Friday, February 10, 2017

Yaan la lumin fursadda .

Horteed hor Alla

waxaan soo aragnay 2006 taageerid shacab iyo caadifad aad u wayn oo lala garab taagna maxaakiimtii islaamiga ee xilligaas awood ku yeeshay qaybo ka mid ah dalkeena .
Waxaa yareed  in si miisaan leh loo ,maareeyo tillaabada  la qaadaayo  taasna waxay keentay natiija aad looga shallaayay.
Xilligaas waxaa la kala saari waayay howlaha u baahan in isla markaa la qabto iyo kuwa u baahan diyaar garow iyo in la qabto mustaqbalka sidoo kale waxaa la waayay madax  fahanta xaalka dhabta ee jira iyo sida Soomaali loo wadi lahaa iyadoon la khasaarin fursadda la haysto .
Orodki, qayladii,  caadifadi iyo xamaasaddi waxay ku dhamaatay eber waxayna noo celisay meel aan ilaa hadda kasoo kaba la'nahay.
waxaa caan noqtay hadal oo yiri nin oo ahaa "Adis Ababa ayaan ku soo dukanaynaa" !!
Toloow, wax maka baranay dhacdadaas xanuunka badan?!!


Waxaan  joogay Qaahira maalintii lagu dhawaaqaayay madax wayne Maxamed Mursi.
Farxad darteed shacabku wadddooyinka ayay ku sujuudeen, ushii la tuurana dhulka ma dhacaynin.
Dammaashaad iyo farxad ayaa hareeyay dalka oo idil haba ugu badnaato caasimadda.
Dadku rajo badan ayay lahaayeen kalsooni badana waa ku qabeen madax waynaha cusub ee la doortay .
Durbadiiba kuwa saaxibbo iska dhigaaya iyo cadaw ba howshooda cagsiga ku ah madax waynaha cusub ayay billaabeen si loo fashiliyo .
Waxaa iyaduna nasiib darra eheed in madax waynaha iyo kooxda la shaqaysa ama garab taagneed ay maarayn waayeen howla badan kana hor tagi waayen dhibaatooyin markii danbe jeelka u dhaadhiciyay dalkiina gadaal u celiyay.

Dhacdada hore Soomaali ayay fursad u eheed tan danb- na Masaaarida laakin waa lagu hungoobay labadoodiba .
Habeen hore markii uu guulaystay Maxamed Farmaajo ayaan bannaanka u baxay oo soo arkay shacab isla markii is ku soo baxay farxad darteed iyo si u eg tii Masaarida  sidoo kale maalmihii xigay ayaan arkaayay sida shacabku u caadifadaysan yahay, waxaana ii sawirmay mar kale xaalkii aan ku jirnay xilligi maxaakiimta ay qabsanaayeen Muqdisho.
Ma rabo inaan shar fisho laakin waxaan jeclahay inaan wax ka barano dhacdooyin fara badan oo anaga iyo dunida ba ka dhacay kuwaas oo ahaa fursado soo maray laakin looga faa'iidaysan waayay  sidii la rabay.
Igama ahan is bar bar dhig waayo dhacda kasta sababo iyo wakhti gaar ah ayay leheed laakin waxay iga tahay in la feejignaado oon lagu dhicin god ay adkaa doonto in laga soo baxo.
shacabku inay farxaan waa u qalmaan waayo wax lagu farxo ayay heleen laakin farxaddu waxay dhamaystirmi doontaa marka howshii loo baaahna la qabto.


Yaan la deg degin, yaan la khasaarin fursadda  hana laga fiirsado tillaabooyinka la qaadaayo. Siyasaddu go'aan, howl  iyo falsafad ayay u baahan tahay ee ma ahan bannaan bax iyo caadifad aan meel ku jaan go'nayn.
ugu danbayntii waa mahad Ilaah inaan helnay madax haysata kalsoonida shacabka, waxaana rajeynaya inaan gaarno horumar dadkeenu ugu noolaado sharaf iyo karaamo.

No comments:

Post a Comment