Shukaansi
Shukaansiga sharafta leh waa inaad haasaawo wadaagtaan qofkii aad nolosha wadaagi leheedeen ka dibna aad go'aanka mustaqbalkiina wada qaadataan.
Shukaansiga sharafta leh ma ahan inaad kun wiil is ku kor ballamiso amaad boqol gabar mid ba mar dhahdo " waan ku jeclahay".
Waa inaad eegataa qofkaad la wadaagi leheed nolosha go'aana wada gaartaan.
Markaad dhowr qof xariir la wada samayso, waxaa ka dhalan kara dhowr dhibaato oo ay ugu muhiimsan tahay wakhtiga dhumis, waayo intaas oo qof ayaa kaa raba inaad wakhti siiso sidoo kale waxaa dhici kata inaad been barato waayo qof waliba waxaa laga yaaba inaad ku dhahdo adiga waaye qofka kaliya ee aan rabo inaan nolol la wadaago.
Qofka sidaan samaynaaya waxaa haysta dooq xumo, go'aan la'aan iyo dhallin yaranimo.
Dhallin yarada qaar ayaa u maleeya marka ay dhowr qof haasawo la wadaagaan inay caqli badan yihiin amay dadka kale wax dheer yihiin.
Waxaa habboon;
1- inaad doorato qofka aad rabto kadibna aad is fahantaan si aad go'aan uga wada gaartaan noloshiina.
2- Ma ahan in been lagu billaabo nolosha, wixii asaasku ka xumaado ma sii waaro.
3- Yaysan dhicin inaad xadka shareecadu idiin ogolaatay dhaaftaan.
4- Waxaa qurux badan inaadan wakhti badan ku lumin haassaawe ee aad aqal gashaan si aad u sii dhamays tirtaan inta ka dhiman nolosha.
5- Haddii aadan xilligaa diyaar is ku ahayn ama aad ku kala jirtaan wax barasho ama wax kale, waxaa habboon in wiilku u tago reerka gabadha ka dibna la is kula ballamo in gabadhaanu wiilkaan u doonan tahay wakhti hebelna dhici doono guurka.
6- Waalidiintu dhankooda ma ahan inay hor istaagan is doorashada dhallin yarada haddii aysan jirin wax diin ahaan diidaaya arrinkooda.
Ugu dnabyantii, waxaa hubaal ah in haasaawaha wanaagsan uu sal dhig u yahay is fahan ballaaran iyo guur guul xanbaarsan.
No comments:
Post a Comment