Soomaalaay goormaad is dhugan???.
Naceybka iyo colaadda u dhaxeysa
Soomaalida iyo itoobiyaanka waa mid soo jireen ah mudda fogna taagneed salkana
ku heysa laba arrimood oo kala ah dal iyo diin sida a uu C/qaadir Aroma ku sheegay
buuggisa “Hadimadii Gumeysiga”.
Arrinta diintu waa mid cad waayo
labada bulsho waxa ay kala heystaan labada diin ee kala ah Kirishtaan iyo Muslim
taasina waxa ay qalqal gelisay itoobiyaanka oo dhaxda uga jira dad muslimiin
iyo cawaan ah sida uu qiray boqor Menelik isaga oo og guul darradii ay kala
kulmeen Mujaahid Axmed Gurey qarnigii 16-aad iyo jabkii weynaa ee soo
gaaray xabashida.
Dhanka kale marka la eego arrinta dhulka , boqortooyada
faca weyn ee Itoobiya waxa ay aaminsantahay in ay iyadu leedahay dhulka geeska africa
taas oo dhuunta u mari weyday Soomaalida oo aaminsan in ay dhulkaan iyagu awoowe ka awoowe
leeyihiin.
Fikradda ah in itoobiya hesho xeeb,
waaa mid ay waligeed ku dadaali jirtay waana tan ay har iyo habeen u soo jeedo in ay
maalin xeebtaan ballaaran ee Soomaalidu dayacday iyadu gacanta ku dhigto.
1991-kii, waxa ay Itoobiya u eheed ciid waayo waxaa meesha ka baxay dowladdii Soomaaliya
wuxuuna maamulkii gacanta u galay hoggaamiya kooxeed iyo fallaagooyin kala
duwan oo iyadu qaar soo gar daadisay sidaas ayeyna nin waliba oo yiraahda meel
ayaan xukuma ula tacaamuleysay ilaa ay markii danbe ku guuleysatay in mid ka
mid ah raggi ay taba bartay noqodo m/weyne Soomaaliyeed.
Baaqi ugu horreeyay ee uu jeediyo waxa
uu ahaa inuu u baahan yahay ciidan uu magaala madaxda ku tago. Dabcan hadalkaas
itoobiya waa ku macaansanesay sidii aan wada aragnay maalin cad ayey itoobiya
ciidan fara badan ugu deeqday kuwaas oo ka geystay Soomaaliya xasuuq .
Gabdha heyni aya maalin cad la
kufsaday, wiilasheyni ayaa la dilay sidoo kalana waalidkeen ayaa la bara
kiciyay-illeen anaga ayaa is maamuli weynay e -.
Intaas oo idil, Itoobiyaanku waxa ay
ku socdeen qorshe iyo siyaasad degsan oo salka ku heysa labadii qodob ee aan
soo sheegnay laakin hoggaamiye kooxeed dan gaar ah leh kana qeyb qaatay
dumintii dowladdi Soomaaliyeed muxuu kala jeclyahay waa mar uun I dhaha “Madax
weyne”.
Dadku marka ay waayan hoggaamiyaal
damiir leh ee aan kala aqaanin saaxibka
iyo cadawga shacakiisa waxa ay ku dhacaan godkaan aan ku dhacnay oo kale.
Siyaasiyiin ku sheega Soomaalidu
maalin ba wax aan dadkoodu fahmeyn sidoo kalena aan dan u u eheyn ayey wax ku qeybsadaan .Waxaa la
keenay hadana wax la leeyahay maamul goboleed iyo federaal taas oo keentay in
qabiil waliba meel ooto kadibna calan ka
surto.
“Ficil kaloo faduul ahbeey
Maanta noo furayaan e
Farsamaan fahmeyniniyo
Waxbaa la isku filqaaye.
Feyl aan dhamaanbaa
Maalinba naloo furayaa
Foogtana mid kala loo fadhiya”
Ilaa hadda inta maamul goboleed ee dhisan waxxa ka taliya kuwa tahliisha kasoo caba
Itoobiya sida ay ugu hoggaansamaan amarka itoobiyana uguma hoggaansamaan danta
Soomaaliyeed.
Maalin waliba maamul goboleed ayaa
la dhisaa qeyladiisanua ma dhammaato waa laga eexday qabiil hebel iyo qabiil
hebel ayaa wixii wada qaatay ayaa la
jooga.
Wali waxaan u adeegeyna danta Itoobiya
kuwa noo taliyana ma dareensana haddi ay dareensan yihiina ma kala jecla .
Dhibaatada weyn ee sii jirta waa in
maamul goboleed kasta isku heysto dowlad awood u leh in ay sameyso wixii ay doonto
illeen ma jiro sharci dadka kala haga,
baarlamaanki la rabay inuu dejiyo sharciyo kala haga dadkaan iyo
maamuladaana maalin waliba waxa uu ku mashquulsan yahay mooshin dana gaara laga
leeyahy.
Haddii wax yar oo khilaaf ah soo
kala dhex galo dowladda dhexe iyo maamul goboleedka waxad maqlee wax yar kadib “
waan u jarnay xariirkii dowladda dhexe” waaba diyaarsana malaha !!!
Waxaan oo idil, waa wax maslaxad u
ah itoobiya waayo ragga ka taliya maamul goboleedyada waa raggeedi waxna kama diidi karaan sidoo
kale Itoobiya waxa ay adeegsan kartaa mustaqblka dhaw xeebaha maamul goboladdaan
waayo maamul goboleed wlaiba xeeb ayuu leeyahay waana siyaasad mar hore ay
dejisatay- sidaan qabo- in ay isticmasho
xeebta Soomaaliya iyada oo sharci xaddida uusan jirin.
Dhanka kale ciidamada Itoobiya waxa
ay iska dhex joogaan dhulka Soomaaliya maalin waliba waxa ay ka geeystaan
gabood falyo isagu jira dil, dhac iyo kufsi kaba si darane maanta waxaana mareyna
in wiilal Soomaaliyeed oo ku heesaya magaca itoobiya ay dilaan Soomaali, markaas ayaa nin
sheeganaya madaxnimo leeyahay waxaan
ahay itoobiyaan waana ku faanaya- wallaahi Soomaali ayaad tahay -laakin tahliisha gumeysataha
ayaa ku saaqday oo ku gaarsiisay heerkaas damiir la’aanta ah.
Hiigsiga itoobiya waa in ay ka baxda
gaajada ka heysata dhanka xeebta sidoo kalina Soomaaliya aysan ka dhalan dowlad awood leh
taas oo u adeegta shacabkeeda cadawgana ka ilaalisa sidaas darteed ayaa maalin
waliba meeshi la rabay inaan tillaabo hore u qaadno gadaal u qaadeyna
itoobiyana waa faxadeeda.
Ilaa laga helo madax u damqata
dalkooda iyo dadkooda lagama yaabo in Soomaali hagaagto itoobiya ayaana sidii
ay doonto ka sameysaneysa dalkeena.
Abwaan Cabdullahi Cirro, waxa uu
yiri:
“Haddii dhaxal awoowe dhumay
Waxaan dhowrnaanba ceeb
Soomaalay goormaad is dhugan??
No comments:
Post a Comment