabanaysa ma jirto.
Waxaan u baahanhay in ganacsatadu ka waynaadan in ay eegtaan oo kaliya danahooda gaarka ee ay maskaxda ku haayan danta guud iyo wax tarka dadkooda. Haddii Ilaah kuu sahlay inaad maal yeelato adna dadkaaga wax badan u fududeey.
Is beddelku waa mid ballaaran loona baahan yahay inuu ka dhaco qaybaha kala duwan ee bulshada laakin yaan la eegin oo kaliya qofka ku fadhiya kursiga madax waynanimo .
Ilaah wuxuu leeyahay " Ilaah ma beddelo qowm ilaa ay iyagu naftooda ka beddelaan"
No comments:
Post a Comment