Tuesday, November 29, 2016

Shukaansiga sharafta leh

Shukaansi 

Shukaansiga sharafta leh waa inaad haasaawo wadaagtaan qofkii aad nolosha wadaagi leheedeen ka dibna aad go'aanka mustaqbalkiina wada qaadataan.

Shukaansiga sharafta leh ma ahan inaad kun wiil is ku kor ballamiso amaad boqol gabar mid ba mar dhahdo " waan ku jeclahay". 
Waa inaad eegataa qofkaad la wadaagi leheed nolosha go'aana wada gaartaan.

Markaad dhowr qof xariir la wada samayso, waxaa ka dhalan kara dhowr dhibaato oo ay ugu muhiimsan tahay wakhtiga dhumis,  waayo intaas oo qof ayaa kaa raba inaad wakhti siiso sidoo kale waxaa dhici kata inaad been barato waayo qof waliba waxaa laga yaaba inaad ku dhahdo adiga waaye qofka kaliya ee aan rabo inaan nolol la wadaago. 
Qofka sidaan samaynaaya waxaa haysta dooq xumo, go'aan la'aan iyo dhallin yaranimo.
Dhallin yarada qaar ayaa u maleeya marka ay dhowr qof haasawo la wadaagaan inay caqli badan yihiin amay dadka kale wax dheer yihiin. 

Waxaa habboon;

1- inaad doorato qofka aad rabto kadibna aad is fahantaan si aad go'aan uga wada gaartaan noloshiina. 
2- Ma ahan in been lagu billaabo nolosha, wixii asaasku ka xumaado ma sii waaro. 
3- Yaysan dhicin inaad xadka shareecadu idiin ogolaatay dhaaftaan. 
4- Waxaa qurux badan inaadan wakhti badan ku lumin haassaawe ee aad aqal gashaan si aad u sii dhamays tirtaan inta ka dhiman nolosha. 
5- Haddii aadan xilligaa diyaar is ku ahayn ama aad ku kala jirtaan wax barasho ama wax kale, waxaa habboon in wiilku u tago reerka gabadha ka dibna la is kula ballamo in gabadhaanu wiilkaan u doonan tahay wakhti hebelna dhici doono guurka. 
6- Waalidiintu dhankooda ma ahan inay hor istaagan is doorashada dhallin yarada haddii aysan jirin wax diin ahaan diidaaya arrinkooda. 

Ugu dnabyantii, waxaa hubaal ah in haasaawaha wanaagsan uu sal dhig u yahay is fahan ballaaran iyo guur guul xanbaarsan. 

Sunday, November 13, 2016

Barbaarinta Carruurta

Sidee ula dhaqannaa carruurta ?

Barbaarinta carruurtu ma ahan wax sahaln, haddii waalidku ku fashilmo barbaarintoodana waxaa ka dhalan kara in mustaqbalkoodu mugdi galo.
Waxaan halkaan ku soo gudbin doonaa, dhowr talo oo laga rabo inuu waalidku kula dhaqmo carruurtiisa:

1/ is ka ilaali inaad ilmaha ka garaacdo wajiga, waayo waxay sababi kartaa dhaawac waligiis saameyn ku yeesha jir iyo nafsi ahaan. Gabi ahaan, waxaa wanaasgan inaad barato ciqaab aan garaacid ahayn.
2/ Saa'id ha ugu qaylin cunugga xitaa markuu  khalad galo, si deggan u fahansii sida wanaagsan waayo ilmuhu wuxuu ku jira marxalad uusan kala garan karin wixii u wanaagsan iyo waxa kale .
3/ Haddii aad balwad leedahay, ha ku hor isticmaalin sidoo kale carruurta hortooda ha ku caayin qof kale ama iyaga waayo iyagu waxay ku daydaan  waalidkood kuna dhaqmaan waxay ka  arkaan samaan iyo xumaan.
4/ Labada waalid ha iska ilaaliyaan in ay carruuta hortooda is kula  qayliyaan ama wax xun is ku dhaafsadaan wayao taasi waxay gelin kartaa ilmaha murugo iyo cuqdad saameysa mustaqbalkooda.
5/ Haddii aad caruurtaada wax u ballan qaado sida ay tahay u oofi, yaysan kaa  baran been iyo ballan xumo.
6/ Fursad u sii carruurta in ay tijaabiyaan waxay doonayaan adiga oo kor kala soconaaya kana ilaalinaya waxa dhib u keeni kara. Wax kasta ha u diidin wax kastana  ha u ogolaan.
7/ Bar sida loo soo dhaweeyo  iyo sida loo ixtiraamo dadka .
8/ Bar erayada waan ka xumahay, iga raali ahaaw, waan khaldamay iyo mahadsanid .
9/ Maraka qaar kala sheekeyso wax ka baxsan wax barashadooda. U sheeg sheekooyin kale iyagan ka dhagayso adiga oo baraaya is waydaarsashada hadalka iyo habka loo dhagaysto qofka kale.
10/ Masaajidku waa meesha ugu muhiimsan oo ay tahay inaad ku xirto inta ay yar yar yihiin .

Ilaahow carruurta u wanaaji kuwa haysta kuwa aan wali dhalinna sii kuwa khayr qaba .

Tuesday, November 8, 2016

US Elections :

(Somali student opinion)

Trump or Clinton: The leader of USA and the world.
The president of USA after hours will be elected.
Can many countries do the same?! What they get to loose.




Here in horn of Africa we’re watching news as the ballots paper of public USA states drop in the boxes.
Discussed several times in classes last few days about the USA elections, yet there’s no dominant idea neither they totally support one particular part.
Many of my fellow students in the universities sided with Mrs.  Hillary Clinton and few with Mr. Donald Trump. 

Contradiction is the nature of democracy and free society.
In Somalia where democracy seed shoot is about booed out after years of war and terrorist, students got chance to express freedom of speech inside universities campuses and dormitories.
Despite rarely discussing inside Somali local election which about to take place in November 2016, they hoped to see one man one vote instead MP personality electing the president.
Many people said Mr. Donald is ant of immigration and hard with some countries, Mrs. Hillary is too slow to progress.
We’re thinking and talking about democracy and freedom to vote.


Saturday, October 29, 2016

Inaan kula rafiiqaan rajeynayaa

Rasuuulkii raxmadda badnaayoow
Rasuuulkii runta badnaayoow
Rasuulkii risaalada xanbaarsanaayow
Rasuuulkii aan rumeeynoow
Rasuulkii raadka suubanaayoow 
Rasuuulkii Rabbi soo dirayoow
Inaan kula rafiiqaan rajeynayaa
Rasuulkaan rabay aragtidiisoow
Rasuuulkaan riya badan ku raadshow
Rasuuulkii loo wada riyaaqooow
Rasuulkii rayn badnaayoow
Inaan kula rafiiqaan rajeynayaa
Rasuuulkii fuqarada u roonaayoow
Rasuuulkii rajada badnaayoow
Rasuuulkii ruux wacnaayoow
Rasuulkii Ruqiya dhalayoow
inaan kula rafiiqaan rajeynayaa
Rasuulkii Jahannamo laga reeboow
Rasuulkii Jannaada ku raagayoow
Rasuuulki laga raali noqdayoow
Rasuulkii rususha u horreeyoow
Inaan kula rafiiqaan rajeynayaa.
Nabad gelyo iyo naxariis korkaaga ha ahaato Rasuulkaygoow.

Monday, September 26, 2016

Cosob.


Caawa waa ciide, yaa cillaan kuu saara
Yaa carwada ku geeyoo, hadba cayn kuu qaada
Yaa cirka kula tagoo, xiddigaha kugula caweeya
Yaa casuumaad kuu sameeyoo, cunto kula wadaaga
Yaad caruusad u noqotaayoo, ciil kaa ilaalsha
Yaa cumriga kuu hibeeyoo, kaligaa carshi kuu camira 
Yaa dhul cagaariyo meel,  cosob ah kula taga 
Yaa carruur kula ciyaarsiiyoo, cisi kugula noolaada
Yaa kula cibaadeystoo, caadil kula barya
Yaa calankeena oo kale, waligaa kor u sida
Calaf waa halkiisee, anigu waan ku caleema saartay


5/Aug/2016.

Thursday, September 22, 2016

Tallaabada u Dheeree ! : DULLI MID AAN AQBALI KARIN

Tallaabada u Dheeree ! : DULLI MID AAN AQBALI KARIN: Dulmiyada dhacaayoo Dabkoodii ummado gubi Dumar Iyo caruur Iyo Danbilaawe wada dili Marna kaama daahnee Ku dadaal in aad tahay Dulli m...

Tuesday, September 20, 2016

Dadku waxay doonayaan

Dadku waxay doonayaan
Mas'uul daacadoo 
Dar Ilaah ugu adeega
Dadku waxay doonayaan
Maamul lagu diirsadoo
Dalkooda badbaadiya
Dadku waxay doonayaan
Deganaasha waartiyo
Dib u dhisid wixii dumay
Dadku waxay doonayaan
Dugsiyo loo dareeriyo
Daryeel cafimaad
Dadku waxay doonayaan
Dariiqya baaxad wayniyo
Daara loo dalxiis tago
Dadku waxay doonayaan
Dulmigoo dhammaadoo
Dadku wada sinnaadaan
Dadaala waa gaaraaye
Darajo sare ha ka daalina
Ducada iyo dulqaadkana
Waligiin ha daayina .



20/9/2016.

Thursday, September 15, 2016

Is beddel ballaaran ayaan doonaynaa.


Marka laga hadlo is beddel, dadka intiisa badan waxay u qataan is beddel siyaasadeed oo kaliya sida in madax wayne la beddelo oo la la keeno mid cusub, waana ka daalnay taas sidaan filaayo natiija wanaagsana kama gaarin. Hada ba maxaa khaldan?
Maxaa yeelay, waxaan u baahanahay is beddel intaas ka ballaaran.
Waxaan u baahanahay in aqoon yahankeeno is beddelo kana waynaado inuu daba dhilif ama warqad haaye u noqdo danbiile qaran isaga oo ku qanacsan waxa yar ee jeebka loo gelinaayo .
Waxaan u baahanahay in wadaadadu is beddelaan kana tillaabsadan in ay sannad kasta is ku qabsadaan mowaliid waa la dhigi karaa iyo lama dhigi karo keenaan waxa xal u ah umaddaan islaamka ah maadama ay barteen diinta islaamka.
Waxaan u baahanhay in siyaasiyiintu is beddelaan oo ka waynadaan in ay ka qayliyaan TV-yada maalmaha doorashada soo dhawdahay oo kaliya una gudbaan in ay la hadlaan dadkooda xilli doorasho iyo xilli kale ba kana dhaadhiciyaan siyaasadooda iyo barnaamijka ay wataan. Siyaasi la arko maalmaha doorashada oo kaliya, waxa uu rabo waa dareemi kartaa.
Waxaan u baahanay in fannaaniinta iyo abwaanadu ka wayndaan in ay u heesaan qof mansab iyo maal leh ee ay u gubaan in ay u heesaan dan guud iyo waxa anfacaaya dadka iyo dalka .
Waxaan u baahanahay in dhallin yaradu aysan ka quusan kuf-kufka badan iyo caqabadaha hor taagan dowladnimadeena una istaagaan in ay kaalintooda ka soo baxaan waayo waxaad ka jiiftay cid kuu qabanaysa ma jirto.
Waxaan u baahanhay in ganacsatadu ka waynaadan in ay eegtaan oo kaliya danahooda gaarka ee ay maskaxda ku haayan danta guud iyo wax tarka dadkooda. Haddii Ilaah kuu sahlay inaad maal yeelato adna dadkaaga wax badan u fududeey.
Is beddelku waa mid ballaaran loona baahan yahay inuu ka dhaco qaybaha kala duwan ee bulshada laakin yaan la eegin oo kaliya qofka ku fadhiya kursiga madax waynanimo .
Ilaah wuxuu leeyahay " Ilaah ma beddelo qowm ilaa ay iyagu naftooda ka beddelaan"

Saturday, September 10, 2016

Fikir iyo Howl Hagaagsan.

Qofkii loo dhiibo xil, waxaa hor yaala howla badan, mas'uuliyad culusna waa saaran tahay . Dhibaatooyiinka ugu badan ee cadaadis ku ah madaxda waxaa ka mid ah in dadkii ka sugayaan natiijooyin badan oo farxad geliya deg degna ah iyagoon xisabta ku darsan caqabadaha iyo inta meel ee loo maraayo guul iyo wax wanaasgan oo la qabto.
Waxaa musiibo in mararka qaar ay madaxdu caqabad ku noqoto ama hor istaagto in meel wanaagsan la gaaro iyaga oo danahooda gaarka ah eeganaaya , waana tan keentay in dad badani ku kalsoonaan waayan madaxdooda .
waxaa kale oo iyaduna caajib ah in dad badani aysan dhag jalaq u siinnin marka wanaag la sameeyo laakin markuu khalad yimaado ama wax ay sugayeen dhici waayaan in ay afka wada furtaan.
Sida aad xumaanta uga soo hor jeeddo, u taageer wanaagga dhiiri gelina samaha iyo hormarka la gaaro.
Qasab ma ahan in dadka oo idil hal qaab u fikiraan laakin waa muhiim in indheer garadka iyo aqoon yahanku la yimaadan qaab fikir ka duwan caamada.
Maxaa soo kordhaaya haddii qofka caadiga ee fadhi ku dirirka uga hadlaya siyaasdda iyo siyaasiga Tv-ga laga wareysanaayo ay is ku qaab uga hadlaan siyaasadda? .
Waa ina la dareema kala duwanaasnho xagga fikirka, dhaqanka iyo yoolka la rabo in la gaaro iyo sida lagu gaaraayo .

Aan la nimaano fikir iyo howl wanaagsan oo noo wada dan ah.
Markaad wax dhaliilayso adeegso daliil una hadal si mas'uuliyad ah waayo waxaad dhahdo waxaa qoraaya Malaa'ik.
Markii howl laguu dhiibo uga soo bax sida ugu wacan maskaxdaadana ku hay in maalin uun lagu xisaabi doono.

Wabillaahi Towfiiq.

Friday, September 9, 2016

Yaa ila dareemaaya dhibaatadaan?

Ma kula tahay, dad waxay ku midaysnaayin ku heshiin waayay inay ku heshiin karaan waxay ku kala duwan yihiin?
Dadku markuu adeegsan waayo caqliga ilaah siiyay ee lagu kala saaro xumaan iyo wanaag, xaq iyo baadil, caddaalad iyo sad bursi waxay noqon doonaan dad karaamo la'aan ah kuna nool cirriri iyo dhbaato. 
Nolosha Ilaah ku siiyay waa hibo, adaana lagaa rabaa inaad nidaamsato oo si qurxan ugu nolaato Rabbina uga mahad celso .
Markaan si fiican u fikirno, waan sixi karnaa khaladaad badan oo naga dhacay sidaa darteed dhallin yaradu ha u istaagto maanta soo noolaynta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.
Bal eeg maanta meelaha aan qaxooti ku nahay ama dalkeeni gudihiisa, qiimayna nolosha ay ku jiraan dadkeena. Sidaan ma xal baa ?
Maalin kasta wax yaabo aan micno wayn lahayn ayaan is ku haysana mana gaarno xal iyo is fahan buuxa.
Dadku markay ku mashquulaan wax yaabo yar yar hilmaamaana howshi wayneed ee u tiilay waxaa ku dhaca masiibada maanta na haysata oo akle.
Markaan tago xaflad Soomaliadu dhiganayso ama ka daawado TV-yada, waxaan dareema inaan nahay dad dhigaaya riwaayad jilaayana nolol aan dhab ahayn.
Goorma ayaan si dhab ah uga hadli doona dhibaatda na haysata.
Ma midaysnin mana kala tagin, ma lihin maamul wanaagsan iyo nidaam toosan oo la fahmi karo halka uu socdo ,mararka qaarkeedna waxaad is leedahay hadana lama rabo in loo dhaqaaqo dhinaca wanaagsan.
Wixii naga dhaxeeyay waa dayacnay, waxan ku kala duwanayna waa is la fahmi wayanay!
Noloshu sidaan uma dhib badna laakin inaga isku sirqinay.
Yaa ila dareemaaya dhibaatadaan?
Yaa igala damqanaaya dhaawacaan?
Yaa dhihi kara dhawaq dhab ah
?

Wednesday, July 27, 2016

Waddani.

Dadkayga waa jeclahay 
Dalkayga waa jeclahay

Dadku is ku mid ma aha, qaarkood si dabiici ah ayay wanaagga u qaataan kuwa kale na dadaal iyo xasuusin badan ka dib ayay dariiqa toosan ku soo dhacaan . 
Dal jaceylku waa lagama maar maan sida darteed ayay qasab u tahay in la helo goobo iyo dad ka qayb qaata sidii dadka loo jeclay sii lahaa qalbigoodana loogu abuuri lahaa jaceylka dadkooda iyo dalkooda.
-Waalidka.
Waalidku waa tiirka koowaad ee qayb libaax ah ka qaadan kara hagidda bulshada waayo wuxuu soo saara carruur. Haddii carruurtaas ay waalidkood ka helaan wixii looga baahna waxaa fududaanaya in la helo bulsho wax tar leh.
Waalidku waa inuu carrurtiisa uga sheekeeya dal jaceylka sidoo kale na baraa qiimaha iyo sooyalka waddanka.
-Dugisga.
Goobaha wax laga barto waxay soo saari karaan arday tayo leh oo dalkooda jecel haddii manhaj iyo macallimiin wanaagsan loo helo.
Haddii uu ardaygu helo maaddo dhameys tiran oo ku saabsan dalkiisa waxaa ku dhalanaya dal jaceyl iyo inuu sii raadiyo wax yaabo kale oo la xariira dalkiisa.
Marka ugu fudud ee qofka wax lagu hagi karo waa marka uu yar yahay sida darteed waxaa lagama maarmaan ah in dugsiyadu u diyaar garoobaan in ay ka soo baxaan waajibka kaga aadan dadkooda diyaariyaana carruur jecel dalkooda iyo dadkooda.
-Goobaha cibaadada.
Masaajidku wuxuu kaalin wayn ka qaata sida bulshada loo hago, waa meesha kaliya ay qasab tahay in qofka muslimka ahi tago maalintii dhowr jeer -haddii aysan jirin wax ka baajinaaya- sidoo kale maalinta jimcaha waxa isagu yimaada dad fara badan sidaa darteed waxaa la awooda in laga faa'iidaysto fursaddaas oo cashirrada ka baxaaya lagu daro waddaniyadda .
Sidoo kale, waxaa jira mowlacyo ama goobo lagu barto diinta islaamka goobahaas waxaa yimaada dhallin yaro badan kuwaas iyaguna ay qasab tahay in ay helaan sooyaalka dalkooda sida darteed waa in waddaadada goobahaas maamula ay xisaabta ku darsadaan, cashirro la xariira dalka iyo dadkana baraan dhallin yaradaas .
Waddaniydu ma ahan wax ko kooban koox gaar waa arrin laga rabo dhammaan bulsadha sida dartetd waa in meel kasta dadka lagu baro laguna baraarujiyo .
-War-baahinta .
Bulshadu maanta si wayn ayay ugu xiran tahay war-baahinta sidaa darteed waa in laga faa'iidaysta oo lagu daraa banraamijyada ka baxa war-baahinta kuwa ka sheekeynaya waddaniyada . Waa in war-baahintu qayb libaax ka qaadata dhisidda dadka si dadkaasi ay dalkooda u dhistaan.
Qofku markuu ogyahy qiimaha waxa uu haysto wuxuu u huraya wax kasta uu awoodo .
Haddii aan la helin dad jecel dalkooda waa adag tahay si loo helo dowlad wanaasgan loona hormaro waayo ma jiro qof u adeegaya wax uusan jecelayn.
Waxaa iyaduna muhiim ah in la qabto muxaadarooyin, doodo iyo kulamo la xariira waddaniyadda .
Wabillaahi Towfiiq.

Sunday, July 17, 2016

Maxaan ka baranaynaa Af-genbigii dhicisoobay ee Turkiya ?

1- In shacabku yahay awoodda ugu wayn ee dal yeelan karo . Haddii ay dadku doonayaan nolol karaam ah, waa in ay huraan wax badan xitaa naftooda . 
2-Wacyiga shacabka Turkiya ee gaarsiisan meel sare. uma aysan sacbin tuugadii sameysay af-genbiga ee waxay la safteen xukuumaddi sharciga ahayd iyo nidaamka toosan.
3- Il-baxnimada axsaabta Turkiya kuwaas oo muujiyay wax lagu daydo diidayna Af-genbi iyo fowdo ka dhacda dalka.
4- Heer kasta oo aad gaarto ha is dhihin, wax kaa hor imaan kara malahan hana is dhigin, ha shaki badnaan hana aamin xumaan mar walba caqabad ayaa jirta. Waa kaas maanta la isku dayay Af-genbi wixii qarsoon ayaana ka sii badan.
5- Dunida kama dhammaadan dadka dib u socdka ah iyo kuwa wajiyada badan, kuwa maanta Af-genbi ka sameeyaana Turkiya toloow maxay doonaayan? Dhanka kale waxaa akhlaaq xuma ah in dad maalin kasta ku cel-celin jiray dimuquraadiyad iyo in shacabka la siiyo awood ay xalay u alalaasen wixii ka dhacay Turkiya. Wax kasta oo afka laga sheego run maaaha .
6- Shacabka soomaaliyeed oo xalay muujiyay inuu yahay shacab loo geli karo abaal hadduu awood yeeshana abaalkaas gudi kara. si weyn ayay uga soo hor jesteeen argagixisimadii xalay Turki ka dhacday. Sidaan arkay dadku laba nuuc ayay ahaayen . kuwa caadifad iyo in Turkigu na caawiyay u taageerayay waana ku saxnaayeen waayo lama noqdo abaal laawe iyo kuwa wacyi iyo fahan uga soo horjeeday af-genbiga taageerayna dimuquraadiyada iyo nidaam wanaagga .
Shacabka Soomaaliyeed wax badan ayuu awooda ee ha isticmaalo awooddiisa.
 7- Turkiya hore mooye gadaal uma laaban doonto saadaaasha muuqata.
8- Dadka af-genbiyadu wareeriyeen waxay wax ka baran karaan shacabka Turkiya iyo siduu u diiday in Ciidan xukumo . Shucuubta hurdaysa ee hilmaansan awooddooda waxay u tahay xasuusin iyo in ay wax bedli karaan haddii ay ka kacaan.
9- Axsaabta ka jirta waddama badan gaar ahaan keena waxay wax ka baran karaan kuwa Turkiya iyo sida ay u fahmeen siyaasadda. Ma ahan inaad madxada ku tumato markii masiibo qaran dhacdo xilligaas oo kale waxaa loo baahan yahay in la is garab istaago oo la is caawiyo lana wajaho dhibaatada iyada oo la wada jiro .
10- Xisbiga dalkaas xukuma ee Hormarinta iyo Caddaaladu waa xisbi awood ballaaran ku leh gudaha dalkaas laakin waxaa muuqata inuu noqday xisbi saameyn iyo taageero xad dhaaf ah ku leh dunida daafaheeda gar ahaan goobaha masaakiinta iyo shucuubta dulmani ku nool yihiin.
11- Markii Af-genbigu dhacay durbadiiba dadku waa soo baxeen iyaga oo mudaaharaadaya. Waxaa cajiib ah waxay wateen calanka dalkaas lama soo qaadan sawirro madax weyne ama r/wassaare waayo qaddiyadu ma ahan qof ama koox waa qaddiyad dal iyo dad .
12- Haddii masiibo dhacdo ha noqon qofka ugu horreeya ee is dhiiba ama quusta waayo maadama aad wali noosahahay wax ayaad bedeli kartaa natiijaduna cid lama dhalan. Dadaalaa wuu gaara.
13- Madaxdii dalkooda iyo dakooda u shaqaysa gaar siisana meel wanaasan waxay heli doonaan sharaf iyo karaamo magacooduna wuxuu geli doona sooyaalka haddi ay wax dhacaana waxaa difaaci doona dadkooda sida Turki ka dhacday xalay.

Intaas ayaa ii soo baxday.

Wednesday, June 29, 2016

Naxariistii Nabiga csw

22.Xayawaanka
Naxariisti nabiga csw kuma koobneen dadka ee waxay eheed mid xitaa gaarsiisan xayawaanka.
Markasta nabigu wuxuu dhihi jiray ha loo naxariisto xaywaanka, kuwa aad u adeegsanaysaan gaadiid ahaana ha dul saarina wax ka badan awooddooda kana war qab xaalkooda.
Nabigu csw wuxuu noo sheegay nin aad u oomana ee ceell yimid ka dibna ka cabay biyo markii uu oon baxayna arkay Ey harraadsan markaas ayuu ceelkii ku laabtay oo biyo uu cabbo Eygi uga keenay una mahad celiay Rabbigiis, ilaahna waa u denbi dhaafay.
Xayawaan aad u naxariisato ayaa ilaah kuugu denbi dhaafaya
Sidoo kale nabigu wuxu noo sheegay haweeney Naar ku gashay bisad ay meel ku xirtay ka dibna bisaddi dhimatay .
Waxaad dareemi kartaa heerka ay gaarsiisan tahay naxariista diintaan iyo nabi Muxamed csw ay la doonayaaan dunida.
Xayawaanku waa sidaada oo kale wuxuuna u baahan yahay naxariis iyo u turid .
Ha is dhihin waa xaywaan ee ku xad gudub.
Xitaa markaad dooneyso inaad qalato xoolaha, waxaa loo baahan yahay inaad si naxariis ah u qasho ee aadan silcin . waa inaad marka hore istcimaasha middi si fiican wax loogu qali karo sido kale waa inaadan xoolaha hortooda middida ku afaysan ama aadan isku hor qalin .
Ilaah ayaa noo banneeyay inaan cunno oo qalano xoolaha laakin waa inaan si il-baxsan uga faa’ideysano nimcadaas .
"Haddaad u naxariisato xayawaanka aad qalanyso ama aad dhaqanayso, Ilaah ayaa kuu naxariisa doona maalinta Qiyaamo”.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.

Monday, June 27, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

21. Dadka dagaalka lagu soo qabto.
Marka dagaal dhaco, waxaa caadi ah in dad la kala qabsado hadaba sidii nabigu dadkaas ula dhaqmi jiray?
Dagaalkii Badar, markuu dhacay muslimiintu guul wayn ayay gaareen oo ay dad badan ku soo qabsadeen, maadama aysan wali soo degin xukun ama waxa laga yeelaayo dadka dagaalka lagu qabto nabigu csw wuxuu kala tashaday asaxaabtiisa, waxaana loo sheegay laba ra’yi oo kala duwan oo ahaa in la dilo dadkaan maadama ay ahaayen kuwa dagaal la galay muslimiinta ama in laga qaato madax fusrasho.
Nabigu csw wuxuu qaatay kan ahaa madax furashada taas oo laga dareemi karo naxariistii nabiga csw iyo inuusan u oomanayn inuu dad dilo.Xitaa dadka waxaa loo eegayay xaaladooda oo wax aysan awoodin keen lama dhahayn qof waliba wuxuu awoodo ayuu isku madax furtay. Kuwa aan haysanin waxay isku madax furtaan laakin yaqaana qoraal iyo akhrin waxay isku madax furanayeen aqoontooda oo dad ka mid ah muslimiinta ayay barayeen qoraalka iyo akhrisa.

Nabi Muxamed csw ma ahayn mid ku xad gudba markuu ka guul gaaro cadawgiisa laakin wuxuu aha mid u naxariista mar walba .
Markii Maka la furtay ee islaamu xoogaystay ayuu nabugu ku yiri reer Maka "maxay idin la tahay inaan idinku sameeynaayo maanta ?"
Waxay dhaheen "wanaag oo waxad tahay walaal wanaasgan oo uu dhalay walaal wanasgan" .
Nabigu csw wuxuu yiri “iska baxa, xor ayad tihiine”
Dadkii magaaladiisa ka soo qixiyay ee intaas oo dagaal la galay ee dhibkii badnaa soo mariyay ayuu maanta iska fasaxay isagoo wax cadawtooyo ah kula dhaqmin ama aarsi ah .
Waa taas naxariistii nabi Muxamed csw, waa taaas naxariista laga rabo ummadda nabi Muxamed scw.
Ilaah ha noo wada naxariisto.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Sunday, June 26, 2016

Naxariistii Nabiga csw :

20. Dadka lagu dilo dagaalka.
Mararka qaar, waxaa dagaal dhax maraya muslimiinta iyo gaalda, waxaa ka dhalanaaya dagaalkaas dhimasho. Dhaawac iyo in dad iyo goobo la kala qabsado.
Hadaba siduu ula dhaqmi jiray nabigu csw dadka laga dilo gaalada?
Naxariista nabiga csw waxaa ka mid ahaa inuu ixtiraami jiay maydka gaalada una naxariisa jiray wuxua amri jiray inaan si xun oo dulmi ah loola dhaqmin maydka ee dadkii lahaa la siiyo ama la duugo.
Nabigu csw wuxuu reebay in la jar jaro ama lagu sii xad gudbo qofka markuu dhinto ka dib.
In kasta oo saxaabda qaar loola dhaqmay maydkooda qaab ka baxsan Bini-Aadanimada hadana nabigu csw kuma aarsan ficil la mid ah ama u dhigma.
Markasta wuxuu kula dardaami jiray asaxaabta inaan xad gudb la samayn.

Waxa ka dhacaaya melaha qaar ee dadku ku xad gudbayaan maydka ama la jar-jaraayo ama dariiqyada lagu jiid jiidaayo ma ahan wax waafaqsan diinta islaamka iyo karaamada aadanaha.
Waa la is daagali karaa inta dagaalka lagu jirana waa la is dilaya laakin qof dhintay ma ahan in lasii mayd dilo kumana jirto Bini-Aadanimada.
Ku dayo nabigaaga oo xitaa haddii aad jihaad galayso raac dariiqi nabiga csw hana gudbin xadkaaga ilaah ma jeclo dadka gudba xadka loo jideeyay.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Saturday, June 25, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

19. Haweenka iyo carruurta gaalada
Nabi Muxamed scw wuxuu kula dardaarmi jiray inaan la dilin shacabka aan wax ba galabsan inta lagu jiro dagaalka.
Dabcan xlligaas ma jirin duqayn iyo hub waaweyn oo la isku adeegsado laakin sidaas ay tahay wuxu kula dardarmi jiray asaxaabtiisa inaan la dilin shacabka gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Xitaa carruurta yar yare e dagaalka soo raaca lama dili jirin lamana dhibaatey jirin.
Billawgii dagaalkii Badar, waxay saxaabadu soo qabteen laba wiil oo u adeegayay Quraysh markaas ayay su’aala dhowr ah waydiiyeen iyaga oo garaacay markii ay ka shakiyeen in ay been sheegayaan.

Nabiga csw ayaa ku yiri asaxaabtiisa markii ay run idiin shegen waad garaacdeen markii ay been idiin sheegeena waad iska dhaafteen.
Ka dib nabigu si deggan ayuu u waraysaty oo naxariisi ku jirto mana ula dhaqmin si xun mana xiran iyada oo dagaalku billaabo rabo ama ay akhbaar u gay karaan cadawga.
Markasta carruurta si gaar ah ayuu ugu naxariisa jiray nabigu xitaa haddii lagu jiro dagaal.
Maalin kale nabigu csw wuxuu arkay haweeney dagaalka lagu dilay markaas ayuu inkiray oo ku dhahay asaxaabta yaan la dilin haweenka iyo caruurta.
Mar kale na wxuu ku yiri asaxaabtiisa yaan la dilin haweenka iyo qofka megan galyo dalbada.
Maanta u fiirso dagaalada ka dhacaaya dunida ee aan la ilaalin xuquuqda dadka shacabka imisa haween ayaa la dilaa maalin kasta oo imisa carruur ah ayaa la dila lana dhaawaca har iyo habeen.
Waxaan joogna xilli ay dadka xoogga lihi helaan xuquuqdooda iyo kasii badan kuwa masaakiinta iyo beri magaydadana ay xaqoodi iyo karaamdoodi waayen.
Maalin kasta waxaa lagu cel celiyaa xuquuqda haweenka iyo carruurta ama aadanaha laakin waa film la jilaayo iyo indha sarcaad lagu hayo dunida.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Friday, June 24, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

18. Qofka soo islaama iyada oo dagaalku socdo.
Islaamu waa diin naxariis, nabigeenuna waa nabi naxariis, waxaana ka fahmi karnaa naxariistaas innaga oo ku laabana siiradii nabiga csw si qota dheerna u akhrina.
Bal qisadaan akhri adoo mahadsan.
Iyada oo dagaal dhax maraayo msulimiinta iyo gaalada ayaa nin ka mid ahaa gaalada kuna jiray dagaalka yiri "islaamka ayaan soo galay" iyada oo la dili rabo laakin saxaabigii hor taaganaa ayaan ka iskaa dhaafin ee dilay.
Arrinki ayaa nabiga loo sheegay, waxana loo wacay saxaabigii oo la waydiiya maxaad u dishay ninka maadaama uu qiray towxiidka.
Markaas ayuu yiri “ dhab kama ahayn ee markuu arkay inuusan bad baadayn ayuu ashahaatay ”
Nabiga ayaa ku yiri "ma qalbigiisa ayad jeexday oo ogaatay dhab iyo been wuxuu ula jeedo, maxaad sameyne haddii Laa ilaaha Illa- laahu kuu timaado maalinta Qiyaamo”Saxaabigii ayaa yiri "nabi Allow, ii weydii Ilaah denbi dhaaf, nabiguna csw wuxuu ku celcelinayay oraahdii hore ee eheed “maxaad sameyne haddii Laa ilaaha Illa -Laalahu kuu timaado maalinta Qiyaamo”.

Ninka la dilay wuxu ahaa nin dagaal ku jiray waliba aha nin dhibaato badan u gaystay islaamka iyo saxaabada xitaa wuxuu dlay dad laakin hadana saas ay tahay nabigu csw wuu ka xumaaday in la dilay markuu ashahaatay ka dib waayo ujeedka jihaadku ma ahan in qof la dilo oo kaliya laakin waa arrin ka allaaran .
Maanta muslimiintu imisa meel ayay isku dagaalayaan ?
Maxay ugu dhaqmi la’yihiin diintaaan naxariista badan?
Imisa maalinta Qiyaamo u imaan doonta Laa ilaaha Illa- laahu waayo waxay dileen dad badan oo msuilmiin ah qaar baa la dilay iyaga oo ashahaadanaaya, qaar ayaa la dilay iyaga oo salaad ku jira ama Quraan akhrinaaya qaar kale na iyaga oo meel kale jooga.
Diintaan naxariista badan waxaa ku dhaqmi kara dad bartay oo fahmay laakin qof danihiisa gaar ah wata ama ujeedo kale leh waa adaga tahay inuu diintaan qabsado caalamkana ugu adeego .
Ilaah ha noo wada naxariisto.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
waa noo socotaa ..

Thursday, June 23, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

17. Dadka dhibka u gaysta nabiga.
Nabi Muxamed scw xitaa dadka dhibka u gaysta waa iska cafin jiray, waana u naxariisa jiray isagoo awooda inuu ka aarsado .
Nabiga csw oo hoos jiifa geed ayaa waxaa u yimid nin markaas ayuu soo qabsaday seeftii nabiga oo ku yiri "yaa iga kaacelinaaya maanta?"
Nabigu csw wuxuu ku yiri "Ilaah weyn".
Seeftii ayaa ka dhacday ninkii nabiga ayaana qabsaday oo ku yiri markiisa "yaa iga kaa celinaaya hadda ?
Ninkii wuxu yiri "noqo mid khayr qaba ah".
Nabigu wuxuu yiri "ma qiree ilaah kaliya inuu jiro ?"
Ninkii wuxuu yiri "maya, laakin waxaan kuu ballan qaadaya inaanan kula dagaalin mar kale soona raacin dad kula daagaalaya".
Nabiguna csw wuu iska fasaxay.
Ninkii markuu u tagay dadkiisi wuxuu ku yiri "waxaan ka imid ninka ugu khayrka badan agtiisa" .
Nin isku dayay inuu dilo ayuu cafiyay xitaa markuu diiday inuu islaaamo muu ku qasbin diinta mana dilin mana xirin ee waa iska fasaxay!.
Bal waa kaas ee maanta ha la cafiyo qof isku dayay inuu dilo madax waynaha dalka ama qof mas’uul ah.
Waa kaas nabigii naxariista ee na loo soo diray.
Mar kale, Yahuud ayaa ku tiri nabiga "Asaamu calaykum" oo ka dhigan dhimo iyagoo u ekeesinaya "Asalaamu calaykum" markaas ayaa hooayden Caa’isha -ilaah ha ka raali noqdee- oo ag joogtay nabiga fahantay uguna jawaabatay adinka dhinata, nacaladna ha idnu dhacdo.
Maxaad is leedahay nabigu wuu sameeynaya ? ma yahuud ayuu leeyahy maxaad I habaareysaan? Ma Caa’isha ayuu uga mahad celinaya sidii ay u difaacday ? mise ?
Nabigu csw wuxu ku yiri Caa’isha "is ka daa sidaa ha dhihin e Ilaah wuxuu jecelyahay naxarista, hadalada nuucaan ahna is ka dhaaf oo ha dhihin".
Yaa salaam, waa cajiib wallaahi. Nabigu csw wuuxu na barayaa inaan afkeena ka ilaalino hadalada xun xitaa haddii dadku nagu dhahaan inaan ka aammusno oo sidooda oo kale aanan noqonin.
Markasta nabigu csw wuxuu ahaa mid naxariis badan una naxarista dhamaan koonka.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.

Wednesday, June 22, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

16. Dadka diin kale haysta.
Dadka kaa diin duwan maahan inaad u qaado cadawtooyo caadifad ah markaad wax nacayso Ilaah dartiis ayaad u nacee, maraad jeclaaneysana sido kale.
Qofka kaa diin duwan laakin aan ku gaysanin wax dhibaata ah wuxuu kaa mduan yahay wanaajin iyo ixtiraam. Bal eeg nabigu siduu ula dhaqi jiray dadka nuucaas ah.
Waxaa xanuunsaday wiil Yahuudi ahaa una adeegi jiray nabiga csw markaas ayaa rasuulku csw booqday, wuxuu fadhiistay madaxa wiilka agtiisa markaas ayuu ku yiri “ islaam”
Wiilkii waa islaamay nabiguna wuxu ka soo tegay asigoo dhahaaya “ waa ilaah mahdiis wuxuu ka badbaaday naarta”.
Wuxu booqanaayo waa wiil Yahuudi ah oo xanuunsaan markaas ayuu kula dardaarmaya inuu islaamo si uu uga badbaadiyo naarta. Bal eeg naxariista heerkaas ah iyo duruusta ku jirta oo la rabo in ay muslimiintu ka faa’ideystaan mar kasta.
Asmaa bintu abii Bakar ayaa hooyadeed oo gaalad ah soo booqatay markaas ayey Asma nabiga waydiisay in ay xariirineyso iyo in kale hooyadood oo aan muslimad ahayn, nabigu csw wuxuu yiri "xariiri”
Waa taas naxariista nabigeena csw waa taas saamaxadda diinta islaamka .
Dad badan ayaa maanta ku celcelinaaya diinta islaamka waa diin dagaal laakin waxay ka indha la’yihiin saamaxaada ay xanbaarsan tahay qaarkood waxay ka tahay aqoon la’aan qaarna ula kac iyo xaasdiniomo .
Intaad awooddaan dadka kale diinta islaamka ugu yeera si wanasgana ula dahqma oo wanaaga diinta islaamka haka arkaano dhaqankiina xitaa haddii ay soo islaami waayaan xoog kuma lihidiin diintuna ma ahan wax la isku qasbo e waa qanaaco iyo ka raali ahaansho.
Qof aan kugu xad gudbin, haku xad gudbin xitaa haddii xad gudubkiisu yahay mid loo dulqaado karo loona samri karo u samra oo ku dayda nabigeena Muxamada csw.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa..

Monday, June 20, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

15. Dadka aan Muslimiin ahayn.
Ma waxay kula tahay in naxariista nabigu ku koobneed Muslimiinta oo kaliya? Haddii aad sidaas aaminsan tahay xaalku waa ka duwan yahay. 
Nabi Muxamed scw wuxuu ahaa nabi u naxariista dadka oo idil, naxariistiisa waxay isagu jirtay inuu u duceeyo qof aan muslim ahayn si Ilaah u soo hanuuniyo, inuu kula dhaqmo dadka aan islaamka soo gelin dhaqan wanaagsan iyo qaabab kale oo badan.

Maalin ayaa Janaaso la soo marsiiyay waddada markaas ayaa nabigu istaagay oo laga dareemay is bedel, markaas ayaa lagu yiri “ Nabi Allow waa Yahuud” markaas ayuu ugu jawaaabay "oo naf ma ahan miyaa ?
Bal eeg naxriista heerkaas ah . Adigu cadaw qof kuma ihid joogta ah laakin waxaad cadaw ku tahay qofkii kula dagaala ama kugu soo xad gudbo.
Waakan nabigeena csw uu baraayo saxaabda in haddii xitaa qof ka diin duwan geeriyoodo ay tahay inaad ula dhaqanto Bini-Aadanimo ee aadan xadka ka bixin. Naf waliba Ilaah ayaa abuuray karaamana siiyay, hanuunkana Ilaah ayaa haaya ee adigu karaamadaas haku xad gudbin naxariis iyo wanaagna ha la ga helo .
Markii islaamku billaaw ahaa ee xitaa ay adkeed in si muuqata islaamka loo faafiyo ayuu nabigu Ilaah ka baryay inuu soo hanuuniyo laba nin mdkood oo xilligaa ahaa labada nin ee ugu cadawsanaa islmakaa iyo muslimiinta ee kala ahaa Abii Jahal iyo Cumar Bin khaddaab oo xilliga gaal ahaa.
Hadafka uu Rasuulku lahaa oo waa in dadku ka badbaadaan dhibaatada Aakhiro, adduunkana ku wada noolaadan nabad, naxariis iyo wanaag.
Adigu iska soo qaad ma u duceey lahayd qof cadaw kuu ah ama kaa diin duwan?
Maanta waxaan joogna in dadkii Muslimiinta ahaa is habaaraan ama is dilaan iyagii ayaa isku naxariis la’ sidee dad kale ugu naxariisanayaan?.
Waxaa laga fogaaday fahankii islaamka markaas ayaan galnay mugdi iyo dhbaato badan.
Ilaahow nagu hanuuni dariiqa toosan nagana dhigna kuwa ku dhaqma diinta islaamka.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ..

Naxariistii Nabiga csw:

14. Maalinta Qiyaamo.
Naxariista nabigeena csw kuma koobna adduunyada oo kaliya ee xitaa waa mid ay heli doonaan dadku maalinta Qiyaamo.
Yaa nooga baahi badan naxariis maalintaas dadka oo idil yaaban yihiin, maalin xitaa Malaa’iktu ku jirto digri iyaga oo aan denbi gelin, maalin adag oo dhib badan.
Maalin xisaab jiri doono, maalin qof waliba doonaayo naxariis iyo badbaado.
Rasuulkeena scw wuxuu leeyahy “ Nabi kasta wuxuu lahaay duco laga ajiibaayo waana soo hormarsaday laakin anigu waxan u dib dhigtay maalinta Qiyaamo si aan ugu shafeeca qaado umaddayda…..”

Kawran naxariista nuucaas ah ma jira qof heerkaas ay gaaraty naariistiisa?
Waa naxariis u gaar ah nabigeena csw markastana wuxu ka fikiraya wanaagga ummadda iyo sidii ay khayr u heli lahaayeen.
Inuu koonka u naxariisto ayaa loo soo diray isga oo kawaramaaya mid ka mid ah ujeedooyinka loo soo dirayna wuxuu yiri "anigu naxariis baan ahay….”
Ilaah hanaga dhigo kuwa isagu naxariista adduunyada si aan u helno maalinta Qiyaamo naxariista Ilaah.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela .
Waa noo socotaa..

Saturday, June 18, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

13. Umadda Muslimiinta .
Nabi Muxamed scw wuxuu ahaa mid aad ugu naxariista umaddiisa xitaa marka cibaadada la joogo aad ayuu ugu naxariis jiray . Hooyadeen Caa’isha rc oo nooga warramaysa nabiga,waxay dhahday "nabigu wuxuu ka tegi jiraya wax yaabaha qaar isaga oo ka cabsanaaya in umadda lagu faral yeelo”
Waxa uu ka tegaayo nabigu waa waxa ka soo horay waajibadka ee qofka sameeyana laga ajir siinaayo qofkii ka tagna aan loo qoreyn denbi.
Mar kale nabiga oo ka hadlaaya inuusan umaddiisa la rabin dhibaato wuxu yiri “ Umadda waxaan amari lahaa in la cadeysto markasta oo la weesa qaadanaayo laakin dhibaato lama rabo”
Nabigu aad ayuu u jeclaa cadayga laakin inuu umadda uu amro in ay cadeystaan in badan wuxuu u arkay in ay dhibaato ku noqonayso markaas ayuu ka dhaafay naxariis darteed.
Naxariistii nabiga csw waxaa ka mid ah inuu uga sii digi jiray dhibaatooyinka soo socda isaga oo umaddiisa la doonaya khayr .
Nabigu wuxuu nooga digay waxaa ka mid ah dibaatooyinka badan ee aan xilligaan ku jirno sida kala tagga iyo loolaanka joogtada ah ee aan micno ku dhisanayn, waxa kale oo ka mid ah inaan ka baxno diinta oo noqono gaalo ka dibna aan dhaxdeena is dagaalno.
Bal eeg naxariistaas cajiib ah xitaa isaga oo aan nala joogin ayuu nooga baqaya dhibaato .
Naxariistii nabiga ee cajiibka ahayd waxaa ka mid ah inuu nabigu kor u qaadi jiray gacmihiisa ka dibna dhihi jiray "Ilaahow umaddayda, Ilaahow umaddayda”
Naxariistii nabiga ee umaddiisa ma ahan waxa la soo koobi karo laakin Ilaah waxaan ka baryeyna inuu naga dhigo kuwa qaata dardaarankii nabiga iyo dariiqisi wanaagsanaa.

Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa…

Friday, June 17, 2016

Naxariistii Nabiga csw :

12. Meydka.
Shaki kuma jiro in nabigu aad ugu naxariisa jiray meydka iyo reerkiisa.
Waxaa la arki jiray isaga oo indhihiisa ilmo ka daadaneyso sidoo kale na waxaa badan ducooyinka aan ka dhaxalnay nabiga ee ku saabsan meydka iyo cidda laga geeriyoodo.
Naxariistii nabiga csw, waxaa ka mid ah inuu dhihi jiray "Meydkiina u qabta shahaadada” taas oo muujineysa naxariis dheeri ah iyo inuu la rabo khaatuma wanaagsan.
Nabigu aad ayuu niyadda ugu deji jiray qof ka sakaaraadaya ama ku jira xaalad aad u adag oo laga yaabo inuu u geeriyoodo. Sida uu Anas rc warinaayo, nabiga csw ayaa u tegay wiil aad u xanuunsanaaya markaas ayuu ku yiri “ Maxaad dareemeysa” wuxuu yiri wiilkii “ wallaahi Ilaah ayaan wanaag ka rajeynaya danbiyadeydana waan ka baqayaa” markaas ayaa nabigu si deggan u yiri “ Qof labadaan arrimood isuma raacaan haddii ay dhacdana Ilaah waa siiya wuxuu rajeynaayo waana ka badbaadiya wuxuu ka baqaayo”
Nabigu aad ayuu uga murugoo jiray geerida qof, waxaana la arki jiray illin ka socota indhihiisa markaas ayaa dadku dhihi jireen xitaa Rasuulkii Allow adiga maa ilmeynaya?
Markaas ayuu dhihi jiray “ Ishu waa ilmeyneysaa, qalbiguna waa murugoonaya laakin waxaan dhaheynaa wixii Rabbi raali ka yahay oo kaliya ….”
Nabigu wuxuu ku dadali jiray inuu ku dukado janaaso raacana meydka marka loo qaadayo qabriga isaga oo arrintaan ku baraarijinaaya muslimiintana wuxuu noo sheegay in ay xaq tahay inaad ku dukaato oo raacdo meydka walaalkaaga muslinka ah .
Intaas kuma koobneen naxariistii nabiga csw ee marka la duugo ka dib ayuu u ducey jira meydka oo ilaah uga baryi jiray denbi dhaaf iyo naxariis.
Naariistii nabiga waxaa ka mid ah inuu ku dukan jiray qof la duugay mararka qaarna wuxuu u dukan jiray qof meel fog ku geeriyooday sida boqorkii Xabashida xilliga xukumi jiray oo geeriyooday markuu islaamay ka dib.
Naxariista nabiga csw kuma koobneen dadka u dhaw ama uu yaqaan oo kaliya ee waxay eheed mid ballaaran oo gaarta dhammaan dadka ha u dhawadan ama ha ka dheeraadaan, ha ahaado faqiir ama taajir, ha yaraado ama ha weynaado, haween iyo rag tuu doono ha ahaado.
Waa taas naxariistii nabigeena ee qof kastoow ku dayo rasuulkaaga scw una naxariiso dadka .
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ……

Thursday, June 16, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

11. Jihaadka.
Jihaadku wuxuu ka mid yahay cibaadooyinka waaweyn ee ilaah ka rabo umadda muslimiinta, waxaana lagu helaa abaal marin qiima badan oo ah jannada Ilaah.
Waayadaan danbe, Jihaadkii waa laga tegay markaas ayaa laba dhibaato umaddeena qabsatay. Marka hore in la waayo wax dulmiga ka hor istaaga dadkeena iyo dalkeena maadama aysan jirin awood difaaceysa oo u taagan in ay xuquuqdooda u ilaaliso.
Marka labaad na waxaa soo baxay kooxa aan fahan ballaaran u lahayn diinta oo si khaldan u istiicmaala Jihaadka heer ay gaareen in ay dilaan qof musilim ah kadibna dhahaan waxaan ku jirnaa Jihaad.
Nabigu csw, wuxuu ahaa mid aad ugu naxariista muslimiinta marka ay ku jiraan Jihaadka, waxaana ka mid ah naxariistiisi inuusan u ogolaa jirin qof aan awooddin ama dhaawac ah ama aad u yar dagaalka xitaa hadduu dalbado.
Sidoo kale naxariista nabigu csw waxay gaari jirtay meesha duulan lagu qaado ama lagula dagaalamo gaalda isaga oo dhahaaaya asaxaabtiisa yaan la gubin beer, yaan la dumin meel ay ku cibaadeystaan, yaan la dilin sheekha gaalada, duqayda, haweenka iyo carruurta sidoo kale yaan la goyn geed.
Bal eeg naxariista nuucaas ah ila hadda ma jirto naxariis garatay heerkaas xitaa xuquuqul insaanka ay dowladuhu qorteen heerkaan ma gaarin wali iyaga oo sheeganaaya il-baxnimo iyo aqoon .
Naxariistii nabiga csw, waxaa ka mid ah qisadaan cajiibka ah.Furashadii Maka, waxay ku beegneed Ramadaan waana soonnaayeen asaxaabtu markaas ayaa loo sheegay nabiga in ay aad u daaleen oo soonku ku adkaatay markaas ayaa nabigu csw soonki furay oo biya cabay si ay asaxaabadu isaga afuraan maadama ay kari waayeen soonka . Ilaah nama dul saarin wax aanan awoodin .

Sidoo kale nabigu csw wuxuu kormeeri jiray oo la socan jiray xaalka dadka ku dhaawacama inta lagu jiro Jihaadka xitaa isaga ayaa ka qayb qaadan jiray caawintooda . Hadddi qof geeriyoodana aad ayuu uga murugoo jiray soona booqan jiray reerki qofkaas.
Naxariista nabiga waxay gaartay inuu la ilmeeyo marka asaxaabtiisa qaar ka mid ah ama qof geeri ku timaado sida qisadaan soo socota ka muuqata.
Nabiga oo uga warramaaya asaxaabtiisa meesha uu maraayo xaalka dagaalkii Mu’tah ayaa ku yiri “ Calanka waxaa qaaday Zayd waana geeriyooday, hadana waxaa qaaday Jacfar asna waa geeriyooday mar kale waxaa qaaday Cabdullahi Bin Rawaaxa asna wa geeriyooday isagoo indhihiisa suubanaha csw ilmo ka daadaneyso…..” Bal eeg siduu dareenkiisu ula dhaqaaqay shuhadadaas.
Waa taas naxariista laga rabo hoggaamiyaha umadda. waa taas naxariista laga rabo culumada maanta dadka barta diinta, waa taas naxariista laga rabo qof walba oo muslin ah.
Xitaa markuu nabigu saxaabi u wakiisho inuu dagaal la galo gaalda wuxu kula dardaarmi jiray Alla ka cabsi iyo inuusan xad gudub ku sameyn dad weynaha uu la kulmo iyo goobta uu tago.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa….

Naxariistii Nabiga csw:

10 .Xajka.
Ilaah xajka wuxuu ku waajibay dadka muslimiinta ah hal mar cimrigooda oo idil taas oo ah naxariis xagga Rabbi ka timid, haddii la dhihi lahaa waa sanad walba aad ayey ugu adkaa leheed dadka sidoo kale, waxa laga rabaa oo kaliya qofkii awooda ee ma dul saarna qof aan awood u lahayn.
Naxariistaas Rabbi, waxa daba taala mid kale oo ah naxariistii nabiga csw.
Maalin ayuu nabigu u istaagay inuu dadka hadal u jeediyo markaas ayuu yiri “dadoow, waxa la idinku waajibiyay inaad xajisaan ee xajiya, markaas ayaa nin yiri Nabi Allow ma sanad walbaan xajinaa isaga oo ku celcelinayaa ilaa seddex jeer, nabiguna uma jawaabin. Kadib ayuu nabigu yiri haddii aan haa dhihi lahaa waa la idin ku waajibi lahaa ee waxaan idin kaga tago iska dhaafa, dadkii idin ka horreeyay ayaa ku halaagsamay su’aalaha badan iyo khilaafaadka nabiyadoode …..”

Naxariista nabiga csw ma ahan mid la soo koobi karo .
Naxariistii nabiga csw ee arrimaha xajka waxa ka mid ah inuu u ogolaaday dadka daciifka ama duqeyda ah in ay Muzdaliqa kasii baxaan ka hor salaadda subax si ay u garaan jamaraatka intuusan buuxsamin ama cariiri noqon.
Mar walba nabigu wuxuu ahaa mid u naxariista ummadiisa iyo koonka oo idil.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela..
Waa noo socotaa….

Tuesday, June 14, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

9. Cibaadada.
Naxariistii nabi Muxmed scw kuma koobneen la dhaqanka dadka ee xitaa wuxuu ahaa mid qaab naxariis ah ugu sheega cibaadda laga rabo.
Marka lagaha hadlaayo soonka, nabigu wuxuu aha mid umaddiisa aad ugu naxariista sidaa darteed, wxuu kula dardaarmi jiray in ay suxuurtaan waliba wakhti danbe sidoo kale na ay afurka soo dedejiyaan ee aysan sugin wakhti badan haddii qorraxdo dhacdo.
Wuxuu dhihi jiray nabigu csw "khayr ayaad ku jirtaan intaad afurka dedejineysaan”.
Diintu waa naxariis sidaa darteed ayaa nabigu umadda si fudud oo naxariis ah u gaarsii jiray waxa laga rabo iyo waajibaadka saaran.
Xitaa nabigu wuxuu diidi jiray in qofku soon joogta ah galo oo sannadka oo idl soonnaado .
Xitaa marka la dukanaayo nabigu wuxuu dardaarmay in suurado yar yar lagu dukado ee aan dadka lagu kor dhameyn suurado dhaadher, maxaa yeelay dadka waxaa ku jiri kara qof da' ah, qof xanuunsan ama qof dan leh uu meel u socda.
Cibaadadu waa mid miisaaman oo dadku ka soo bixi karaan ee ma ahan culeys iyo dhibaato “ Ilaah wuxu nala doonaya fudeyd ee na lama doonaayo culeys”
Saxaabiga weyn ee Salmaan Al-faarisiye- ilaah ha ka raali noqdee- ayaa arkay Abuu-Dardaa rc oo maalintii soon ku jira habeenkiina salaad u taagan, markaas ayuu ku yiri “ Ilaah xaq ayuu kugu leeyahy, reerkaaguna xaq ayay kugu leeyihiin, naftaaduna xaq ayey kugu leedahay ee mid kasta xaqiisa sii”
Markuu nabigu csw maqlay arrinkaas ayuu yiri “ run ayu sheegay Salmaan”.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela
Waa noo socotaa….

Monday, June 13, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

8. Dadka Denbiga gala .
Siduu nabigu csw noo sheegay "Aadanaha waa khaldamaa, waxaana ugu khayr badan kuwa ilaah u soo laabta ee towbad keena".
Wax lala yaabo maaha inuu qof denbaabo laakin waxaa dhibaato ah inuu ka soo laaban waayo . Aan wada eegno siduu nabigu ugu naxariisa jiray dadka nuucaas ah.

Nin ayaa u yimid nabiga csw dhahaaya “ waan halaagsamay”
Suubanuhu scw wuxuu weydiiyay waxa ku dhacay? Wuxuu yiri "waxaan u tegay xaaskeyga anigoo sooman".
Nabigu wuxuu yiri ma helee qof aad xoreyso? wuxu yiri maya. Mar kale, wuxuu yiri ma soomi kartaa laba bil oo xiriir ah? Wuxu yiri maya. Wuux kale uu weydiiyay inuu quudin karo oo raashin sii karo miskiin muddo lixdan maalin ah, hadana wuxuu yiri ma awoodo.
Markii xooga la joogay ayaa la keenay timir, markaas ayaa nabigu yiri aaway ninkii wax weydinaayay ?
Ninkii ayaa yiri waa ikan, wuxuu yiri qaado timirtaan ee sadaqeyso. Ninkii ayaa yiri oo ma qof iga faqiirsan ayaa jirta Rasuulkii Allow?. Nabigu waa qoslay oo ku yiri "reerkaaga u geey".
Ninkii denbiga weyn galay ee maalin soon ah xaaskiisa u tegay ayaa ugu danbeyn la siiyay timir uu reerkiisa u geeyo waa taas naxariista nabi Muxamed, waa kaas dareenka dhabta ah ee la rabo in lagula dhaqmo dadka qirtay in ay denbi galeen ee doonaya naxariis iyo denbi dhaaf Alle.
Dad badan oo naga mid ah ninkaas oo kale waa u xanaaqi lahaayen sida in la yiri dadku yeysan denbi gelin.
Waligaa ha nicin qof laakin khaladka iyo xumaanta nac.
Nabi Muxamed scw muusan u xanaaqin ee wuxuu u sheegay dariiqyada kala duwan ee laga rabo qofka denbigaas oo kale gala laakin ninkii denbiga galay waa awoodi waayay dhammaan wixii loo sheegay xitaa markii danbe ee la siiyay wax uu sadaqeysto asaa qaatay waayo waa u baahanaa .
waa taas diinteena naxariista badan, waana mid ka mid tusaalooyinka aan dunida ka dhicin ee laga dareemi karo naxariistii nabiga csw.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa…

Sunday, June 12, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

7. Dadka aan aqooonta lahayn.
Aadanuhu waa kala duwan yahay qaar baa wax barta qaar kalena waxay ku mashquulsan yihiin arrima kale oo aan wax barasho ahayn gaar ahaan dadka jooga miyiga iyo meelaha ka fog magaalada.
Inkasta oo dadka miyiga ku nool yaqaanaan sida loo dhaqdo xoolaha, beerashada iyo howla kale oo noloshooda la xariira hadana waxaa ku yar aqoantooda la xariirta culuumta kala duwan ee dunida laga barto.
Sidoo kale, waxaa jira dad magaalada jooga oo iyaguna jaahiliin ah lagana yaabo in sababa kala duwan ay keenaan inaysan wax baran.
Hadaba dadka nuucaas ah, waa dad u bahaan naxariis gaar ah, waxaa laga yaaba waxay sameynayaan in aqoon darro u geyso ee aysan ka ahayn wax ku dheel.
Nabigu dadka nuucaas ah marka ay khaldamaan si gooni ah ayuu ula dhaqmi jiray isagoo ka dhaadhici jiray waxa jira iyo waxa looga baahan yahay.

Maalin ayaa nin reer miyi ah soo galay masjidka ka dibna kaadi is kala dhax fadhiistay, markii ay saxaabadu arkayn ayey ku billaabeen in ay canaantaan laakin naxariis badanihii rasuulkeena scw ayaa ku dhahay "iska dhaafa ha dhameystee". Markuu dhameystay ayuu nabigu csw si deggan u yiri “ masaajidda looma dhisin in lagu kaadiyo ee waxaa loogu tala galay in Ilaah lagu xuso, lagu dukado laguna akhriyo Quraanka “. Ninkii si deggan ayuu u fahmay arrinkaas, waana u riyaaqay. Bal eeg, naxariistaas cajiibka ah iyo sida xikmadda leh ee nabigu u gaarsiiyay farriinta saxda ah.
Ma ahan in qofka lagala dul dhaco ciqaab ama fursad loo arko in qofku khaldamo ka dibna lagu boobsiyo ciqaab iyada oo la heli karo xal ka wanaagsan oo xikamdeysan.
Dabacan khaladaadku waa kala nuuc, waana kala culus yihiin qaar ayaana muteysan kara ciqaab adag laakin waxaan uga jeedna wax yaabaha si aqoon darra ah ama u tala gal aan u dhicin ee qofku heli karo cudur daar.
Maanta baahida ugu weyn ee aan u baahanahay, waa inaan muujinna naxariista baaxadda weyn ee ay diinteenu xanbaarsan tahay.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa…

Saturday, June 11, 2016

Naxariistii Nabiga csw:

6. Dadka dhibaatadu soo gaarto .
Dadka dhibaateysan, waxaa looga jeeda qofka xanuunsan ama laga xanuunsan yahay ama laga geeriyooday .
Dadka nuucaan ah, waxay nabiga csw ka heli jireen naxariis gaar ah iyo bishaaro ay ku farxaan ama ugu yaraan ka yareysa murugada saaran.
Nabi Muxamed scw, waxa uu ahaa mid booqda qofka xanuunsan ama reerka laga dhinto isaga oo na baraaya xaqa uu qofku ku leeyahay walaalkiis muslinka ahna wuxuu yiri, waa lix waxaana ka mid ah inaad booqato walaalka xanuunsan ama aad raacdo janaasadiisa.
Cusmaan Bin Cafaan- ilaah ha ka raali noqdee- wuxuu yiri “ waxaan la joognay nabiga wakhti kasta, wuxuu aha mid booqda qofka xanuunsan sidoo kale na raaca janaasada dagaalkana nala gala”
Nabigu wuxuu ahaa mid markasta ka war haya xaaladda ay ku sugan yihiin asaxaabtiisa iyo bulshada muslinka ah .
Umul-Calaa, waxay tiri “ waxaa isoo booqday nabiga aniga oo xanuunsan markaas ayuu I yiri " bishaareyso xanuunku wuxuu tira denbiga.. “
Markuu booqdo nabigu qof xanuunsan waa u duceey jiray ilaahna u baryi jiray inuu siiyo caafimaad .
Marka dagaal la galo ee qaar ka mid ah asaxaabtiisa dhaawacmaan, wuxuu ku dadaali jiray sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada ee ma ahayn qof hilmaama dadkii naftooda u huray difaacidda diinta Alle.
Qofka xanuunsan, wuxuu u baahan yahay dareen gaar iyo naxariis dheeri nabiguna wuxuu ahaa mar walba qof u naxariista dadka xanuunsan isaga oo howl adag iyo maamulidda musliminta dul saaran tahay ayuu hadana ka war qabi jiray dadka xanuunsan ama dhaawacan kuna dadaali jiray inuu ku booqdo guryahooda.
Bal qiyaas Rassuulkii Alle oo kugu soo booqanaaya gurigaada, maxaad dareemi leheed?
Waxaa ka mid ah naxariisti nabiga csw siduu ugu naxariisa jiray reerka laga dhintay.
Markii saxaabiga weyn ee Jacfar rc geeriyooday, nabiguu wuuxu yiri “ Reer jacfar ha loo sameeyo raasshin ama cunta ay cunaan, arrin weyn ayaa mashquulisaye”
Naxariista nuucaas ah bal eeg, wuxuu dardaarmaya nabigu in loo adeego reerkaas laga geeriyooday inta xaalkoodu degaayo laakin maanta cagsi ayaan sameynaa oo reerkii laga geeriyooday ayaa wax laga soo cunaa oo mashquulki haystay loogu daraa mashquul iyo culueys kale.
Nabigu wuuxu aha mid qalbiga u dejiya reerka laga geeriyooday barana sida laga rabo inuu sameyo qofka muslinka ee laga geeriyooday, wuxuu u dardaarmi jiray sida Ilaah ka raali yahay iyo in ay markasta ilaah ku xirnadaan oo aysan dariiqa toosan ka leexanin.
Mararka qaar wuuxu ahaa mid u bishaareya reerka una sheega qof geeriyooday iyo wuux Alle agtisa kala kulmay taas oo dareenka reerka bedeleysa.

Jaabir Bin Cabdullaahi rc wuxuu yiri “ markii la dilay aabbahey, waan ooyay dadku waxay lahaayen ha ooyin laakin nabigu imuusaan lahayen hadana eedadey ayaa bilaawaday in ay ooyso markaas ayuu nabigu yiri "ooy ama ha ooyin malaa'ikti ayaa ku hoosineysa garbaheeda oo xagga sare u qaadeysa”.
Sidee qalbiga reerkaas dareemaya marka ay maqlaan bishaarda nuucaas ah?
Waa naxariis iyo dareen qaali ah oo ka yimid qof qaali ah.
Nabigu csw wuxu ahaa mid u naxariista mar walba dadka nuucaan ah xitaa qof caadi isaga murugeysan ama dareemaya cariiri xagga nolosha ah niyadda ayuu u deji jiray kulana daradaarmi jiray wanaag iyo khayr.
Dadka dhibateysan in dhibaato kale loogu sii daro maaha ee wa in laga dhimaa dhibaatada lana caawiya waa taas sunnada nabiga iyo naxariista loo baahan yahay ee aan ku dadaalno walaalayaal.
Qofkii naxariista ayaa naxariis hela.
Waa noo socotaa ….