Wednesday, June 17, 2015

Soon.

Sidee uga faa’iideysan karnaa Soonka?

Bishaan Ramadaan, waxaa nagala rabaa inaan si weyn u gudano kana faa’iideysano waayo waa bisha ugu fadli badan bilaha oo idil, wixii wanaag ah oo aan qabanana waa ka duwan yihiin kuwii kale.
Hadaba, waa inaan sammeyna ama laba laabna oo  ku dadaalna cibaadada Alle iyo wax waliba oo wanaag ah oo na gaarsii kara raali ahaansha Eebe.
Qodobadaan  soo socda aan ku dadaalno:

1/ Salaadda jamaacada: Mar waliba waxaa nagala rabaa inaan ku dukano si jamaaca ah laakin hadana bishaan waa inaan ku dadaalna sidaan u ilaali leheen la dukashada jamaacada waayo fadli badan ayaa ku jira,ilaahna waa u laba laaba ciddii oo doono . Marka aan ku dadaalno si aan ula qabsano oo bishaan kadib ay noo noqoto wax joogta ah.
2/ Sunnada: waxaa la dukada 12 rakco oo sunna ah maalinti sida aan wada naqaano qofkii ku dadaalana waxaa Jannada looga dhisaya Qasri. Kawaran adoo sooman haddii aad sii dukato walibana taraawiix iyo tahajud la timaado waa fadli dheeraad ah (wixii awoodaada ah ayaa laga raba ).
Taraawiixda iyo Tahajudka, haddii aad heli karto masaajid Quraanka oo idil lagu dukanaayo bishaaan waa wanaagsan tahay waayo meeshi lagu dejiyo 114 fadli badan ayaa yaala.
3/ Akhrinta Quraanka: Haddii taqaan oo xifdisan tahay ugu yaraan maalinti akhri Jus, haddii aadan xifdisaneyn isku day inaad xifdiso inti suurad oo aad awooddo.
Qofkii yaqaana Quraanka waxa uu xifdin karaa axaadista nabiga csw.
4/ Sadaqo: waa muhiim inaad wixii ilaah ku siiyay wax kala baxdo ilaah dartiis waliba bishaan waxaa lasii jibbaara 70jeer. Qofkii qof sooman afuriya waxa uu leeyahay ajir la mid ah qofkii soomay sida uu rasuulkeenu noo sheegay.
5/ Ducada: ku dadaal oo badi inaad ilaah baridid. Ilaah waxa uu leeyahay I barya aan idinka ajiibe sidoo kale qofka sooman ducadiisa lama soo celiyo sidaa darteed waxaan heysana fursad aad u ballaran ee aan ducadeysano . Sujuudaha, waqtiga afurka iyo  waqtiga danbe ee habeenki waa fursadaha ugu waaweyn ee la aqbalo ducada.
6/ wanaag sheegid/falid:  sideenaba waxaan nahay ummad is farta wanaaga iskana reebta xumaanta sidaa darteed bishaan aan reerkeena, qaraabada iyo dhammaan asaxaabta isku caawino inaan wanaag isku sheegno sidoo kale wixii caawinad ah aan sammeyno sida inaan qof ku caawino howl ama u fududeyno culeys saarna . Nabigeena csw  waxa uu nagula  dardaarmay inaan dadka anfacno.
7/ Towbad keened: bishaan ha noo billaabato anaga oo ilaah usoo laabanay. Aan ka towbad keeno dhammaan wixii xumaan naga dhacay. Haddii ay jiraan dad naga sammeeyay xumaan aan is ka cafino sidoo kale haddii ay jiraan dad aan ka galnay xaq aan u celino oo weydiisano saamaxaad.
Dadku waa denbaabaa laakin waxaa ugu wanaag badan kuwa ka soo laabta oo ilaah weydiista denbi dhaaf.
Wixii xumaan ah kala bax faraha oo ilaah uga towbad keen hana u laaban.
8/ Digriga ilaah: mar waliba inaan ilaah xusno kuna sallino nabigeena csw waa wax wanaagsan oo muslimiinta laga rabo hadana bishaan waa inaan badina digriga ilaah.
 Sidaan ognahay waxaa ku jira fadli badan digriga waliba subaxdi iyo galabti.
9/ ka fogaaw hadalka xun : nabigeenu csw waxa uu yiri ilaah waxba kuma falaayo qofku inuu ka soomo cabidda iyo cuntada oo kaliya ee waa inuu ka sooma hadalka xun iyo camalka xun oo idil.
Sida darteed bishaan waa bil cibaado, waa  bil Quraan, waa bil naxariiseed, waa bil denbi dhaaf waa bil wanaag oo idil, waxaa  la furaya albabaada jannada – albaab furan qofkii geli waaya yaa ka xun-? 
10/ Saaxib wanaagsan: mar waliba waxaa habboon inaad leedahay saaxib wanaagsan oo kugu caawiya wanaaga iyo ilaah ha cabsashadiisa sidaa darteed bishaan la soco kuwa salaadaha ilaaliya kuwa wanaaga sammeeya kuwa jecel mar walibana raadiya raali ahaansha Eebe.
Tan micnaheedu ma aha  inaad jarto dadka kale ama aan ku wanaagsaneen cibaadada laakin ku dadaal inaad la qaadato waqtigaaga kuwa wanaagsan kuwa kalena ugu yeer wanaag  kuna baraaruji bishaan barakeysan in ay u tahay fursad ay uga bixi karaan xumaanta kuna geli karaan safka dadka wanaagsan.
Tobankaas iyo wixii kale oo wanaag ah haddii aan ku dadaalno ilaah waxaan ka rajeyneynaa inuu raali naga ahaado waayo raali ahaansha Alle ayaa muhiim ah laguna geli kara Jannada.

Waxaa muhiim ah in qofku hilmaamin waajibaadka ka saaran gurigiisa waayo waxa ay ka mid tahay wax yaabaha ugu weyn ee la is xisaabinaayo maalinta Aakhiro sida darteed adiga ayaa laga rabaa inaad howshaada caadiga iyo cibaadada Alle mid waliba xaqeeda siiso.

F.G: waxaa muhiim ah in qofku sammeysto  laba qodob oo lagama maarman ah, waxeyna kala yihiin:
1/ Qorshe : waa inaad dejisata  jadwal aad  ku howl gasho. Tusaala ahaan, waxaad rabtaa inaad xifdiso Quraanka, waa inaad qorata waxaan xifdinaya intaas ( safxad) maalin waliba saacad hebel.
2/ Is xisaabin: 24 saac waxaad qabane howl, waxaad qabane wax  isagu jira  wax adiga iyo ilaah kaa dhaxeeya iyo wax adiga iyo dadka kale ka dhaxeeya kullina waa  lagu xisaabi doona maalinta Aakhiro hadaba adigu is xisaabi inta aan lagu xisaabin kadib iska wanaaiji meeshi aad u ragato inaad ka gaabisay.
 
Ilaah ha naga aqbalo Soonka iyo wanaag waxaan sammeynaba.
Soon wanaagsan.
 
Wabillaahi towfiiq.

No comments:

Post a Comment