Markii khilaafada islaamiga dhacday sannaddii 1924, waxaa muslimiinta ku dhacay
jah-wareer fara badan . Dadka aqoonta
leh waa sii ogaayeen inay khilaafadu
miicno beeshay waayo muddo ba waxay eheed mid daciif ah oo aan ka tarjumeyn
magaca khilaafanimo.
Markii khilaafadu meesha ka baxday, dhulka muslimiintu waxa
uu ahaa mid la sii kala qaybsaday oo meel walba ba waxaa qayb ahaan u helay
dowladdihii Yurub ee xilligaa caalamaka hor kacaayay.
kala daadsanaantaas, waxaa ka damqaday culumaa u diin iyo
wax garad badan kadibna u fikiray sidii
mar kale loo soo celin lahaa midnimadii
muslimiinta . Culumada si wayn isu xil qaantay, waxaa ka mid ahaa Imaam Xasan
Al-Bannaa oo dhidibada u taagay urur waynaha loo yaqaan Ikhwaan Al- Muslimiin
oo Masar lagu aas-aasay 1928.
Maxaa keenay Ururuda
islaamiga?
Sababa badan ayaa jira, waxaana ka mid ah:
1/ In dadku aysan ku kadsoomin dhal- dhalaalka adduunka, laguna boorriyo qalbi furnaanta iyo niyad wanaagga .
2/ In dadka la baro diinta islaamka, lagana ilaaliyo
shirkiga iyo khuraafadka.
3/ In Muslimiintu helaan qaab ay isagu xiran yihiin maadama
ay luntay khilaafadii islaamka.
4/ In mar kale la soo celiyo nidaam midaysan oo muslimiintu
leeyihiin.
5/ In lala jhaado cadawga .
6/ In dadku ka bad baado duullaanka maskaxda ee reer
galbeedku habeen yo maalin wadaan.
Markaad si fiican u eegto jamaacaadka islaamiga, waxaad dareeme in koox kasta ka
tarjumayso meesha lagu aas-aasay. Tusaala ahaan jamaacada lagu aas-aasay meel
shirkigu ka badan yahay hadafkeedu waa inay dadka ka baraarujiso in lagu dhaco
shirki. Jmaacada meel cadaw haysta joogtana, waxaa u yool ah jihaad.
Dhibka laga dhaxlay uruada qaar.
Waxaa jira dhibaatoyin fara badan oo aan la qarin Karin ilaa
haddana haysata muslimiinta oo laga dhaxlay qaar ka mid ah jamaacaadka sida:
1/ In jamaacaadka qaar aysan ogolayn kala aragti duwanaan,
qofkii ka hor yimaadana ay u arkaan gaal.
2/ in mararka qaar ay ka qayb qaateen dagaallo sokeeye kuwaas oo lagu halaagsamay.
3/ inay qaab aan nidam sanayn kula dagaalameen dowlado awood badan kadibna muslimiin badan ku
khasaareen.
4/ in ay si khaldan u adeegsadaan mararka qaar diinta
islaamka kuna argagixiyaan dad aan wax ba galabsan.
5/ in mararka qaar ay xalaashadaan nafta iyo maalka qof
muslim ah.
6/ inay abuureen jawi naxariis la’aan ah iyo
khilaafaad joogta ah oo dhax yaal muslimiinta.
7/ Inay marin habaabiyeen dhallin yaro da’ yar, aqoon
gaaban oo wax badan ogayn .
Dheefta Ururada islaamiga ah.
Waxaan la dafiri Karin in ururada qaar dheef badan laga
helay, wax badan oo wanaag ahna u qabteen muslimiinta, waxaana ka mid ah:
1/ Inay si wanaagsan dadka u bareen diinta .
2/ inay ka qayb qaateen nidaaminta iyo sidii loo heli lahaa
maamul wanaagsan.
3/ inay ka qayb qaaten xuraynta wadamada qaar iyo la dagaalanka
gumaystaha.
4/ Inay si xigmadaysan u faafiyeen diinta islaamka una gaarsiyeen
dad aan muslimiin eheyn.
5/ Inay gacan libaax ka qaateen caawinaadda dadka baahan iyo
gargaarkooda.
6/ Inay si cajiib ah uga qayb qaateen dhinaca wax barashada
dhidibadana u taageen goobo fara badan oo maaddi iyo diin ba lagu barato.
7/ Inay magac iyo maamuus ku dhax leeyihiin ganacsiga kala
duwan ee ka jira wadaada msulmiinta .
8 Inay u istaageen islaaxinta iyo heshiisinta khilaafaad
badan oo ka dhax jiray dowlado ama dad meel wada deggan oo wada muslimiin ah.
9/ Inay soo saareen jiil leh aqoon ballaaran una diyaarsan
inay anfacaan dadkooda iyo diintooda.
Jamaacaadka qaarkood waa dhib miiran laakin waxaa jira kooxo
laga helo dheef badan xitaa haddii ay wax ka khaldamaan la sixi karo.
Ururada islaamigu, waxay soo mareen xilli dahabi ah oo aad
loogu riyaaqsanaa taagerro fara badan
daba socdeen laakin xilligaan hoos ayay u dhaceen waana laga xiisa dhigay.
Dadku sidii hore ma ahan oo wax ayay barteen teeda kale
waxay ogaadeen oo goob jog u ahaayen dhibaatada jamaacaadka qaarkood sameeyeen
taasina waxay keentay in ugu yaraan dadku ka istaagaan ku biiridda ururadaas.
Jamaacaadka laftoodu xiisihi badnaa waa ka dhacay oo maanta
Soomaaliya -tusaala haan- kama jiro tartankii sagaashameeyadii oo kale. Ma arakaysid
xarumo iyo masaajiddo badan oo ay gacanta ku hayaan ururo. Ma arakaysid doodihii
iyo is ku jawaab celintii qaabka darneed dadka caamadu ku jah- wareerayeen .
Ma arakaysid dhallin yaro badan u caabboon kuna faanaysa ka mid ahaanshaha koox gaar ah xitaa kuwa ku jira ururada ayaa
mararka qaar inkira .
Ugu danbayan uma arko in laga mid ahaado ama la aa- aaso
jamaaco ama urur islaamiya dhibaato
haddii yoolkeeda iyo hab dhaqankeeda la waafajiyo islaamka sidoo kale na ay ka
hor immaanin maslaxada guud ee dad muslimiin ah oo meel deggan.
Muhiimaddu waa in la fahmaa xilliga an ku jirno si fiicanna
loo barta diinteena qiimaha badan lagana
tarjumo dhaqnkeeda suubban. Waa in wanaagga la faafiyo xaqana la sheego laakin
aan la noqon dad maslaxad gaar ah wata oo cadaw ku ah muslimiin kale ama gaalo
u arka dad tilmaamihii islaanimada laga helaayo.
Waxaan jelcaa lahaa inaan arko ururada islaamiga ah oo si qalbi
furan u wada doodaaya una wada nool ee aan is gaalaysiinin sidoo kale na is ku kaashada danta guud .
Mu’miniintu waa walaalo, mu’minkukuna waxa uu tiir u yahay mu’minka kale, lamana kala maarmo. Haddii la
is kaashado awood ayaa la yeelanaya,
haddii la kala tagana daciif ayaa la noqonayaa.
Wabillaahi Towfiiq.





