Friday, April 7, 2017

Ururada islaamiga (Dhib iyo Dheef).

Markii khilaafada islaamiga dhacday  sannaddii 1924, waxaa muslimiinta ku dhacay jah-wareer  fara badan . Dadka aqoonta leh waa sii ogaayeen  inay khilaafadu miicno beeshay waayo muddo ba waxay eheed mid daciif ah oo aan ka tarjumeyn magaca khilaafanimo.
Markii khilaafadu meesha ka baxday, dhulka muslimiintu waxa uu ahaa mid la sii kala qaybsaday oo meel walba ba waxaa qayb ahaan u helay dowladdihii Yurub ee xilligaa caalamaka hor kacaayay.
kala daadsanaantaas, waxaa ka damqaday culumaa u diin iyo wax garad badan  kadibna u fikiray sidii mar kale loo  soo celin lahaa midnimadii muslimiinta . Culumada si wayn isu xil qaantay, waxaa ka mid ahaa Imaam Xasan Al-Bannaa oo dhidibada u taagay urur waynaha loo yaqaan Ikhwaan Al- Muslimiin oo Masar lagu aas-aasay 1928.

Maxaa keenay  Ururuda islaamiga?

Sababa badan ayaa jira, waxaana ka mid ah:
1/ In dadku aysan ku kadsoomin dhal- dhalaalka adduunka,  laguna boorriyo  qalbi furnaanta iyo niyad wanaagga .
2/ In dadka la baro diinta islaamka, lagana ilaaliyo shirkiga iyo khuraafadka.
3/ In Muslimiintu helaan qaab ay isagu xiran yihiin maadama ay luntay khilaafadii islaamka.
4/ In mar kale la soo celiyo nidaam midaysan oo muslimiintu leeyihiin.
5/ In lala jhaado cadawga .
6/ In dadku ka bad baado duullaanka maskaxda ee reer galbeedku habeen yo maalin wadaan.
Markaad si fiican u eegto jamaacaadka  islaamiga, waxaad dareeme in koox kasta ka tarjumayso meesha lagu aas-aasay. Tusaala ahaan jamaacada lagu aas-aasay meel shirkigu ka badan yahay hadafkeedu waa inay dadka ka baraarujiso in lagu dhaco shirki. Jmaacada meel cadaw haysta joogtana,  waxaa u yool ah jihaad.

Dhibka laga dhaxlay uruada qaar.

Waxaa jira dhibaatoyin fara badan oo aan la qarin Karin ilaa haddana haysata muslimiinta oo laga dhaxlay qaar ka mid ah jamaacaadka sida:
1/ In jamaacaadka qaar aysan ogolayn kala aragti duwanaan, qofkii ka hor yimaadana ay u arkaan gaal.
2/ in mararka qaar ay ka qayb qaateen dagaallo  sokeeye kuwaas oo lagu halaagsamay.
3/ inay qaab aan nidam sanayn kula dagaalameen dowlado  awood badan kadibna muslimiin badan ku khasaareen.
4/ in ay si khaldan u adeegsadaan mararka qaar diinta islaamka kuna argagixiyaan dad aan wax ba galabsan.
5/ in mararka qaar ay xalaashadaan nafta iyo maalka qof muslim ah.
6/ inay abuureen jawi naxariis la’aan  ah  iyo khilaafaad joogta ah oo dhax yaal muslimiinta.
7/ Inay marin habaabiyeen dhallin yaro da’ yar,   aqoon gaaban oo wax badan ogayn .

Dheefta Ururada islaamiga ah.

Waxaan la dafiri Karin in ururada qaar dheef badan laga helay, wax badan oo wanaag ahna u qabteen muslimiinta, waxaana ka mid ah:
1/ Inay si wanaagsan dadka u bareen diinta .
2/ inay ka qayb qaateen nidaaminta iyo sidii loo heli lahaa maamul wanaagsan.
3/ inay ka qayb qaaten xuraynta wadamada qaar iyo la dagaalanka gumaystaha.
4/ Inay si xigmadaysan u faafiyeen diinta islaamka una gaarsiyeen dad aan muslimiin eheyn.
5/ Inay gacan libaax ka qaateen caawinaadda dadka baahan iyo gargaarkooda.
6/ Inay si cajiib ah uga qayb qaateen dhinaca wax barashada dhidibadana u taageen goobo fara badan oo maaddi iyo diin ba lagu barato.
7/ Inay magac iyo maamuus ku dhax leeyihiin ganacsiga kala duwan ee ka  jira wadaada msulmiinta .
8 Inay u istaageen islaaxinta iyo heshiisinta khilaafaad badan oo ka dhax jiray dowlado ama dad meel wada deggan oo wada muslimiin ah.
9/ Inay soo saareen jiil leh aqoon ballaaran una diyaarsan inay anfacaan dadkooda iyo diintooda.

Jamaacaadka qaarkood waa dhib miiran laakin waxaa jira kooxo laga helo dheef badan xitaa haddii ay wax ka khaldamaan la sixi karo.
Ururada islaamigu, waxay soo mareen xilli dahabi ah oo aad loogu riyaaqsanaa taagerro  fara badan daba socdeen laakin xilligaan hoos ayay u dhaceen waana laga xiisa dhigay.
Dadku sidii hore ma ahan oo wax ayay barteen teeda kale waxay ogaadeen oo goob jog u ahaayen dhibaatada jamaacaadka qaarkood sameeyeen taasina waxay keentay in ugu yaraan dadku ka istaagaan ku biiridda ururadaas.
Jamaacaadka laftoodu xiisihi badnaa waa ka dhacay oo maanta Soomaaliya -tusaala haan- kama jiro tartankii sagaashameeyadii oo kale. Ma arakaysid xarumo iyo masaajiddo badan oo ay gacanta ku hayaan ururo. Ma arakaysid doodihii iyo is ku jawaab celintii qaabka darneed dadka caamadu ku jah- wareerayeen .  
Ma arakaysid dhallin yaro badan  u caabboon kuna faanaysa ka mid ahaanshaha  koox gaar ah xitaa kuwa ku jira ururada ayaa mararka qaar inkira .
Ugu danbayan uma arko in laga mid ahaado ama la aa- aaso jamaaco ama urur  islaamiya dhibaato haddii yoolkeeda iyo hab dhaqankeeda la waafajiyo islaamka sidoo kale na ay ka hor immaanin maslaxada guud ee dad muslimiin ah oo meel deggan.
Muhiimaddu waa in la fahmaa xilliga an ku jirno si fiicanna loo barta diinteena  qiimaha badan lagana tarjumo dhaqnkeeda suubban. Waa in wanaagga la faafiyo xaqana la sheego laakin aan la noqon dad maslaxad gaar ah wata oo cadaw ku ah muslimiin kale ama gaalo u arka dad tilmaamihii islaanimada laga helaayo.
Waxaan jelcaa lahaa inaan arko ururada islaamiga ah oo si qalbi furan u wada doodaaya una wada nool ee aan is gaalaysiinin sidoo  kale na is ku kaashada danta guud .
Mu’miniintu waa walaalo, mu’minkukuna waxa uu tiir u yahay  mu’minka kale, lamana kala maarmo. Haddii la is kaashado awood ayaa la yeelanaya,  haddii la kala tagana daciif ayaa la noqonayaa.


Wabillaahi Towfiiq. 

Friday, February 10, 2017

Yaan la lumin fursadda .

Horteed hor Alla

waxaan soo aragnay 2006 taageerid shacab iyo caadifad aad u wayn oo lala garab taagna maxaakiimtii islaamiga ee xilligaas awood ku yeeshay qaybo ka mid ah dalkeena .
Waxaa yareed  in si miisaan leh loo ,maareeyo tillaabada  la qaadaayo  taasna waxay keentay natiija aad looga shallaayay.
Xilligaas waxaa la kala saari waayay howlaha u baahan in isla markaa la qabto iyo kuwa u baahan diyaar garow iyo in la qabto mustaqbalka sidoo kale waxaa la waayay madax  fahanta xaalka dhabta ee jira iyo sida Soomaali loo wadi lahaa iyadoon la khasaarin fursadda la haysto .
Orodki, qayladii,  caadifadi iyo xamaasaddi waxay ku dhamaatay eber waxayna noo celisay meel aan ilaa hadda kasoo kaba la'nahay.
waxaa caan noqtay hadal oo yiri nin oo ahaa "Adis Ababa ayaan ku soo dukanaynaa" !!
Toloow, wax maka baranay dhacdadaas xanuunka badan?!!


Waxaan  joogay Qaahira maalintii lagu dhawaaqaayay madax wayne Maxamed Mursi.
Farxad darteed shacabku wadddooyinka ayay ku sujuudeen, ushii la tuurana dhulka ma dhacaynin.
Dammaashaad iyo farxad ayaa hareeyay dalka oo idil haba ugu badnaato caasimadda.
Dadku rajo badan ayay lahaayeen kalsooni badana waa ku qabeen madax waynaha cusub ee la doortay .
Durbadiiba kuwa saaxibbo iska dhigaaya iyo cadaw ba howshooda cagsiga ku ah madax waynaha cusub ayay billaabeen si loo fashiliyo .
Waxaa iyaduna nasiib darra eheed in madax waynaha iyo kooxda la shaqaysa ama garab taagneed ay maarayn waayeen howla badan kana hor tagi waayen dhibaatooyin markii danbe jeelka u dhaadhiciyay dalkiina gadaal u celiyay.

Dhacdada hore Soomaali ayay fursad u eheed tan danb- na Masaaarida laakin waa lagu hungoobay labadoodiba .
Habeen hore markii uu guulaystay Maxamed Farmaajo ayaan bannaanka u baxay oo soo arkay shacab isla markii is ku soo baxay farxad darteed iyo si u eg tii Masaarida  sidoo kale maalmihii xigay ayaan arkaayay sida shacabku u caadifadaysan yahay, waxaana ii sawirmay mar kale xaalkii aan ku jirnay xilligi maxaakiimta ay qabsanaayeen Muqdisho.
Ma rabo inaan shar fisho laakin waxaan jeclahay inaan wax ka barano dhacdooyin fara badan oo anaga iyo dunida ba ka dhacay kuwaas oo ahaa fursado soo maray laakin looga faa'iidaysan waayay  sidii la rabay.
Igama ahan is bar bar dhig waayo dhacda kasta sababo iyo wakhti gaar ah ayay leheed laakin waxay iga tahay in la feejignaado oon lagu dhicin god ay adkaa doonto in laga soo baxo.
shacabku inay farxaan waa u qalmaan waayo wax lagu farxo ayay heleen laakin farxaddu waxay dhamaystirmi doontaa marka howshii loo baaahna la qabto.


Yaan la deg degin, yaan la khasaarin fursadda  hana laga fiirsado tillaabooyinka la qaadaayo. Siyasaddu go'aan, howl  iyo falsafad ayay u baahan tahay ee ma ahan bannaan bax iyo caadifad aan meel ku jaan go'nayn.
ugu danbayntii waa mahad Ilaah inaan helnay madax haysata kalsoonida shacabka, waxaana rajeynaya inaan gaarno horumar dadkeenu ugu noolaado sharaf iyo karaamo.

Tuesday, January 3, 2017

Dardaraan Aabbe

Aabbe ayaa wiilkiisa siiyay dardaarankaan soo socda maalintii guurkiisa:

1/ Wiilkaygiyoow, haweenku waxay jecel yihiin koolkoolinta iyo inaad dhahdo wa ku jeclahy ee ha ka baqiilin.
2/ Haddaad erayada macaan ka baqiisho adna guri bilaa kalgaceyl ah ayaad ku noolaane.
3/ Haweenku waa neceb yihiin ninka ad-adag iyo kan aad u laciifka ah. Ahaaw mid miisaaman oo la jaan qaada habka ay xaaskaagu ku sugan tahay . 
4/ Haweenku waxay jecel yihiin waxa raggu ku jecel yihiin haweenka oo ah nadaafad iyo is qurxin ee ahaaw qof nadiif ah oo si cajiib ah u labista .
5/ Gurigu waa boqortooyo ay maamusho xaaskaagu ee is ka ilaali inaad dumiso boqortooyadaaas .
6/ Haweenku waxay aad u jecl yihiin inaad xariir wanagsan la leedahay ehelkeeda ee noqo mid waalidkeed iyo walaalaheed wanaajiya
7/ Xaaskaagu waa bini aadaam waa khaldami kartaa ee ugu dulqaado wax yaabaha ka hallaaba, markastana garabkeeda joog oo qalbigeeda ha jebin.
8/ Haddii xaaskaagu meel ku liidato meel kale ayay ku wanaagsantahay ee meesha wanaagsan uga faa'iidayso ileen qof kaamil ah ma jiree.
9/ Mararka qaar haweenku waxay galaan xaalad gaar ah xitaa Ilaah ayaa wajiibkii lagu lahaa ka dhaafay ee adna u naxariiso oo xilligaas si gaar ah ula dhaqan .
10/ Markaad u samirto xaaskaaaga una naxariisato, waxaad helee xaas adduun iyo aakhira ba aad wada qaadataan raaxo iyo farxad.