Sunday, November 1, 2015

Doorashada Turky.

Doorashada Turky.
Ka dib markii ay ku guul darreysteen xisbiyada ka jira dalka Turkey in ay helaan aqlabiyadda codadkii la dhiibtay 7 june 2015 si hal xisbi usoo dhiso xukuumad, waxaa mar kale maanta loo dareearay doorasho taas oo u muuqata mid ka adag tii hore .
Dhanka kale, caalamku isha ayuu ku hayaa doorashadaan gaar ahaan dunida muslimiinta, waxaana jira  dad badan oo taageersaan –aniguna aan ku jiro  xisbiga “Cadaaladda iyo Horumarka”oo sanadihii ugu danbeeyay soo xakumaayay Turky, waxaana rajo weyn laga qabaa in  in ay mar kale hoggaanka Turky sii qabtaan laakin go’aanka kama danbesyta ah waxa uu ku jiraa gacanta shacabka Turky kuwaas oo dhihi kara waxaan rabnaa xisbi hebel.

Maxaa keenay in Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka “ sidaan  ay u garab istaagaan dad badan oo aan eheyn Turky? Ama si kale haddaan u dhigo su’aashaan, maxaa keenay anigu inaan taageero xisbigaan?
Ma waxaa keenay taageeridda ay dowladda Turkey-gu noo fidisay? Iyo booqashada uu Erdogan ku tegay Muqdisho? Maadaama Soomaalidu ay dhahdo “Abaal nin kuu gala waa loo gudaa
Ma waxaa keenay horumarka uu xisbigaani gaarsiiyay dalka Turkey?  Sidaa darteedna aan u taageeraayo maadama dal muslin walaalaheen ah gaaray horumar. Maxay tahay sirta ka danbeysa ee aan u taageeraayo xisbigaan?
Tilmaamo wanaagsan.
Xisbigaani waxa uu kulan saday tilmaamo badan kuwaas oo lagu taageeri karo koox waliba oo ku sifowda haba ugu horreeyaan ammaanada iyo shaqa wanaagga.
Waxaa ka mid ah sida wanaagsan ee ay wakhti kooban u bedeleen dalka Turky gaarsiiyeenna  meesha uu maanta joogo ee ah “tusaale”.
Waxaan ku taageeray garab istaagga ballaaran ee ay masaakiinta la garab joogaan iyaga oo gudanaya waajib Bini-aadanimo iyo walaaltinimo sida marar badan ay ka dhawaajiyeen madaxda Xisbigu,
waxaa ka mid aha dadka ay caawiyeen Annaga oo ay noo qabteen wax aan la soo koobi Karin.
Waxaan ku taageeray xisbigaan siyaasadda aan eheyn laba wajiile ee ay mar walba kula dhaqmaan dowladaha kale sida in ay mar walba garab istaagaan dimuquraadiyadda iyo mabaadi’deeda ee aysan u sacbin qof waliba oo xukunka qabsada taas oo micnaheedu tahay in aysan dantooda bis eeganin ee ay ilaalinayaan mabaadi’ iyo nidaam sal dhiggiisu yahay xaqaada qaado dadka kalena xaqooda ha helaan.

Waxaan ku taageeray xisbga “Cadaaladda iyo Horumarka” sida wanaagsan ee ay u garab istaagan qaddiyada nagu wada weyn ee ah xoogga lagu heysto dhulka Falastiin.https://www.youtube.com/watch?v=tw7oiNJnVrs.
Waxaan ku taageeray xisbigaan in dalka Turky noqday meel ay usoo cararaan dadka lagu dhibaateeyay dalkooda ee leh hoggaamiyaal siyaasiyiin ah iyo shacab kuwaas oo dalka Turkey ka helay soo dhaweyn qurux badan taas oo ka tarjumeysa micnaha weyn ee diinteenu xanbaarsan tahay ee ah is caawin iyo is garab istaag.
13 sano oo Xisbigaan xukumaayay Turky sida saaxib iyo cadaw ba ka marqaati keceen, Turky waxa ay ku tillaabsatay horumar dhan kasta ah ila haddana yoolkii ay rabeen in ay gaarsiyeen waxaa ka dhimman oo sidaan iyo kasii fiican ayey tibaaxayaan hoggaamiyaashu in ay Turku gaari doonto 2020-ka.

Shacabka Turky nasiib ayey leeyihiin maadama ay heleen hoggaamiyaal nuucaan ah annagana ilaah ha noo keeno hoggaamiyaal wanaagsan oo dalka iyo dadka ka samata bixiya dhibkaan haleelay .

Soo jeedin:
Xisbigaani waxa uu tusaale wanaasgan u ayahy axsaabta dooneysa in ay dalkooda hormariyaan iyo in wax kasta la sameey karo marka la helo hoggaan wanaasgan.
Soomaali ahaan, waxaan u baahanahy sidaan qabo xisbigaan oo kale iyo inaan ka gudubno siyaasad carruureedka  iyo tuugnimda ee ku kooban hadal,  wax dhicid iyo is daba marin.
Waxaan u baahanahay  xisbi la yimaada farriin cad, yool iyo barnaamij dabboolaya baahida shacabkeena.
Waxaan u baahanahay xisbi fahmi kara baahida dadkeena meesha loo maro iyo sida loo xalliyana yaqaana.
 Waxaas oo dhan micnaheedu ma aha ah in Xisbiga "Cadaaladda iyo Horumarka" ay yihiin ma khaladamayaal , waa khaldamaan waana saxaan laakin waa dad mar waliba wanaagoodu ka ballaaran yahay  xumaanta ka dhacda taasna waxaa daliil u ah meesha ay gaarsiiyeen Turky, sida ay dadkoodu u jecel yihiin ee muddo 13 sano ay u dooranayeen iyo miisaanka ay ku leeyihiin caalamka .
Sida ay u leeyihiin taageero fara badan ayey u leeyihiin mucaarad taasna waxaa ku dhisan nolosha waayo lagama yaabo in 100% lagu taagero mana dhicin waligeed mana dhici doonto inta dhiman.
Waxaan u rajeynaya shacaka Turkey in ay doortaan xisbiga ay u arkaan mid wanaasgan iyo horumar dheeraad ah  .
Salaamad,


Sunday, September 13, 2015

Looma dhisin in la isku dhax feero!!!

Mas'uulku marka uusan leheen damiir ka celiya tillaabada xun sidoo kalena uusan jirin qaanuun uu ka cabsanaayo waxa uu sameeynayaa wixii maskaxdiisa kusoo dhaca bilaa xisaab.
Bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan nasiib u yeelanay inaan daawano maalin waliba riwaayad aan leheen dhammaad jilayaalna ay ka yihiin siyaasiyiin isku sheeg aan danta dalka iyo dadka ka talineyn.
Haddii aan wax garad loo helin arrinta Soomaalida waxaa muuqata in mustaqbalkeenu mugdi ku dhammaan doono.
Kkalad waa dhacaa laakin waa in la helaa dad saxa, sidoo kale waxaa duma dowlado laakin dad ayaa u istaaga oo dhista mid kasii awood badan tii hore.
Maanta, waxaan u baahanahay inaan dhahno kuwa wada fowdada, masumaasuqa iyo u adeegista shisheeyaha naga joojiya waan kusoo daalnay waxna kama faa’iidine.
In maanta dad naga mid ah doonayaan in ay awood wax ku maquuniyaan oo dagaal ka dhaco meel ka mid ah dalkeena waxa ay muujinee in aan cashir laga qaadin sanadihii tegay.
Fadlan aan dhahno naga joojiya dhibka.
In maalin waliba aan lambar kow ka ahaano wax is daba marinta iyo masumaasuqa kadibna aan dhaho madax wanaagsan ayaa na hoggaamisa is qaban meyso ee aan kuwa sida khaldan u adeegsanaya hantida shacabka dhahno  joojiya wax is daba marinta “ Ha is oran cidi kuma arkeysee afka buuxso
In madaxdeenu waliba kuwii laga sugaayay in ay keenaan sidii sharci iyo kala danbeyn loogu noola lahaa dalka ay iyagu isku dhax feeraan ama  isku  uleeyaan guryihii umadda, waxa ay daliil u tahay in ay madax noo yihiin kuwa aan u qalmin xilalkaas.
Waa inaan runta u sheegnaa oo dhahnaa  Looma dhisin aqalladaan in la isku dhax feero ee waxaa loo dhisay in shacabkaas loogu shaqeeyo, waxaana fadhiisanaaya  kuraastaas dad ilaalinaaya sharafteena  iyo karaamadeena. kuwa si khaladan u adeegsanaaya xilkii loo dhiibay waxaan geeyneynaa booska ay   qalmaan.
Adduunka haddii la waayo dad -haba yaraadaane- saxa wixii khaldama ma jireyso nolol wanaagsan oo lagu farxo.
Maanta waxaan joogna xilligii aan dhihi leheyn maya xumaan haa wanaag, haddii aan manata dhihin goorma ayaan dhihi doonaa?
“Nabigu csw si ilbaxsan ayuu ugu sheegay ninkii ku xaaja guay masjida inaan loogu tala gelin masjidka waxaas ee howl ka weyn loogu tala galay.”
Waa wada oganahay in ay jiraan madax badan oo aan u qalmin in ay booskaas ku fadhiistaan laakin si ilbaxsan ayaan u xalli karnaa arrimahaas iyo kuwa kale oo badan haddii aan adeegsano maskax furan dad muslixiin ahna is xilqaamaan.
Waan salaamaya mas'uul kasta oo ilaaliya sharafta dadkeena kana soo baxa howshii loo igmaday meel kasta uu ka joogo dalkeyga.
Markaan kaligeey dhaho Fadlan xumaanta ha la  jooji ama qof kali dhaho waxaa laga yaaba in lawada maqli waayo  laakin haddii aan si koox ah u dhahno waa hubaal waa la maqlaya sidaa darteed howsha xumaan joojinta haka billaabato meel kasta dhallin yaraduna qeyb libaax haka qaataan indha allah dhawaan waan gaari doona meel wanaagsan.

Dad waliba tillaabada uu qaado xumaan iyo wanaag baal ayey ugu taal .

Wednesday, July 29, 2015

Beeni Raad ma leh.

Been badanaa!!
Xilliyadii dowladihii  ku meel gaarka ahaa ee dalkeena soo maray, waxaa caadi iska eheed in lagala kulmo howl yaraan, masuqmaasuq, madax maalin walba isku la  jirta qoorta, nidaam iyo cadaalad la’aan iyo dalki oo sii gelaya mugdi.
Si kastaba ha ahaate, waa laga baxay KMG, waxaana la doortay Madax weye Xasan Shiikh Maxamuud .
Dad badan ayaa rajo muujiyay maadama la doortay nin aqoon yahan ah sidoo kalena wata qorshe iyo dad garab taagan oo xilligaas u muuqday in ay ka soo bixi karaan waxa loo igmado.
Nasiib darro, xaalku waxa uu noqday “Kud ka guur oo Qanjo u guur” intii dowladihii KMG ahaa lahaayen oo qaab darro ahaa waxa ay ku darsatay dowladdaan uu Xasan hoggaamiyo BEEN maalin walba dhegaha dadka lagu afuufayo iyada oo loo adeegsanaayo war baahinta Qaranka iyo midda gaarka loo leeyahay.
Maxaa ku kallifayaa madax heerkaas la eg  in ay been sheegaan, kaliya wixii awoodooda ah ma qabtaano?
Beenta dad weynaha lagu waday ilaa 2012 markii la doortay madax weyne Xasan wey badneed laakin waxaa ugu caansana kuwaan soo socda:
1/ 6-dii Tiir.
Xasan Shiikh, waxa uu baarlamaanka ka hor sheegay inuu wato qorshe ama ugu yaraan  lix tiir si loo helo ama loo soo celiyo dowlad wanaagi naga wada lumay. Waxa ay eheed farxad in la helo muwaadin wata barnaamij iyo qorshe lagu gaarayo wanaag laakin nasiib darro waxa uu ahaa hadal oo kaliya .Maanta lixdii tiir midna kama suurta gelin.
Waxaa ka mid ahaa in dowladda uu hoggaaminaayo Xasan xasili doonto dalka, nidaam iyo kala danbeyn la gaari doono sidoo kalena la dhisi doono ciidan qaran oo dalkooda difaaca. Maxaan ka heynaa intaas xitaa ugu yaraan tillaabo ma la qaaday?  Sidoo kale, waxaa ka mid ahaa soo nooleynta dhaqaalaha dalka. Waaba  la sii dumiyay sidaan qabo.
Nabadeynta iyo dibu heshiisiinta ayaa ku jiray lixda tiir. Maxaa la heshiiya madax weynaha iyo r/wasaarayaashiisi  ayaaba maalin waliba dhibkooda loo taagna, baarlamaankana riwaayad ayaa laga daawan jiray maalmahaas .
Midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed xitaa waa ku jirtay  lixda qodob . Maanta waxa loo fadhiya Muqdisho shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya iyo hiigsiga 2016 laakin sida la filaayayba waxaa ka maqan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, dabcan sida muuqata waxaa lagu guul darreystay in si wada jir ah loola shaqeeyo maamulada dalka ka jira waayo maalin walba waxaan maqalna xariirka dowladda dhexe iyo  maamul goboleedyada oo sii xumaanya.  Waxaan ognahay oo goob jog usoo eheyn qaabkii qaldana ee ay ku dhismeen maamulada Jubbaland iyo koofur galbeed ee aaha qaab gacmo maroorsi ah iyada oo loo wada jeedo ayaa nin waliba xoog ku yiri “Anaa madax weyne ka ah meeshaan” sababtana waad dareemi kartaa waayo ma jiro sharci iyo dowlad u istaagtay in si wanaasgan wax loo dhiso.
2/ Tira koobkii dad weynaha .
Wasaaradda Qorsheynta iyo is-kaashiga  caalamiga waxa ay sanadkaan so saartay waxa ay ku tilmaantay saadaalin ay ka sameysay tirada dad weynaha, waxa ayna soo bandhigtay in muwaadiniinta Soomaaliyed gaarayaan  12,316,895 (Laba iyo Toban Milyan, Saddex Boqol & Lix iyo Toban Kun, Sideed Boqol & Sagaashan & Shan Qof).  .   Isla markiiba waxaa dhashay su’aalo badan iyo shakiyo muujinaaya sida howshaan loo qabtay . waxaa sii xoojiyay shakigaas in madaxdii howalahaan soo bandhigtay si cad uga war bixin weysay qaabka ay u sameeyeen tira kobkaan maadama dalka aysan ka wada talin .  Horaa loo yir “Beeni raad ma lahane” waxaa durbadiiba soo if baxay been abuurka ay dowladdu adeegsatay. Soomaaliland oo arrinkaas ka hadashay waxa ay sheegtay in tira koobka ay dowladda Soomaaliya sheegatay yahay been abuur aan loo soo ganban .
Dhanka kale, Puntland ayaa iyana ku tilmaanatay tira koobkaas waxa aan sax eheyn .
Taas waxaa ka sii daran markii guddomiyaha gobolka Banaadir  yiri “ kuwa tira koobkaas samaaeyay riyo maalmeed ayey ku jiraan”. Xitaa haddii ay riyo maalmeed kui  jiri lahayen waxaa la heli lahaa dad fasira laakin tani waa been lamana fasiri  karo. Qoraa Soomaaliyeed ayaa yiri “ Tira koobkaan ma Qiyaas baa mise Qisaas
Haddii Gal-mudug dhisnaa leheed dabcan waa beeni leheed.!
 Dhameystirka Dastuurka,  M/weyne Xasan waxaa uu ballan qaaday dhameystirka dastuurka  ila hadda wax dhameystiran lama hayo waddadii lagu dhameystiraayayna laguma socdo.
 Nidaamka xisbiyada, waxa uu ka mid ahaa qorsha ay dowladdu ballan qaaday iyana waa beenowday waayo diyaar looma ah  nidaam wanaagsan in al helo lana gaaro in xisbiyo ku loolamaan  talada dalka.
3/ Doorshada 2016. Hiigsiga 2016 iyo in ay doorasho dhacdo  waxa ay ahaayen waxa ug badan ee ku dhaca dhegaha dad weynaha tan iyo markii la doortay Xasan. Dhowr  jeer oo la weydiiyay madaxda ugu sarreysa dowladda waxa ay ballan qaadeen in ay dhici doonto doorasho xor ah 2016.
Shalay labada gole ee  xukuumadda iyo baarlamaankuba waxa ay ku dhawaaqeen in aysan  dhici Karin doorasho 2016.
Sidee ku dhece loo maba istaagin e  ?.
Side dadku ugu kalsoonaan karaan madax maalin walba been la taagan fagaaraha?
Haddii si hufan loo shaqey lahaa dhowrkii sano ee micno la’aanta ku lumay waa la qaban karay qorshihii Xasan baarlamaanka ka hor dhahay. Waa la awoodi karay ugu yaraan in dhismaha ciidanka wax laga qabto sidoo kalena arrimaha dastuurka iyo garsoorka waa la sameey karay. Waxaaa iyana hubaal ah in haddii hoggaan wanaagsani joogi lahaa xilligaan aan u diyaar garoobi leheyn doorasho xalaal ah iyada oo xisbiyo ay loolamayaan laakin nasiib darro waa nala siray.
Nabi Muxamad  csw, waxaa la weydiiyay “ Mu’minku been ma sheegaa”. Waxa uu ku jawaabay maya!
Inaan qarnigaan 21aad ka cabano been intaas la eg -oo aan eheyn hal ama labo- waa masiibo nagu habsatay laakin waxaan rajeynayaa in dadkeena manata ka dib ka kici doono hurdada oo ay danaha dalkooda iyo dadkooda u istaagi doonaan madaxda nuucaan ahna ka tashan doonaan.
Beeni raad ma leh.

Maxamed Macallin Axmed (Baari).



Thursday, July 9, 2015

Yusuf Garaad: Soomaaliya Vs Kenya

Yusuf Garaad: Soomaaliya Vs Kenya: Xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Maanta waxaan fursad u helay in aan la fariisto khubrada farsamo iyo qaanuun...

Wednesday, June 17, 2015

Soon.

Sidee uga faa’iideysan karnaa Soonka?

Bishaan Ramadaan, waxaa nagala rabaa inaan si weyn u gudano kana faa’iideysano waayo waa bisha ugu fadli badan bilaha oo idil, wixii wanaag ah oo aan qabanana waa ka duwan yihiin kuwii kale.
Hadaba, waa inaan sammeyna ama laba laabna oo  ku dadaalna cibaadada Alle iyo wax waliba oo wanaag ah oo na gaarsii kara raali ahaansha Eebe.
Qodobadaan  soo socda aan ku dadaalno:

1/ Salaadda jamaacada: Mar waliba waxaa nagala rabaa inaan ku dukano si jamaaca ah laakin hadana bishaan waa inaan ku dadaalna sidaan u ilaali leheen la dukashada jamaacada waayo fadli badan ayaa ku jira,ilaahna waa u laba laaba ciddii oo doono . Marka aan ku dadaalno si aan ula qabsano oo bishaan kadib ay noo noqoto wax joogta ah.
2/ Sunnada: waxaa la dukada 12 rakco oo sunna ah maalinti sida aan wada naqaano qofkii ku dadaalana waxaa Jannada looga dhisaya Qasri. Kawaran adoo sooman haddii aad sii dukato walibana taraawiix iyo tahajud la timaado waa fadli dheeraad ah (wixii awoodaada ah ayaa laga raba ).
Taraawiixda iyo Tahajudka, haddii aad heli karto masaajid Quraanka oo idil lagu dukanaayo bishaaan waa wanaagsan tahay waayo meeshi lagu dejiyo 114 fadli badan ayaa yaala.
3/ Akhrinta Quraanka: Haddii taqaan oo xifdisan tahay ugu yaraan maalinti akhri Jus, haddii aadan xifdisaneyn isku day inaad xifdiso inti suurad oo aad awooddo.
Qofkii yaqaana Quraanka waxa uu xifdin karaa axaadista nabiga csw.
4/ Sadaqo: waa muhiim inaad wixii ilaah ku siiyay wax kala baxdo ilaah dartiis waliba bishaan waxaa lasii jibbaara 70jeer. Qofkii qof sooman afuriya waxa uu leeyahay ajir la mid ah qofkii soomay sida uu rasuulkeenu noo sheegay.
5/ Ducada: ku dadaal oo badi inaad ilaah baridid. Ilaah waxa uu leeyahay I barya aan idinka ajiibe sidoo kale qofka sooman ducadiisa lama soo celiyo sidaa darteed waxaan heysana fursad aad u ballaran ee aan ducadeysano . Sujuudaha, waqtiga afurka iyo  waqtiga danbe ee habeenki waa fursadaha ugu waaweyn ee la aqbalo ducada.
6/ wanaag sheegid/falid:  sideenaba waxaan nahay ummad is farta wanaaga iskana reebta xumaanta sidaa darteed bishaan aan reerkeena, qaraabada iyo dhammaan asaxaabta isku caawino inaan wanaag isku sheegno sidoo kale wixii caawinad ah aan sammeyno sida inaan qof ku caawino howl ama u fududeyno culeys saarna . Nabigeena csw  waxa uu nagula  dardaarmay inaan dadka anfacno.
7/ Towbad keened: bishaan ha noo billaabato anaga oo ilaah usoo laabanay. Aan ka towbad keeno dhammaan wixii xumaan naga dhacay. Haddii ay jiraan dad naga sammeeyay xumaan aan is ka cafino sidoo kale haddii ay jiraan dad aan ka galnay xaq aan u celino oo weydiisano saamaxaad.
Dadku waa denbaabaa laakin waxaa ugu wanaag badan kuwa ka soo laabta oo ilaah weydiista denbi dhaaf.
Wixii xumaan ah kala bax faraha oo ilaah uga towbad keen hana u laaban.
8/ Digriga ilaah: mar waliba inaan ilaah xusno kuna sallino nabigeena csw waa wax wanaagsan oo muslimiinta laga rabo hadana bishaan waa inaan badina digriga ilaah.
 Sidaan ognahay waxaa ku jira fadli badan digriga waliba subaxdi iyo galabti.
9/ ka fogaaw hadalka xun : nabigeenu csw waxa uu yiri ilaah waxba kuma falaayo qofku inuu ka soomo cabidda iyo cuntada oo kaliya ee waa inuu ka sooma hadalka xun iyo camalka xun oo idil.
Sida darteed bishaan waa bil cibaado, waa  bil Quraan, waa bil naxariiseed, waa bil denbi dhaaf waa bil wanaag oo idil, waxaa  la furaya albabaada jannada – albaab furan qofkii geli waaya yaa ka xun-? 
10/ Saaxib wanaagsan: mar waliba waxaa habboon inaad leedahay saaxib wanaagsan oo kugu caawiya wanaaga iyo ilaah ha cabsashadiisa sidaa darteed bishaan la soco kuwa salaadaha ilaaliya kuwa wanaaga sammeeya kuwa jecel mar walibana raadiya raali ahaansha Eebe.
Tan micnaheedu ma aha  inaad jarto dadka kale ama aan ku wanaagsaneen cibaadada laakin ku dadaal inaad la qaadato waqtigaaga kuwa wanaagsan kuwa kalena ugu yeer wanaag  kuna baraaruji bishaan barakeysan in ay u tahay fursad ay uga bixi karaan xumaanta kuna geli karaan safka dadka wanaagsan.
Tobankaas iyo wixii kale oo wanaag ah haddii aan ku dadaalno ilaah waxaan ka rajeyneynaa inuu raali naga ahaado waayo raali ahaansha Alle ayaa muhiim ah laguna geli kara Jannada.

Waxaa muhiim ah in qofku hilmaamin waajibaadka ka saaran gurigiisa waayo waxa ay ka mid tahay wax yaabaha ugu weyn ee la is xisaabinaayo maalinta Aakhiro sida darteed adiga ayaa laga rabaa inaad howshaada caadiga iyo cibaadada Alle mid waliba xaqeeda siiso.

F.G: waxaa muhiim ah in qofku sammeysto  laba qodob oo lagama maarman ah, waxeyna kala yihiin:
1/ Qorshe : waa inaad dejisata  jadwal aad  ku howl gasho. Tusaala ahaan, waxaad rabtaa inaad xifdiso Quraanka, waa inaad qorata waxaan xifdinaya intaas ( safxad) maalin waliba saacad hebel.
2/ Is xisaabin: 24 saac waxaad qabane howl, waxaad qabane wax  isagu jira  wax adiga iyo ilaah kaa dhaxeeya iyo wax adiga iyo dadka kale ka dhaxeeya kullina waa  lagu xisaabi doona maalinta Aakhiro hadaba adigu is xisaabi inta aan lagu xisaabin kadib iska wanaaiji meeshi aad u ragato inaad ka gaabisay.
 
Ilaah ha naga aqbalo Soonka iyo wanaag waxaan sammeynaba.
Soon wanaagsan.
 
Wabillaahi towfiiq.

Sunday, June 7, 2015

Soomaalaay goormaad is dhugan???.


Soomaalaay goormaad is dhugan???.

Naceybka iyo colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo itoobiyaanka waa mid soo jireen ah mudda fogna taagneed salkana ku heysa laba arrimood oo kala ah dal iyo diin sida a uu C/qaadir Aroma ku sheegay buuggisa “Hadimadii Gumeysiga”.
Arrinta diintu waa mid cad waayo labada bulsho waxa ay kala heystaan labada diin ee kala ah Kirishtaan iyo Muslim taasina waxa ay qalqal gelisay itoobiyaanka oo dhaxda uga jira dad muslimiin iyo cawaan ah sida uu qiray boqor Menelik isaga oo og guul darradii ay kala kulmeen  Mujaahid Axmed Gurey  qarnigii 16-aad iyo jabkii weynaa ee soo gaaray xabashida.
Dhanka kale  marka la eego arrinta dhulka , boqortooyada faca weyn ee Itoobiya waxa ay aaminsantahay in ay iyadu leedahay dhulka geeska africa taas oo dhuunta u mari weyday Soomaalida oo  aaminsan in ay dhulkaan iyagu awoowe ka awoowe leeyihiin.
Fikradda ah in itoobiya hesho xeeb, waaa mid ay waligeed ku dadaali jirtay  waana tan ay har iyo habeen u soo jeedo in ay maalin xeebtaan ballaaran ee Soomaalidu dayacday iyadu gacanta ku dhigto.

1991-kii, waxa ay  Itoobiya u eheed ciid  waayo waxaa meesha ka baxay dowladdii Soomaaliya wuxuuna maamulkii gacanta u galay hoggaamiya kooxeed iyo fallaagooyin kala duwan oo iyadu qaar soo gar daadisay sidaas ayeyna nin waliba oo yiraahda meel ayaan xukuma ula tacaamuleysay ilaa ay markii danbe ku guuleysatay in mid ka mid ah raggi ay taba bartay noqodo m/weyne Soomaaliyeed.
Baaqi ugu horreeyay ee uu jeediyo waxa uu ahaa inuu u baahan yahay ciidan uu magaala madaxda ku tago. Dabcan hadalkaas itoobiya waa ku macaansanesay sidii aan wada aragnay maalin cad ayey itoobiya ciidan fara badan ugu deeqday kuwaas oo ka geystay Soomaaliya xasuuq  .
Gabdha heyni aya maalin cad la kufsaday, wiilasheyni ayaa la dilay sidoo kalana waalidkeen ayaa la bara kiciyay-illeen anaga ayaa is maamuli weynay e -.
Intaas oo idil, Itoobiyaanku waxa ay ku socdeen qorshe iyo siyaasad degsan oo salka ku heysa labadii qodob ee aan soo sheegnay laakin hoggaamiye kooxeed dan gaar ah leh kana qeyb qaatay dumintii dowladdi Soomaaliyeed muxuu kala jeclyahay waa mar uun I dhaha “Madax weyne”.

Dadku marka ay waayan hoggaamiyaal damiir leh ee aan kala aqaanin  saaxibka iyo cadawga shacakiisa waxa ay ku dhacaan godkaan aan ku dhacnay oo kale.
Siyaasiyiin ku sheega Soomaalidu maalin ba wax aan dadkoodu fahmeyn sidoo kalena  aan dan u  u eheyn ayey wax ku qeybsadaan .Waxaa la keenay hadana wax la leeyahay maamul goboleed iyo federaal taas oo keentay in qabiil waliba meel ooto kadibna calan  ka surto.
“Ficil kaloo faduul ahbeey
Maanta noo furayaan e
Farsamaan fahmeyniniyo
Waxbaa la isku filqaaye.
Feyl aan dhamaanbaa
Maalinba naloo furayaa
Foogtana mid kala loo fadhiya
Ilaa hadda inta maamul goboleed ee  dhisan waxxa ka taliya kuwa tahliisha kasoo caba Itoobiya sida ay ugu hoggaansamaan amarka itoobiyana uguma hoggaansamaan danta Soomaaliyeed.
Maalin waliba maamul goboleed ayaa la dhisaa qeyladiisanua ma dhammaato waa laga eexday qabiil hebel iyo qabiil hebel ayaa wixii  wada qaatay ayaa la jooga.
Wali waxaan u adeegeyna danta Itoobiya kuwa noo taliyana ma dareensana haddi ay dareensan yihiina  ma kala jecla .
Dhibaatada weyn ee sii jirta waa in maamul goboleed kasta isku heysto dowlad  awood u leh in ay sameyso wixii ay doonto illeen ma jiro sharci dadka kala haga,  baarlamaanki la rabay inuu dejiyo sharciyo kala haga dadkaan iyo maamuladaana maalin waliba waxa uu ku mashquulsan yahay mooshin dana gaara laga leeyahy.
Haddii wax yar oo khilaaf ah soo kala dhex galo dowladda dhexe iyo maamul goboleedka waxad maqlee wax yar kadib “ waan u jarnay xariirkii dowladda dhexe” waaba diyaarsana malaha !!!

Waxaan oo idil, waa wax maslaxad u ah itoobiya waayo ragga ka taliya maamul goboleedyada  waa raggeedi waxna kama diidi karaan sidoo kale Itoobiya waxa ay adeegsan kartaa mustaqblka dhaw xeebaha maamul goboladdaan waayo maamul goboleed wlaiba xeeb ayuu leeyahay waana siyaasad mar hore ay dejisatay- sidaan qabo-  in ay isticmasho xeebta Soomaaliya iyada oo sharci xaddida uusan jirin.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya waxa ay iska dhex joogaan dhulka Soomaaliya maalin waliba waxa ay ka geeystaan gabood falyo isagu jira dil, dhac iyo kufsi kaba si darane maanta waxaana mareyna in wiilal Soomaaliyeed oo  ku heesaya  magaca itoobiya  ay dilaan Soomaali, markaas ayaa nin sheeganaya madaxnimo  leeyahay waxaan ahay itoobiyaan waana ku faanaya- wallaahi Soomaali ayaad          tahay -laakin tahliisha gumeysataha ayaa ku saaqday oo ku gaarsiisay heerkaas damiir la’aanta ah.
Hiigsiga itoobiya waa in ay ka baxda gaajada ka heysata dhanka xeebta sidoo kalina  Soomaaliya aysan ka dhalan dowlad awood leh taas oo u adeegta shacabkeeda cadawgana ka ilaalisa sidaas darteed ayaa maalin waliba meeshi la rabay inaan tillaabo hore u qaadno gadaal u qaadeyna itoobiyana waa faxadeeda.
Ilaa laga helo madax u damqata dalkooda iyo dadkooda lagama yaabo in Soomaali hagaagto itoobiya ayaana sidii ay doonto ka sameysaneysa dalkeena.

Abwaan Cabdullahi Cirro, waxa uu yiri:
“Haddii dhaxal awoowe dhumay
Waxaan dhowrnaanba ceeb

Soomaalay goormaad is dhugan??

Sunday, May 10, 2015

Tallaabada u Dheeree ! : War maxaa is dabamaray?

Tallaabada u Dheeree ! : War maxaa is dabamaray?: War maxaa is dabamaray Quruxdii maxaa daday Dusha qudhnka kaga raray  Iyadoon la diidayn Oo doorshay midabkii Daawadhada mud...

Monday, April 20, 2015

عبد الرحمن سالم أبااحمد : الأنثي في الإسلام ؛ من الهوان إلى التكريم

عبد الرحمن سالم أبااحمد : الأنثي في الإسلام ؛ من الهوان إلى التكريم: بقلم / عبد الرحمن سالم   كانت الأنثى في المجتمع الجاهلي ذليلة مستكينة لا قيمة ولا كرامة لها في المجتمع ، ولا تتمتع بأي حق من ...

Tuesday, April 7, 2015

Saturday, April 4, 2015

Yusuf Garaad: Amniga Waddooyinka Muqdisho

Yusuf Garaad: Amniga Waddooyinka Muqdisho: Ciidanka lagu ilaaliyo Madaxda labada Gole, Taliyayaasha ciidanka iyo madaxda kale ee iyaguna muhiimka ah iyo ciidanka lagu i...

Thursday, March 12, 2015

Kabihii Ghandi.

Kabihii Ghandi.

Waxaa la yiri:
Ghandi ayaa cararaayay siduu uga gaarsiiyo tariinka oo billaabay dhaqaaq- muhiim ayeyna u eheed inuu raaco tariinkaas-laakin nasiib xumo markuu lugta sii saarayay ayaa kab ka dhacday isla markiiba isaga oo waqti iska lumin wuxuu siibay kabtii  kale oo ku tuuray middi kale meshii ay ku dhacday.

Saaxibadiis ayaa la yaabay oo weydiiyay, waxa ku kallifay inuu sameeyso sidaas oo yiri Maxaad u tuurtay kabta?
Markaas ayuu ugu jawaabay si xikamadeysan oo yiri” waxaan jecleystay faqiirka helaya kabtaas inuu helo labada kab si uu u gashado una anfacaan,  maxaa yeelay hadduu helo hal kab wax weyn uma tareyso”.
Waxa uu ahaa xikmaawi, go’aan deg deg ah qaatay laakin wax weyn taray.


Waxaana laga faa’iideysan karaa sheekada nuucaan oo kale ah inaan waqti la isaga lumin wax tegay oo waqtigoodu dhammaaday waayo wixii tegay soo celin meysid .
Dhanka kali waxaa laga baran karaa siduu yiri Axmed Shaqeyri oo sheekadaan faalleynayay inaad u bedesho dhibaatada dheef. Sidaan aragnay in Ghandi waayo kabihiisa waxa ay isaga u eheed dhib laakin markuu go’aansaday  inuu miskiin ku caawiyo maadama uu wax kali awoodin miskiinki helaa waxa ay u tahay dheef.
Qof leh ujeeedo iyo mabaadi’ ayaa go’aanka sidaan oo  kale qaato waayo  qofkaas qorshe muuqda oo degsan ayaa horyaala sidaad darteed ayuu yaqaana meesha uu u socdo iyo qaabka uu rabo.
Ghandi haduu ka degi lahaa tariinka si uu kabtiisa usoo qaato waxaa dib u dhici lahaa mustaqbal dheer uu heegsanaayay sidaas darteed kabahaas dartood uma luminaayo mustaqbalkaas waayo waa la hubaa inuu helaayo kabahaas iyo kuwa kale laakin waqtigaan socda kuma sugaayo sidaad aragteena tariinkiiba waa dhaqaajiyay.


Manta immisa iyagoo tariinka saaran ka degta marka ay is dhahaan laabta oo raaca taga boosteejadii oo maran?
Immisa iyagoo jiifa tariinki ka tegay?
Tariinku waa socdaa qofkii ka haraana dhibban!.


·         Waxaan ka akhriyay sheekaadaan buugga Khawaadir shaab ee Axmed Shaqeyri.

Sunday, February 8, 2015

Qalin iyo Qaahira.


Markaan akhriyo buugaagta Imaamka weyn ee Shiikh Dr Yuusuf Al-qaradaawi, waxaan is weydiiya Toloow Soomaali malaga heli doona Shiikh sidaan oo kale ugu qora afkooda buugag ka hadlaya Diinta Islaamka.  Sidoo kale, markaan arko kuwa kali ee Dr Ibraahim Al-fiqi-ilaah ha u naxariiste- tababaraha caalamiga ee cilmiga Hormarinta Aadanaha (Human Development) kor ayaan fiiriya oo is weydiiya, yaa idinka haqab tiri doona dhinacaanna oo ma heli doonta soomaalidu cilmigaan oo ku qoraan luqadooda?.

Marka tira koob lagu samaeeyo su'aalaha aan dadka weydiiyo waxaan is leeyahay kaalinta koobaad waxaa gelaya su'aasha ah "Sidee tahay?" tan labaadna " Maku tala jirtaa inaad ka qeyb qadato ololaha wax ku qor afkaaga hooyo?"

Markaan daawado aqoonayahnada kala duwan iyo cilmiga ay hayaan hadana aan waayo buug ay uga tageen dadkooda waan ka xumaada waayo sidaan lawada socono waa yaryihiin buugaagta ku qoran afkeena marka loo eego baahida aan u qabno.
Waxaan rabnaa in dhinac waliba wax laga qoro sida Diinta, Sooyaalka, Riwaayadaha ama sheekooyinka, Xisaabta  iyo science-ka , warbaahinta iyo cilmiyada kala duwan ee maanta dadkeena u baahanyihiin.
Si kasta oo ay ahaataba waaydi ugu danbeeyay waxaa isa soo tarayay dhallin yarda kala duwan ee wax ku qoraya afkeenaa taas oo rajo weyn igu abuurtay iyo in Iftiin ballaan soo socdo.

Magaalada Qaahira waxa ka jira koox la magac bxaday Qalin​ sida uu magacoodu u qurxan yahay ayey howshooduna u qurxantaay intaan ka arkay.
Barnaamijya dhowr ah ayey hore usoo bandhigeen walibana aad u muhiim ahaa, marka loo eego da'da ay jiraan wax ka badan ayey qabteen.

Xaflad aad loosoo agaasimay ayey ku qabteen magaalda Qaahira ee caasiamda Masar taas oo lagu soo bandhigay laba buug oo ay kala qoreen  C/fitaax Daahir Cilmi ​ ( Kobci Hal-abuurkaaga) iyo Ibraahim Ow Xasan (Irridaha Farxadda).
Waxaa sii raacay buug wadareed kedis nalooga dhigay oo ay ka qeyb qaaten dad fara badan oo dunida dacalladooda kala jooga – waxa ay noo eheed habeen buug- laakin labada kore ayaa lahaa ballanta ilagu yimid xafladda.

Labadaan qaraa  ayaa ah dhallin yaro wax ku baratay dalka Masar laakin dadaal dheer ah sameeyay sida ay usoo saaraan buugaataan sidoo kale bahda Qalin ayaa u istaagtay in ay garab istaagaan dhiirri geliyaana  qof waliba oo maskaxdiisa guux ku jiro si bulshada loogu soo bandhigo.
Arrintaan ay aka tarjumeysa in is bedel wanaasgan soo socdo sidoo kalina  waxaa muuqda In dhallin yaradu ay dhaxda u xirteen horumarka bulshadooda.
Waxaan aaminsanahay in ay yaraaneyso buug la’aanta jirta haddii la helo dad sidaan oo kale isku xilqaama kadibna wax ka qora waxa ay barteen.

Dadaal dheeri ah ayaa nagala rabaa oo xaalku waxa uu taaganyahay “Faanoole fara kama qodna”
Sida Qaahira lagu yaqaanaba Qalinku ma istaago qadduna kama dhammaato, waxaan rajeyna in wax badan ku xigi doonaan labadaan buug.
Waxaan leeyahay waa mahadsantihiin bahda Qalin iyo raggaan qoray bugaagta.

Howl wacan iyo Horumar joogta ah.


Sunday, February 1, 2015

Falastiin




Maxaa kaligaa lagu eegtay
Maxaa cadaw kuu heshiiyay
Maxaa walaalkaa ku inkiray
Maxeey duni ku dayacday
Maxaa inan yar kuu shahiiday
Maxeey hooyo kuu barooratay
Maxaan niyada kugu haayay
Maxaan qalbi kaaga ooyay
Dartaa habeen u gam'i waayay
Nimaan aqoonin qadarkaa
Muxuu neceeb kuu qaaday
Maxeey albaabada kaa xirteen
Adoo gargaar sugaayay.

Inteey ku nacaayeen
Nuurka ku diidayeen
Maxeey nimco waayeen
Maxeey nafci beeleen
Maxeey nolol xumaadeen
Markeey niyad jabeen
Dadaalki maxaad jibbaartay
Dullinimo maxaad diiday
Ilaah weyne adoo ku tashtay
Dartiis maxaad u jihaaday

Tuesday, January 27, 2015

Maamul Goboleed mise Hoggaamiye Qabiileed???

Sidaan lawada socono, waxaan qaadanay qaab maamuleedka loo yaqaan “Federaal” waayihii danbana waxaa lagu mashquulsana in la dhiso ama la hir geliyo nidaamkaas.
Hadaba markii uu soo baxay nidaamkaan waxaa billaawday walaac badan oo  ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo waliba ay jiraan dad si gaar ah uga digay nidaamka Federaalka kuna micneyay fikrad cusub oo shisheeyuhu uga dan leeyahay gacan ku dhigista dalka mar kali kana dhigan     “Qeybi oo xukun”.
Sidoo kali waxaa jira qeyba kali oo iyaguna taageersan nidaamkaan haba ugu horeeyaane siyaasiyiintu kuna micneyay qaabka ugu wanaagsan oo manta lagu xalli karo dhibka jira.
Aniga fikrad ahaan inaan qaadano federal waan kasoo horjeeda, hadana saas ay tahay waxaan aaminsanahay inuu  soca kara nidaamkaan haddii loo helo  nidaam iyo qaanuun u degsan kana duwan qaabka uu hadda ku socdo  oo ah qaab aan loo meel dayin, waxaana daliil u ah in aysan jirin wax haga maalin kasta buuqa ka jira maamulka cusub ee la dhiso ama mid hore u jiray oo dowlada dhexe isku dhacaan kadibna kala qaata warqadaaha.
Bal iisheg Maamul Goboleed aasaasidise la isku qaban? Xitaa haddii la isku qabto laakin qaab Soomaalinimo ay ku jirto loo xalliyo waa fiicnaa leheed laakin waxaa xalliya ama la aada dal shisheeye si loo soo dhameeyo khilaafaadka.
Haddii aan usoo laabto ciwaanka maqaalka,  waxaa iga keenay markii aan arkay qaabka wax u socdaan ee aan waxba ka duwaneen waqtigii hoggaamiya kooxeedkii ( dagaal oogayaashii) dalka ka tali jireen, maxaa yelay ma jirin nidaama ama qawaanin kala hagta, awood kala qeybsan iyo kala danbeyn  nin walibana waxa uu sameyn jiray wixii kusoo dhaca maalintaas, hadana waa sidi oo kali waayo kama muuqato nidaam dowladeed kuwa hadda hoggaanka haya , waxaana jira wax yaaba badan oo ay isga egyihiin sida:
1/ Nidaam iyo Qaanuun: ugu horeyn ma jiro qaab ama nidaam cad oo loo dejiyay la islana ogyayahnay oo loo dhiso Maamul goboleedyada marka laga reebo in ay is raaci karaan laba gobol iyo ka badan.
La isma weydiin su’aalaha soo socda, haddii la is weydiiyayna looma keenin xal.
Yaa xaq u leh inuu hogaamiyo Maamul Goboleed? Waa su’aal taagan, imisa ayey ka koobnaan doonaan xubnaha maamulkaas ama mid waliba waxaa loo eegaya dhulka uu ka taliyo?
Maamuladaas, waxa ay leeyihiin wasiiro, waa maxay farqiga u dhaxeya wasiirkaas iyo kan dowlada dhexe? Maxaa Keenay in magac wadaag laga dhigo madaxda gobolada iyo kuwa dowlada dhexe?
Maxey la egtahay awooda Maamul Goboledkaas? Waa tan ugu muhiimsan waayo illa hadda oo aysan si fiican u caga dhigan maamuladaan ayaan aragana isku milqanka ka dhaxeya dowlada dhexe in ka badan mar iyo laba.
Xildhibaanda dowlad dhexe ku jira,  maxaa kala dhexeeya maamuladaan ? Awoodse ma u leeyahay hoggaamiye Maamul Goboleed inuu shaqo joojin ku sameeyo xildhibaanadaas ha ahaato  amar ama codsi?
Haddii ay  xildhibanada dowlada dhexe hoos tagaan nin ka taliya Maamul Goboleed waxa ay igula muuqata in aysan kala cadyn awoodaha lakala leyahay ama awood xad dhaaf ah la siiyay Maamuladaan.
2/  Danta gaar: waxaa cajiib ah in nin waliba oo meel ka taliya uu ilaashadho dantiisa gaarka ah hadduu waayana lagu kala kacaayo.
Sida loo jogo waxaad maqlee waa la is khilaafay ama xariirki lawada lahaa aya la joojiyay maxaey tahay waxaas laba dal miyaan kala nahay mise federaalka ayaa sidaa ah?
Haddi Federal saas yahay ma ahan mid na anfacaaya .
Arrintaan waxa ay isoo xasuusine waqtigii hoggaamiyaasha qabiilada ee aan arki jirnay laba hoggaamye oo maanta wada jooga sheegayna in ay saaxibo yihiin hadana birri is dagaalaya kadib markii lakala waaya danihii lakala lahaa.
Arrimahaan oo kali waxa ay soo laablaabteen dhowr jeer, waxaana keni kara in aysan jirin laba arrimood oo kala ah in ay san jirin awood kala qeybsan iyo dan gaar oo la  ilaashado.
3/ isku dhacyada qabiilada, waa arrin maalmahaan danbe si weyn usoo laabatay inuu dagaal dhex maro laba reer oo wada deggan ama khilaaf xoogan soo kala dhex galo kuwa deris ah xitaa waxa jira maamulada qaar xurgufo ka dhexeeya  waxaana sababay nidaamkaan cusub.
Waxaa isweydiin mudan dad ayaguba saas ah maxey dad bahan u qaban karaan?
Sidoo kali, arrimaha nuucan ah waxa ay isoo xasuusinayaan dagaaladi dhowrka sanadood dadka iyo dalka lagu baabi’yay  oo ay calanka u sideen hoggaamiyaal shaar qabiil huwan.
Waxaa wax laga xishooda ah in dad sheeganayaa ama dhab ahaan ka tirsan dowlad ay ku lug yeeshaan ama sabab u noqdaan dagaalo ama khilaaf dhib keena.
4/ Cadow u dacwoosho, waxaayabaha ay ka simanyihiin maamuladaan la rabo in ay Soomaaliya si federal ah uga taliyaan iyo kaabo qabiiladi hore waxa waaye qaabka ay u dhaqmaan marka uu dhaco khilaaf dhaxdooda ah.
Kuwii hore waxa ay aadi jiren marka ay rabaan in ay is dagaalan ama dagaalooda kadib Ethiopia                 ( Itoobiya ) kadibna waxa ay dhihi jirtay joojiya dagaalka ama hub ayey soo siin jirtay si ay dagaalka usii wadaan, kuwaana waa sidii oo kali maanta marka uu dhaco khilaaf laba maamul u dhaxeeya ama xita dowlada dhexe waxa loo kala carara Itoobiya xita hadda waxaa sii dheer kuwaan waa dallaceen oo waxa ay isku dacweyaan USA ama Midowga Europe .
Maxaad kusoo kordhiseen dalka walaalayaalow?
Miisaaniyada ku baxda inta ay is heystaan ayaa noogu filan khasaaro.
Fadlan, bulshadaan abaartu leysay u naxa oo qaabkaan dowladnimo laguma gaare wax ka bedelan keena  ama dadka iyo dalka noo daaya, dad wanaagsan ayaa idinka badan oo yaqaan sida loo hoggaamiyo ummad.
Nidaam xumidu kuma koobna dhismaha Maamul  Goboleedyada e waxa ay ka jirta dowlada dhexe gudaheeda.
Lama tiri karo inta jeer ay isku dhaceen madaxda sare illa hadana xal looma hlin waxaan is iri “ Lama rabo in wax la xalliyo” waxaan soo xasuustay maahmaahdii eheed “ Adeg diid biyaha ayuu kaa dhameeya”
Kuwaan hadda howl wanagasan nooma qabtaan waqtina waa naga lumiyen xisaab ma leh maaliyadu.
Tusaale waxaa kaaga filan hadda waxaa la isku haya nin ayaa xil laga qaaday iyo side looga qaadi kara, waxaan is weydiiya miyeysan eheyn dad hoggaamiya hal dowlad side u dhici kartaa in aysan iska war heyn ama la isku qabsado qof wax magacaabaya iyo kan casilaayaba?
Dabcan waa sidaan hore usoo sheegay oo ma jiro howl kala qeybsan iyo awoodo kala xadidan.
Qof waliba warqaddu doono ayuu saxiixa.
Shakiga aan ka qabo federaalka waxa uu sii siyaada marka aan xasuusto baahida ay Itoobiya u qabto Bad iyo in la dhisay in ka badan 4 Maamul Goboled oo Itoobiya deris la ah  xeebna leh .
Waxa ay igula muuqata in hadda la bilaabayo qabyaaalad cusub iyo in Qabiil waliba calan la siiyaanaayo sidaasna ay ku lunto dowlad xoogan oo Soomaali yeelato.
Ugu danbeyn waan ogahay in ay jirto fikrad madaxda sare faafiso oo ah in Itoobiya aan saaxibo iyo deris nahay sidaa darteedna aan iska illaawno taariikhdii hore laakin waxaan leehay waa sax waan nahay deris laakin inaan illaawno wixii hore waa Maan-Goror aad ku waddaan ummaadaan ee ka joogsada ma  tirtiranto taariikhduye.

Maan Goror.


Qoraalkii igu soo gaar
Qaahira qaararkeede.

Qalbigisu qeexay niinkii Qoray qadaadufkaase.

Qowm horaa ku khasaaray Kana Qalama weeynaaye

Asna Qaadir hadduu yiraa Ku quus qaada doonye

Qowl qallafsanuu ahaa Qorsho laga lahaaye 

Culimaduu u quuri waaye Qiimahoodi qeexnaaye.

Qalad buu ka maagana Qadarina muu quurine

Isma qabtaha qeylinaaya Qalin yuu idinku qaldina". 

Waxaa dhici karta qofku inuu rabo inuu noqdo caan markaas”Yoolkiisu” waxa uu ka dhigtay sida uu ku noqon lahaa caan .
Si uu u gaaro heerkaas waxa uu sameynayaa qorshe. Qorshahaas dadka wanaagsan waa mid u leh nidaam iyo mabaadi’ kuwaas oo aan waxba u dhimeyn qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay qofkaas iyo waxa ku hareerreysan. Tusaala ahaan ma dejisanaayo qorshe ka hor imaanaya Diintiisa iyo wanaaga dadkiisa.
Laakin qofka aan kala jecleyn wanaag iyo la’aantiis waxaa dhacda inuu wax badan isku lifaaqo si uu u gaaro yoolkiisa kamana fikiro dadka kali ama waxa ku hareererysan, ma ilaaliyo anshax iyo sharaf toona mana kala yaqaan dariiqa furan ee la maro iyo kan xiran (howtul hamag).
Waayadi Dowladi dhexe kadib, dalku waxa uu galay fowdo taas oo keentay in dadka qaar  sameeyaan wixii kusoo dhaca maadama uusan jirin nidaam loo wada hoggaaansamo, waxaa dhacay dagaalo badan oo marba waji cusub lahaa.
Wax yaabaha cajiibka lahaa waxaa ka mid ah in qofkii raba inuu caan noqdo ama magac yeesho uu sameeyn  jiray wax laga naxo sida inuu is-baaro dhigto” Jid Gooyo”. Qofka is-baarda leh waxa uu ka ahaa caan goobtaas, waxa uu isku dayi jiray  inuu sameeyo wax yaabo uu uga duwanyahay is-baarooyinka kale.
Qaarba dadka miisami jiray si looga qaado lacag u dhiganta culeyskooda,  qaar kalina waxaa la oran jiray qofka maanta nasiib ayaad leedaahay kaliya hees qaad waa lagu deynaaya.
Intaas kadib waxa dhacday in la billaabo shirarkii nabadeynta iyo  heshiisiinta, Nin ka mid aha hogaamiyaashi  waagaas jiray  ayaa maalin loo diiday shir inuu ka qeyb galo waayo mid kali oo metala beesha ayaa galay,  waxaana lagu yiri “shirka waa loo dhanyahay ee iska laabo”
Afka ayuu furtay isaga oo ku dhawaaqaya mid ka mid ahaa raggi fadhiyay  shirka kadibna yiri “ Hebel ayaa galay anna waa la i celinaya ciddeyduba yeeli meyso”.
Halkaas ayuu gaaray Maan Gororka raggii mudda dheer dalka qasay ee dhibkoodi  illa hadda aan ka kaba la’nahay.
Ninki raba inuu noqodo hoggaamiya caan ah, waxaa lagu yiqiin inuu dagaalo badan galo billaawga si uu u helo aqoonsi iyo magac lawada garto.
Yool ayey lahaayen oo ahaa side magac u yeelata meelna uga talisa laakin qorshaha ay ku sameynayeen ma eheyn midkii habboona, waxaana loo baahnaa in ay si xilkasnimo ku jirto u heshiiyaan Nidaam iyo kala danbeyn abuuraan, markaasna  qof waliba magac iyo waji fiican bulshada ku yeesho sida ka dhacday gobolada qaar.
Ugu danbyen natiijadi waaxa ay noqotay in ay dhaxlaan magac xun, iyaga oo maanta kuwii nool ay ku jiraan ganbad waayo cid u heysa malahan waji wanaaag oo ixtiraamba, waxaanla laga yaaba in lagu qabsado arrin uu hore u sameeyay .
Sido kali, mid ka mid ahaa hoggaamiyaashi ayaa galay baarlamaanka, waxana la weydiiyay bal sida uu u arko howsha baarlamaanka .
Waxa uu ku jawaabay " Hebel (Magaciisa ayuu sheegay) oo maanta hal cod leh kawarama oo haddii la rabo la diidaayo".

Kasoo gudub e kaas waxa uu ahaa rag rabay in ay magac ku helaan Qoray  caaraadi iyo qaab qaldan waana khasaaren dhammaantood. Maanta waxaa soo if-baxay rag iyaguna doonaya in ay caan ku noqdaan Qalin caaraddii,raggu waa kuwa wax yaqaan laakin qaab qaldan wax iyaguna isku milqay ama aan ka hadleyn wixii ay barteen ee faraha la gelaaya wax aan eheyn majaalkooda.
Waxaan dhawaan baratay maahmaah Indonesia laga yaqaan oo ah “NINKII RABA INUU CAAN NOQDO KACBADUU KU KAADSHAA”.

Waxa ay billaabeen fikrado jah wareerin ah oo dhallintii Soomaaliyeed lagu marin habaabinaayo.
Fikradda la wado looma eegin dhaqanka suuban ee  Soomaalida iyo Diintooda sharaftada badan ee Islaamka ee waxa wax marjic looga dhigay wax aysan soomaalidu garaneyn .
Kuwaan wax qoraaya waxa ay caan ku nqodeen waaydi danbe in ay sameeyaan qoraalo lagu caynaayo culimada sharaftoodana wax loogu dhimaayo, waxa ay ku xad gubeen qiimahi ay lahaayen culimadu ayaga oo ka tillaabsady dhaqankii suubana ee Soomalaida lagu yiqiinay ee ahaa sharfida iyo ixtiraamka culimada.
Waxaa yimid kuwa aan aqoon dheer u leheyn Diinta oo dhahaaaya culimadaan sida ay rabaan ayey u fasireen Diinta waxa ay wadaana wax kama jiraan.
Lama dhahaayo culimadu ma qaldami karaan laakin qalad kasta waxa uu leeyahy qaab loo saxo.
Haddii wadaad wax si u sheego aan sax eheyn waxaa jooga culima badan oo saxaaya sidaasna ayaana isaga iyo dhammaan ummadu wax u ogaanayaan qaabkaas ayaana waligeed la ahaa.
Hadda waxaa soo badanaaya  rag aan eheyn wadaad kadibna leh waxaan sharraxeyna  Diinta waayo anaga si sax ah u fahanay. Wadaadna iska dhaafa warkiisa waayo lama heysto casrigaan la joogo ee   waqti kali ayuu noolyahay.
Dadka nuucan ah waxa ay adeegsadeen warbaahin badan si ay farriintooda u gaarsiiyaan dadka qoraala badana waa sameeyen ha ahaadaan qormooyin ama buugaag.
Intaas iyo naceyb wadaad kuma ekaane waxa ay maanta gaareen in ay Diintaba fara gashtaan oo dhahaan saan ayaa sax ah saan sax ma aha ayaaga oo Maan gororsan wax ku miisaamaya.
Qof waliba oo dhahaaya ama ka hadlaaya arrimaha Diinta waxa looga baahanyahay shuruudo la’aantoodna ugama hadli karo Diinta mana fatwoo karo.  Tusaale qof aanan garaneyn sida wax loo daweeyo sidee buu u dhihi karaa qofkaan ha qaato dawadaan hana u qaato sidaan iyo sidaas.
Dadkaan ha bartaan Diinta kadibna haka hadlaan looma diidana laakin ha daayan bawsiga ay ku hayaan Diinta .
Fikradaha    ay kasoo min guuriyeen reer-galbeedka ma ahan mid cusub laakin waxaa cusub in ay soo qaadan Soomaali kadibna lagu qoro afkeena sidoo kali waxaa jiray ajaanib  ayaga ka horeeyay oo isku dayay in ay fikradaan abuuraan laakin ku guu darreystay walibana ka aqoon badna kana maal badnaa oo adeegsanaayay qaab waliba.
Ilaah ayaa mahad leh kaas oo naga dhifay dad Muslimiin ah.
Soomaalidu waxa ay leedahay Culimo kuwaas oo had iyo jeer diyaar u ah tusinta iyo tusaaleynta dadkooda.
Hadaba, anigu waxaan u fahmay kuwaan sidii kuwii qoriga ku caan baxay laakin aakhir xumaaday, waayo iyaguna waxa ay doonayaan magac dheer iyo in ay gaaran meel lakain dariiqa ka qalloocday bilaawgiiba.
Hadii aad  wax qoreyso waxaa jira ansahx iyo qaab wanaagsan ooo wax loo qoro, waliba Soomaalidu waa dad Muslimiin ah mana aqbalayaan  fikradaha wareersan ee lala cararaayo maalmahaan danbe ee kuwa wax qorayoow ha is daalina oo dadkiina dhinac ka raaca.
Qaarba leh waxaa naloo diidaya inaan wax qorno, inaan fikirno ama aan hal abuurkeena soo bandhigno.
Adeer dhammaan cid kuu diideysa malahan waayo Soomaalidu waxaa ku jira abwaano, qoraayal caan ah intuna jawigaan ayey ku noolaayeen waligood, haddii aad wax toosan la imaado sharaf iyo maamus ayaad mudantahay laakin wax qalloocan iyo Maan Goror-kaan cidi qaadanmeyso, waxaana ku leenahay naga jooji walaal dhib la’aan.
Saaxibkeey Awdali, waxa uu yri isaga oo ka hadlaaya ansahaxa qoraalka.

"Intii xun ku qeexa maaha
Qabiilka ku faafi maaha
Dharaar ku qaxweena maaha
Qab iyo is qallooci maaha
Afkiyo dhaqamada qalaadna
U qiiro jabbaani maaha".